< Joeli 1 >
1 Hili ni neno la Bwana lililomjia Yoeli mwana wa Pethueli.
Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Yoo'eel ina Fetuu'eel.
2 Sikieni haya, ninyi wazee, na sikieni, ninyi wenyeji wa nchi. Je! Hii imewahi kuwa kabla ya siku zenu au katika siku za baba zenu?
Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin?
3 Waambie watoto wako kuhusu hilo, na waache watoto wako kuwaambie watoto wao, na watoto wao kizazi kijacho.
Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.
4 Yale yaliyosazwa na tunutu yameliwa na nzige wakubwa; yale yaliyosazwa na nzige panzi wameyala; na yaliyosazwa na panzi yameliwa na madumadu
Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay.
5 Amkeni, enyi walevi, lieni! Omboleza, ninyi nyote mnywao divai, kwa sababu divai nzuri imekatwa kutoka kwenu.
Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.
6 Kwa maana taifa limekuja juu ya nchi yangu, imara na bila idadi. Meno yake ni meno ya simba, neye ana meno ya simba.
Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.
7 Amelifanya shamba langu la mizabibu kuwa mahali pa kutisha, amechukua mtini wangu. Amechukua gome lake na kulitupa mbali; matawi yake yamekuwa meupe.
Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.
8 Omboleza kama bikira aliyevaa magunia kwa kifo cha mumewe mdogo.
Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.
9 Sadaka ya unga na sadaka ya kinywaji zimekatiliwa mbali na nyumba ya Bwana. Makuhani, watumishi wa Bwana, huomboleza.
Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan.
10 Mashamba yameharibiwa, na nchi imekuwa dhaifu. Kwa maana nafaka imeharibiwa, divai mpya imekauka, na mafuta yameharibiwa.
Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa.
11 Oneni aibu, enyi wakulima, lieni, wakulima wa mzabibu, kwa ngano na shayiri. Kwa mavuno ya mashamba yameharibika.
Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
12 Mizabibu imeharibika na miti ya mtini imekauka, miti ya mkomamanga, pia mitende, na miti ya epo - miti yote ya shambani imeharibika. Kwa furaha imeharibika kutoka kwa wana wa wanadamu.
Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
13 Panda magunia na omboleza, enyi makuhani! Mwalia, enyi watumishi wa madhabahu. Njoo, ulala usiku wote kwenye magunia, enyi watumishi wa Mungu wangu. Maana sadaka ya unga na sadaka ya kinywaji zimezuiliwa nyumbani mwa Mungu wenu.
Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
14 Iteni kwa funga takatifu, na iteni kusanyiko takatifu. Mkusanyieni wazee na wenyeji wote wa nchi wafike nyumbani kwa Bwana Mungu wenu, na kumlilia Bwana.
Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
15 Ole kwa siku! Kwa maana siku ya Bwana imekaribia. Nayo itakuja uharibifu kutoka kwa Mwenyezi.
Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
16 Je, chakula hakikukatiliwa mbali mbele ya macho yetu, na furaha na kicheko kutoka nyumbani mwa Mungu wetu?
War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?
17 Mbegu zinaoza chini ya udongo wake, ghala zimekuwa ukiwa, na mabanda yamevunjika, kwa maana nafaka imeharibika.
Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.
18 Jinsi wanyama hulia! Ng'ombe wa ngome wanateseka kwa sababu hawana malisho. Pia, makundi ya kondoo yanateseka.
Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.
19 Bwana, nakulilia wewe. Kwa maana moto umekula malisho ya jangwani, na moto umeteketeza miti yote ya mashamba.
Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.
20 Hata wanyama wa mashambani wanapanda kwa ajili yako, kwa maana mito ya maji imekauka, na moto umekula malisho ya jangwani.
Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.