< Ayubu 8 >

1 Kisha Bildadi huyo Mshuhi akajibu na kusema,
Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 “hata lini wewe utasema mambo haya? Kwa muda gani maneno ya kinywa chako yatakuwa kama upepo wenye nguvu?
Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
3 Je Mungu hupotosha hukumu? Je Mwenyezi hupotosha haki?
War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
4 Watoto wako wametenda dhambi dhidi yake; tunalifahamu hili, kwa kuwa amewatia mkononi kwa makosa yao.
Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
5 Lakini wewe unaonaje ukimtafuta Mungu kwa bidii na kufikisha haja yako kwa huyo Mwenyezi.
Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
6 Ukiwa wewe ni msafi na mkamilifu, hakika angeamka mwenyewe kwa niaba yako na kukurudisha kwenye makazi ya haki yako.
Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
7 Japokuwa huo mwanzo wako ulikuwa ni mdogo, hata hivyo hali yako ya mwisho itaongezeka sana.
Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
8 Tafadhari uwaulize vizazi vya zamani, na utie bidii katika hayo mababu zetu waliyojifunza.
Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
9 (Sisi ni wa jana tu na hatujui chochote kwa kuwa siku zetu duniani ni kivuli).
(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
10 Je hawatakufunza wao na kukuambia? Je hawatatamka maneno yatokayo mioyoni mwao?
War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
11 Je hayo mafunjo yaota pasipo matope? Je mafunjo yaota pasipo maji?
War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
12 Wakati yakiwa bado ya kijani na hayajakatwa, hunyauka kabla ya mmea mwingine.
Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
13 Hivyo pia njia ya wote wamsahauo Mungu, na matumaini ya asiyeamini Mungu yatatoweka.
Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
14 Ujasiri wake utavunjika, na matumaini yake ni dhaifu kama utando wa buibui.
Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
15 Ataitegemea nyumba yake, lakini haitamsaidia; atashikamana nayo, lakini isidumu.
Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
16 Yeye huwa mti mbichi chini ya jua, na machipukizi yake huenea katika bustani yake yote.
Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
17 Mizizi yake hujifunga funga kwenye rundo la mawe; huangalia mahali pazuri katikati ya mawe;
Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
18 Lakini mtu huyu aking'olewa mahali pake, kisha mahali pale patamkana, na kusema, 'mimi sikukuona.'
Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
19 Tazama, hii ni “furaha” ya mtu mwenye tabia hiyo; mimea mingine itachipuka toka katika udongo ule ule mahali pake.
Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
20 Tazama, Mungu hatamtupa mtu asiye na kosa; wala hatawathibitisha watendao uovu.
Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo.
21 Yeye atakijaza kinywa chako na kicheko, midomo yako na shangwe.
Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh,
22 Wale ambao wanakuchukia wewe watavishwa aibu; nayo hema yake mwovu haitakuwepo tena.
Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

< Ayubu 8 >