< Yeremia 34 >
1 Neno lililomjia Yeremia kutoka kwa Yahwe, wakati Nebukadreza mfalme wa Babeli, majeshi yake yote, pamoja na falme zote za dunia, maeneo yote yaliyo chini ya mamlaka yake, na watu wake wote walikuwa wanapigana vita dhidi ya Yerusalemu na miji yake yote, kusema:
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
2 'Yahwe, Mungu wa Israeli, anasema hivi: Nenda na uzungumze kwa Sedekia mfalme wa Yuda na useme kwake, 'Yahwe asema hivi: Angalia, niko karibu kuutia mji huu mkononi mwa mfalme wa Babeli. Atauchoma moto.
Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
3 Hautapona kutoka mkono wake, kwa maana kwa hakika utakamatwa na kutiwa mkononi mwake. Macho yako yatayaangalia macho ya mfalme wa Babeli; atazungumza kwako moja kwa moja ukiwa unaenda Babeli.'
Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.
4 Sedekia mfalme wa Yuda, sikiliza neno la Yahwe! Yahwe anasema hivi kuhusu wewe, 'Hautakufa kwa upanga.
Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,
5 Utakufa katika amani. Kama kwenye mafukizo ya babu zako, wafalme waliokuwepo kabla yako, watauchoma mwili wako. Watasema, 'Ole, bwana!” Watakuomboleza. Sasa nimesema—hili ni tangazo la Yahwe.”
nabad baadse ku dhiman doontaa, oo wax baa laguu shidi doonaa sidii wax loogu shidi jiray awowayaashaa oo ahaa boqorradii kaa sii horreeyey, wayna kuu barooran doonaan, iyagoo leh, Hoogaye, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Eraygaas anigaa ku hadlay.
6 Kwa hiyo Yeremia nabii akatangaza kwa Sedekia mfalme wa Yuda maneno haya yote katika Yerusalemu.
Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,
7 Jeshi la mfalme wa Babeli likafanya dhidi ya Yerusalemu na miji yote ya Yuda iliyobaki: Lakishi, na Azeka. Miji hii ya yuda ilisalia kama miji yenye maboma.
markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.
8 Neno lilomjia Yeremia kutoka kwa Yahwe baada ya mfalme Sedekia kufanya agano na watu wote katika Yurusalemu, ili kuwatanagazia uhuru
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
9 ya kwamba kila mtu lazima amwachie huru mtumwa wake wa Kiebrania, wote wa kiume na wa kike, kwa hiyo mtu alipaswa kutomtumikisha Myahudi, ambaye alikuwa ndugu yake.
in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
10 Kwa hiyo watu wote na viongozi wakaingia katika agano kwamba kila mtu amwachie huru mtumwa wake wa kiume na waikke ili asiwe mtumwa tena. Walitii na kuwaweka huru.
Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.
11 Lakini baada ya hapo walibadili akili zao. Wakawarudisha watumwa ambao walikuwa wamewaachia huru. Wakawalazimisha kuwa wataumwa tena.
Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.
12 Kwa hiyo neno la Yahwe likaja kwa Yeremia, likisema,
Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,
13 “Yahwe, Mungu wa Israeli, anasema hivi, 'Mimi mwenyewe nilifanya agano na babu zenu katika siku ambayo niliwatoa nje ya nchi ya Misiri, nje ya nyumba ya utumwa. Hapo ndipo niliposema,
Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,
14 Katika mwisho wa mwaka wa saba, kila mtu lazima amwachie ndugu yake, Mwebrania mwenzake aliyejiuza mwenyewe kwako ili kukutumikia kwa miaka sita. Mwagize aende kwa uhuru.” Lakini babu zenu hawakunisikiliza wala kutega masikio yao kwangu.
Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
15 Sasa ninyi wenyewe mlitubu na kuanza yaliyomema katika macho yangu. Mlitangaza uhuru, kila mtu kwa jirani yake, na mlifanya agano mbele zangu kwenye nyumba iitwayo kwa jina langu.
Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
16 Lakini tena mmegeuka na kulichafua jina langu; mmemsababisha kila mtu kumleta tena mtumwa wake wa kiume na wa kike, wale mliowachie kwenda walikotaka. Mmewalazimisha kuwa watumwa tena.'
Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan.
17 Kwa hiyo Yahwe asema hivi, 'Ninyi wenyewe hamkunisikiliza. Mlipaswa kuwa mmetangaza uhuru, kila mmoja wenu, kwa ndugu zenu na Waisraeli wenzenu. Kwa hiyo angalia! Niko karibu kutangaza uhuru kwenu—hili ni tangazo la Yahwe—uhuru wa upanga, tauni, na njaa, kwa maana naenda kuwafanya kitu cha ajabu katika macho aya kila ufalme juu ya dunia.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
18 Kisha nitashughulika na watu waliolivuja agano langu, ambao hawakuyashika maneno ya agano ambalo walilithibitisha mbele zangu walipomkata ng'ombe dume katika vipande viwili na kutembea katika vipande vyake,
Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
19 na kisha viongozi wa Yuda na Yerusalemu, matowashi na makuhani, na watu wote wa nchi wakatembea katika vipande vya yule ng'ombe dume.
kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,
20 Nitawatia katika mikono ya adui zao na katika mikono ya hao wanaoutafuta uhai wao. Miili yao itakuwa chakula cha ndege wa angani na wanyama juu ya dunia.
waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
21 Kwa hiyo nitawatia Sedekia mfalme wa Yuda na viongozi wake kwenye mikono ya adui zao na kwenye miko ya wale wanaoutafuta uhai wao na katika mikono ya majeshi ya mfalme wa Babeli ambayo yameinuka dhidi yenu.
Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.
22 Angalia, niko karibu kutoa amari—hili ni tangazo la Yahwe—na nitawaleta tena kwenye mji huu ili wapigane dhidi yake, na kuunguza kwa moto. Kwa maana nitaigeuza miji ya Yuda kuwa sehemu za ukiwa ambamo hapatakuwa na wakaaji.”
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.