< Yeremia 33 >
1 Kisha neno la Yahwe likaja kwa Yeremia mara ya pili, alipokuwa bado amefungwa ndani ya uwanja wa walinzi, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,
2 Yahwe muumbaji, anasema hivi—Yahwe, aumbaye ili athibitishishe—Yahwe ndilo jina lake,
Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
3 'Niite, na nitakuitika, nitakuelezea mambo makuu, siri ambazo huzielewi.'
I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.
4 Kwa maana Yahwe, Mungu wa Israel, anasema hivi kuhusu nyumba zilizo katika mji huu na nyumba za wafalme wa Yuda zilizobomolewa kwa sababu ya maboma na upanga,
Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
5 Wakaldayao wanakuja kupigana na kuzijaza nyumba kwa hizi kwa majeshi ya watu ambao wataua katika hasira yangu na ghadhabu yangu, nitakapouficha mji huu uso wangu kwa sababu ya uovu wao wote.
Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
6 Lakini ona, niko karibu kuleta uponyaji na tiba, kwa maana nitawaponya na nitawapa wingi wa, amani na uamainifu.
Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
7 Kwa maana nitawarudhisha wafungwa wao wa Yuda na Israeli; nitawajenga tena kama ilivyokuw mwanzo.
Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
8 Kisha nitawatakasa uovu wote walioufanya dhidi yangu. Nitasamehe makosa yote waliyonitenda, na na njia zote walizo asi dhidi yangu.
Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
9 Kwa maana mji huu kwa ajili yangu utakuwa chombo cha furaha, nyimbo, sifa na heshima kwa mataiafa yote ya dunia ambao watasikia mambo yote mema ninayokwenda kufanya kwa ajili ya huu mji. Kisha wataogopa na kutetemeka kwa sababu ya mambo yote mema na amani nitayoupa mji huu.'
Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.
10 Yahwe anasema hivi, 'Katika sehemu hii ambayo sasa mnaisema, “Imetengwa, sehemu isiyo na mwanadamu wala mnyama,” katika mji huu wa Yuda, na katika mitaa ya Yerusalemu ambayo imetengwa bila mwanadamu wala mnyama, zitasikika tena
Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa
11 sauti za furaha na sauti za shangwe, sauti ya bwana arusi na sauti ya bibi arusi, sauti za wale wasemao, wanapoleta shukrani katika nyumba ya Yahwe, “Mshukuruni Yahwe wa majeshi, kwa maana Yahwe ni mwema, na upendo wake usioshindwa wadumu milele!” Kwa maana nitawafanaya tena wafungwa wa nchi kuwa walivyokuwa mwanzo,' asema Yahwe.
codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
12 Yahwe wa majeshi asema hivi: Katika sehemu hii ya ukiwa, ambamo sasa hakuna mwanadamu wala mnyama—katika miji yake yote kutakuwepo tena malisho ambapo wachungaji wataweza kupumzisha makundi yao.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.
13 Katika miji hii katika nchi ya vilima, nchi tambarare, na Negevu katika nchi ya Benyamini na kuzunguka Yerusalemu yote, na katika miji ya Yuda, makundi yatapata njia chini ya mkono wa yule anayewahesabu,' asema Yahwe.
Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
14 Angalia! Siku zinakuja—hili ni tangazo la Yahwe—ambapo nitafanya niliyoahidi kwa nyumba ya Israeli na nyumba ya Yuda.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.
15 Katika siku hizo na katika wakati huo nitachipua shina la haki kwa ajili ya Daudi, na litafanaya hukumu na haki katika nchi.
Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
16 Katika siku hizo Yuda wataokolewa, na Yurusalemu utaishi katika usalama, kwa maana hivi ndivyo atakavyoitwa, “Yahwe ni haki ni haki yetu.”
Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
17 Kwa maana Yahwe anasema hivi: 'Mwana kutoka ukoo wa Daudi hatakosa kuketi katika kiti cha nyumba ya Israeli,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.
18 wala mtu kutoka ukuhani wa Kilawi hatakosa kutoa sadaka za kuteketezwa mbele zangu, kutoa sadaka za chakula, na kutoa sadaka za nafaka wakati wote.”'
Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo.
19 Neno la Yahwe likaja kwa Yeremia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
20 “Yahwe anasema hivi: 'Kama mkiweza kulivunja agano langu la mchana na usiku ili kwamba siku isikawie wala usiku usikawie kuja kwa wakati wake,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,
21 basi mtaweza u kulivunja agano langu na Daudi mtumishi wangu, ili kwamba aspate mwana wa kuketi juu ya kiti chake cha enzi, na gano langu na makuhuni wa Kilawi, watumishsi wangu.
markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.
22 Kama vile majeshsi ya mbinguni yasivyoweza kuhesabika, na kama vile mchanga wa ufukwe wa bahari usivyoweza kupimwa, ndivyo nitakavyouongeza uzao wa Daudi mtumishi wangu na Walawi watumikao mbele zangu.”
Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
23 Neno la Mungu likaja kwa Yeremia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
24 Hamkuzingatia walichotangaza watu hawa waliposema, 'Zile Familia mbili ambazo Yahwe alizichagua, sasa amezikataa'? Kwa jinsi hii hii waliwapuuza watu wangu, wakisema kwamba si taifa tena katika macho yao.
Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.
25 Mimi, Yahwe, nasema hivi, 'Kama sijalithibitisha agano la mchana na usiku, na kama sijaziweka sheria za mbingu na dunia,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba,
26 basi nitawakataa uzao wa Yakobo na Daudi mtumishi wangu, na nisilete mtu kutoka kati yao wa kutawala juu ya uzao wa Abrahamu, Isaka, na Yakobo. Kwa maana nitawarudisha wafubgwa wao na kuonesha huruma kwao.”'
markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.