< Yeremia 32 >

1 Neno likaja kwa Yeremia kutoka kwa Yahwe katika mwaka wa kumi wa Sedekia mfalme wa Yuda, katika mwaka wa kumi na nane wa Nebukadreza.
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.
2 Katika wakati huo, jeshsi la mfalme wa Babeli lilikuwa limeuzunguka Yerusalemu, na Nehemia nabii alikuwwa amefungwa katika uwanja wa walinzi katika nyumba ya mfalme wa Yuda.
Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.
3 Sedekia mfalme wa Yuda alikuwa amemfunga na kusema, “Kwa nini unatabiri na kusema, 'Yahwe anasema hivi: Angalia, niko karibu kuweka mji huu katika mikono ya mfalme wa Babeli, na atauteka.
Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,
4 Sedekia mfalme wa Yuda hatapona kutoka kwenye mikono ya Wakaldayo, kwa maana hakika atatiwa katika mkono wa mfalme wa Babeli. Mdomo wake utazumzia kwenye mdomo wa mfalme, na macho yake yatayaona macho ya mfalme.
oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan,
5 Atampeleka Sedekia Babeli, na atabaki huko hadi nimuadhibu—hili ni tangazo la Yahwe. Ingawa unapigana dhidi ya Wakaldayo, hautafanikiwa.”
oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?
6 Yeremia akasema, “Neno la Yahwe likaja kwangu, likisema, Angalia, Hanameli mwana wa Shalumu mjomba wako anakuja kwako na atasema,
Oo Yeremyaahna wuxuu yidhi, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,
7 “Linunue shamba langu ambalo liko katika Anathothi kwa ajili yako, kwa maana haki ya kununua ni yako.””
Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid.
8 Kisha, kama Yahwe alivyotangaza, Hanameli, mwana wa mjomba wangu, akaja kwangu katika uwanja wa walinzi, na akasema kwangu, 'Linunue shamba langu kwa ajili yako ambalo liko Anathothi katika nchi ya Benyamini, kwa maana haki ya urithi ni ya kwako, na haki ya kulinunua ni yako. Linunue kwa ajili yako.' Kisha nilijua kuwa hili lilikuwa neno la Yahwe.
Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay.
9 Kwa hiyo nililinua shamba katika Anathothi kutoka kwa Hanameli, mwana wa mjomba wangu, na nilipima fedha kwa ajili yake, shekeli kumi na saba katika uzito.
Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah.
10 Kisha niliandika katika barua na kuitia muhuri, na kulikuwa na mashadi wakaishuhudia. Kisha nikampa fedha katika mizani.
Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay.
11 Kisha nikaichukua hati ya manunuzi ambayo ilikuwa imepigwa muhuri, kwa kuifuata amri na taratibu, na kama ilivyo ada.
Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada.
12 Ile barua nikampa Baruku mwana wa Neria wa Maaseya mbele ya Hanameli, mwana wa mjomba wangu, na mashahidi waliotia sahihi kwenye barua iliyopigwa muhuri, na mbele ya Wayahudi wote waliokaa katika uwanja wa walinzi.
Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan.
13 Kwa hiyo nikampa amri Baruku mbele yao. Nilisema,
Oo waxaan Baaruug ku amray hortooda, oo ku idhi,
14 Yahwe, Mungu wa Israeli, anasema hivi: Chukua nyaraka hizi, vyote hati hii ya manunuzi iliyopigwa muhuri na nakala zisizopigwa muhuri za manunuzi, na uziweke katika chungu cha udongo ili vidumu kwa muda mrefu.
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Qaad warqadahan heshiiska waxiibsashada, midda shaabadaysan, iyo tan furanba, oo waxaad ku dhex riddaa jalxad dhooba ah, si ay wakhti dheer u sii raagaan.
15 Kwa maana Yahwe wa majeshi, Mungu wa Israeli, anasema hivi: Nyumba, mashamba, na mashamba ya mizabibu vitanunuliwa tena katika nchi hii.
Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weliba mar dambe dalkan waxaa laga iibsan doonaa guryo iyo beero canab ah.
16 Baada ya kumpa Baruki mwana wa Neria ile hati ya manunuzi, nikaomba kwa Yahwe nikasema,
Oo markaan warqaddii heshiiska waxiibsashada Baaruug ina Neeriiyaah u dhiibay dabadeed ayaan Ilaah baryay oo waxaan ku idhi,
17 Ole, Bwana Yahwe! Angalia! Wewe peke yako umezitengeneza mbingu na dunia kwa nguvu zako kuu na kwa mkono wako ulioinuka. Hakuna kitu ambacho ukisema kwako ni kigumu sana kukifanya.
Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro.
18 Wewe huonesha agano la uaminifu kwa maelfu na kumimina makosa ya wanadamu katika mapaja ya watoto wao baada yao. Wewe ni Mungu mkuu na mwenye nguvu.
Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada.
19 Wewe ni mkuu katika hekima na una nguvu katika matendo, kwa maana macho yako yanaona njia zote za watu, ili kumlipa kila mtu stahiki ya matendo yake.
Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.
20 Ulifanya ishara na maajabu katika nchi ya Misiri. Hata leo hapa Israeli na kati ya wanadamu wengine wote, umelifanya jina lako kuwa maarufu.
Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.
21 Kwa maana uliwanunua watu wako Israeli kwa ishira na maajabu, kwa mkono hodari, kwa mkono ulioinuka, na kwa hofu kuu.
Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.
22 Kisha uliwapa nchi hii—ambayo uliapa kwa babu zao kwamba utawapa—nchi itiririkayo maziwa na asali.
Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,
23 Hivyo walingia na kuimiliki. Lakini hawakuitii sauti yako wala kuishi kwa kuitii sheria yako. Hawakufanya chochote ulichowaamuru kufanya, kwa hiyo umeleta juu yao majanga haya yote.
oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo.
24 Angalia! Urefu wa maboma haya umefika hadi kwenye mji ili kuuteka. Kwa sababu ya upanga, njaa, na tauni, mji umetiwa kwenye mikono ya Wakaldayo wanaopigana dhidi yake. Kwa maana ulichosema kitatokea sasa kinatokea, na ona, unatazama.
Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa.
25 Kisha wewe mwenyewe uliniambia, “Nunua shamba kwa fedha kwa ajili yako na mashahidi wameshuhudia, ingawa mji huu unatiwa mikononi mwa Wakaldayo.””
Sayidow, Rabbiyow, waxaad igu tidhi, Beerta lacag ku iibso, oo markhaatiyaal u yeedh, waayo, magaalada waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.
26 Neno la Mungu likaja kwa Yeremia, likisema,
Markaasaa Yeremyaah waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,
27 “Angalia! Mimi ni Yahwe, Mungu wa wanadamu wote. Kuna kitu cho chote kigumu sana kwangu kukifanya?
Bal eeg, anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan, haddaba ma wax igu adag baa jira?
28 Kwa hiyo Yahwe anasema hivi, 'Ona, niko karibu kuutia mji huu kwenye mikono ya Wakaldayo na Nebukadreza, mfalme wa Babeli. Atauteka.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.
29 Wakaldayo wanaopigana dhidi ya mji huu watakuja na kuwasha moto kwenye mji huu na kuunguza, pamoja na nyumba juu ya paa la watu waliomwabudu Baali na kumimina dhabihu kwa miungu wengine ili kunikasirisha.
Oo reer Kaldayiinka magaaladan la dirirayaana way iman doonaan, oo dab bay magaaladan qabadsiin doonaan, oo way gubi doonaan iyada iyo guryaheedii ay saqafkooda Bacal foox ugu shidi jireen, oo ay qurbaanno cabniin ah ilaahyada kale ugu shubi jireen, oo sidaasay iiga cadhaysiiyeen.
30 Kwa maana watu wa Israeli na Yuda hakika wamekuwa watu wanaofanya maovu mbele ya macho yangu tangu ujana wao. Watu wa Israeli hakika wameniudhi kwa matendo ya mikono yao—hili ni tangazo la Yahwe.
Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.
31 Yahwe anatangaza kwamba mji huu umekuwa sababu ya hasira yangu na ghadhabu yangu tangu siku walipoujenga. Umekuwa hivyo hata leo. Kwa hiyo nitaundoa mbele ya uso wangu
Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,
32 kwa sababu ya uovu wote wa watu wa Israeli na Yuda, mambo waliyofanya ili kunichukiza—wao, wafalme wao, wana wa wafalme, makuhani, manabii, na kila mtu katika Yuda na wakaaji wa Yerusalemu.
waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.
33 Wamenigeuzia migongo yao badala ya nyuso zao, ingawa niliwafundisha kwa furaha. Nilijitahidi kuwafundisha, lakini hakuna hata mmoja wao aliyenisikiliza ili kupokea marekebisho.
Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan.
34 Walisimamisha sanamu zao za ajabu katika nyumba inayoitwa kwa jina langu, ili kunitia unajisi.
Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.
35 Wakazijenga sehemu za juu katika Bonde la Beni Hinomu ili kuwatia katika moto wana wao na binti zao kwa ajili ya Moleki. Mimi sikuwaagiza. Sikuweka akilini mwangu kamwe kwamba watafanya mambo maovu na kwa hiyo kuwasabisha Yuda watende dhambi.
Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.
36 Kwa hiyo sasa, Mimi, Yahwe, Mungu wa Israeli, kuhusu mji huu ninasema hivi, 'mji ambao mnasema, 'Umetiwa mikononi mwa mfalme wa Babeli kwa upanga, njaa, na pigo.'
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,
37 Ona, niko karibu kuwakusanya kutoka kila nchi nilikowapeleka katika hasira yangu, ghadhabu, hasira kuu. Niko karibu kuwarudisha kwenye sehemu hii na kuwawezesha kuishi katika usalama.
Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.
38 Kisha watakuwa watu wangu, nami nitakuwa Mungu wao.
Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.
39 Nitawapa moyo mmjoa na na njia moja ya kuniheshimu kila siku ili kwamba yawepo mema kwa ajili yao na uzao wao baada yao.
Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan.
40 Kisha nitafanya pamoja nao agano la milele, ili nisiache kufanya mema kwa ajili yao. nitajiwekea heshima katika mioyo yao, ili kwamba wasiniache.
Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
41 Kisha nitajifurahisha katika kufanya mema kwao. Kwa uaminifu nitawapanda katika anchi hii kwa moyo wangu wote na maisha yangu yoye.
Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
42 Kwa amaana Yahwe anasema hivi, 'Kama tu nilivyoyaleta majanga haya makubwa yote juu ya watu hawa, hivyo hivyo nitaleta juu yao mambo mema niliyosema kwamba nitafanya kwa ajili yao.
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa.
43 Basi mashamba yatanunuliwa katika nchi hii, ambayo mnaisema, “Hii ni nchi iliyoharibiwa, isiyo na mwanadamu wala mnyama. Imetiwa mikononi mwa Wakaldayo”
Oo beeraa laga iibsan doonaa dalkan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn oo waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.
44 Watanunua mashamba kwa fedha na kuandika katika barua zilizopigwa muhuri. Watawakusanya mashahidi katika nchi ya Benyamini, wote kuzunguka Yerusalemu na miji ya Yuda katika miji ya nchi yenye vilima, na katika nchi tambarare, na katika miji ya Negebu. Kwa maana nitawarejesha wafungwa wao—hili ni tangazo la Yahwe.”'
Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.

< Yeremia 32 >