< Yeremia 18 >

1 Neno la Bwana lilimjia Yeremia, kusema,
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
2 “Simama, uende kwa nyumba ya mfinyanzi; kwa maana nitakusikilizisha neno langu huko.
Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa.
3 Basi, nikaenda nyumbani kwa mfinyanzi, na tazama! Mfinyanzi alikuwa akifanya kazi kwenye gurudumu la mfinyanzi.
Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya.
4 Lakini chombo cha udongo ambacho alikuwa akikifinyanga kiliharibika mkononi mwake, kwa hiyo alibadili mawazo yake na akafanya kitu kingine ambacho kilionekana kuwa kizuri machoni pake.
Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd.
5 Ndipo neno la Bwana likanijia, kusema,
Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
6 “Je, siwezi kuwa kama huyu mfinyanzi kwenu, nyumba ya Israeli? Angalia! Kama udongo katika mkono wa mfinyanzi-ndivyo ulivyo mkononi mwangu, nyumba ya Israeli.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.
7 Kwa wakati mmoja, ninaweza kutangaza jambo fulani juu ya taifa au ufalme, kwamba nitaufukuza, kuuvunja, au kuuharibu.
Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
8 Lakini kama taifa ambalo nimefanya tamko hilo linageuka na kuacha maovu yake, basi nitaghairi nisitende maafa niliyokuwa nimepanga.
haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.
9 Wakati mwingine, ninaweza kutangaza jambo fulani kuhusu taifa au ufalme, kwamba nitaujenga au kuupanda.
Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero,
10 Lakini ikiwa watafanya mabaya machoni pangu kwa kutosikiliza sauti yangu, basi nitaghairi mema ambayo nilikuwa nimewaambia nitawafanyia.
hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.
11 Basi sasa, waambie watu wa Yuda na wenyeji wa Yerusalemu, ukisema, 'Bwana asema hivi: Tazameni, nitawaangamiza. Mimi ni karibu kufinyanga mabaya dhidi yenu. Tubuni, kila mtu kutoka njia yake mbaya, hivyo njia zako na matendo yako yatakuletea mema.'
Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.
12 Lakini watasema, 'Hili halina maana. Tutafanya kulingana na mipango yetu wenyewe. Kila mmoja wetu atafanya mabaya kwa kuufuata uchupavu wa moyo wake.'
Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
13 Kwa hiyo Bwana asema hivi, 'Uliza watu wa mataifa, ambao wamewahi kusikia habari kama hii? Bikira wa Israeli amefanya kitendo cha kutisha.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruumaha waxaad ka dhex weyddiisaan, Bal yaa waxyaalahan oo kale maqlay? Dadka Israa'iil oo bikrad ah waxay sameeyeen wax aad iyo aad u xun.
14 Je, theluji ya Lebanoni imetoka milima yenye miamba juu ya pande zake? Je, mito ya mlima inayotoka mbali iliharibiwa, mito hiyo ya baridi?
Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?
15 Hata hivyo watu wangu wamesahau. Wamefanya sadaka kwa sanamu zisizo na maana na wamefanya mashaka katika njia zao; wameacha njia za kale za kutembea katika njia ndogo.
Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn,
16 Nchi yao itakuwa ya hofu, kitu cha kuzomewa milele. Kila mtu atakayepita karibu naye atashuhudia na kutingisha kichwa chake.
si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.
17 Nitawaangamiza mbele ya adui zao kama upepo wa mashariki. Nitawageuzia kisogo, wala sio uso wangu, siku ya msiba wao.'”
Anigu waxaan iyaga cadowgooda ugu hor firdhin doonaa sidii iyagoo dabayl bari kaxaysay, oo maalintii masiibadoodana waxaan u jeedin doonaa dhabarka, oo innaba wejiga tusi maayo.
18 Basi watu wakasema, “Njoni, tufanye njama dhidi ya Yeremia, maana sheria haitapotea kabisa kwa makuhani, wala ushauri kutoka kwa wenye hekima, au maneno ya manabii. Njoo, mshambulie kwa maneno yetu na tusisikilize tena chochote anachosema.”
Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.
19 Sikiliza, Ee Bwana! Na kusikiliza sauti ya adui yangu.
Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda.
20 Je, maafa kutoka kwao itakuwa malipo yangu kwa kuwa mema kwao? Kwa maana wamenichimbia shimo. Kumbuka jinsi nilivyosimama mbele yako ili niseme mema kwa ajili yao na kugeuza ghadhabu yako isiwapate.
Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
21 Basi uwape watoto wao njaa, na uwatie mikononi mwa wale wanaotumia upanga. Basi, waache wanawake wao wafiwe na kuwa wajane, na watu wao watauawa, na vijana wao wauawe kwa upanga wa vita.
Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
22 Kelele ya kusikitisha isikiwe kutoka katika nyumba zao, kama utakapoleta washambuliaji ghafla juu yao. Kwa kuwa wamechimba shimo kunikamata na wameficha mitego katika miguu yangu.
Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.
23 Lakini wewe, Bwana, unajua mipango yao yote dhidi yangu ya kuniua. Usisamehe uovu na dhambi zao. Usiondoe dhambi zao mbali nawe. Badala yake, waache waangamizwe mbele yako. Tenda juu yao wakati wa ghadhabu yako.
Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

< Yeremia 18 >