< Isaya 8 >
1 Yahwe ameniambia mimi, '' chukua meza kubwa na uandike juu yake, 'Maheri Shalal Hash Baz.'
Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qaadataa loox weyn, oo waxaad farta dadka ku qortaa. Maheer-shaalaal-haash-bas,
2 Nitachagua mashahidi waaminifu wanishuhudie mimi, kuhani Uria, Zakaria mototo wa Yeberekia.''
oo anna waxaan markhaatiyaal aamin ah u soo wadi doonaa wadaadkii Uuriyaah iyo Sekaryaah ina Yeberekyaah.
3 Nilienda kwa huyo nabii mwanamke alipata mimba na kumzaa mtoto. Halafu Yahwe akaniambia, ''Muite jina lake Shalal Hash Baz;
Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas.
4 Maana kabla mtoto ajajua kulia, 'Baba yangu, 'Mama yangu; utajiri wa Damaskasi, na mateka wa Samaria watachuliwa na mfalme wa Asiria.
Waayo, intaan yarku baran inuu yidhaahdo, Aabbe iyo Hooyo ka hor ayaa boqorka Ashuur maalka Dimishaq iyo xoolaha boolida ah oo Samaariyaba wada qaadan doonaa.
5 Yahwe aliongea na mimi tena,
Oo haddana Rabbigu waa ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi,
6 Kwa sababu watu hawa wameyakataa maji ya Shiloa na ni furaha kwa Rezeni na mtoto wa Remalia,
Dadkanu way diideen biyaha Shilo'ax oo qunyar socda, oo waxay ku reyreeyaan Resiin iyo ina Remalyaah,
7 Hivyo basi Bwana anakairbia kuwaletea maji maji ya mto, yenye nguvu na mengi, mfalme Asiria na utukufu wake utakuja juu na kupita juu ya mifereji yake atafurika juu ya kingo zote.
haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,
8 Mto utafurika kuelekea Yuda, utafurika mpaka kufika kwenye shingo yako. Mabawa yake yaliyonyooshwa utajaza upana wa nchi, Emanueli.''
oo aad buu u socon doonaa ilaa uu galo dalka Yahuudah, oo intuu wada buuxdhaafo ayuu dhex mari doonaa, oo wuxuu gaadhi doonaa ilaa luqunta, kalafidinta baadadkiisu waxay buuxin doontaa ballaadhka dalkaaga oo dhan Cimmaanuu'eelow.
9 Nyie watu mtavunjika vipande vipande, Sikilizeni, nyote muishio nchi zilizo mbali; jiandaeni wenyewe na mtavunyika vipande vipande.
Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.
10 utatengeneza mpango, lakini haufanyiwa kazi; maana Mungu yuko pamoja nasi.
Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.
11 Yahwe ameiniambia mimi, kwa mkono wake imara juu yangu, na amenikataza nisitembee katika njia za watu hawa. Nisiseme,
Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,
12 Ni fitina habari ya mambo ambayo watu hawatasema, ni fitina msihofu wala msiogope.
Ha odhanina, Waa fallaagow waxa dadkanu fallaagow yidhaahdaan oo dhan, hana ka cabsanina wixii ay ka cabsadaan, oo innaba ha argaggixina.
13 Yahwe wa majeshi ambaye mtakaye muheshimu kama mtakatifu; yeye ndie mtakayemuogopa na yeye ndiye mtakayemuhofia.
Quduus ka dhiga Rabbiga ciidammada, oo isagu ha ahaado kan aad ka cabsataan oo aad ka argaggaxdaanba.
14 mtakatifu; lakinia takuwa kama jiwe la kikwazo na mwamba wa kujikwaza kwa nyumba zote za Israeli. Na atakuwa mtego na mtego kwa watu wake Yerusalemu.
Oo wuxuu ahaan doonaa meel quduus ah, laakiinse labada qoys oo reer binu Israa'iilba wuxuu u noqon doonaa dhagax lagu turunturoodo iyo sallax lagu xumaado, oo dadka Yeruusaalem degganna wuxuu u noqon doonaa dabin iyo siriq.
15 Wengi watajikwaa juu yao na kuanguka na kuvunjika, na kutekwa na kukamata mateka.
Oo kuwa badan ayaa turunturoon doona, oo kufi doona, oo jebi doona, waana la dabi doonaa, oo la qabsan doonaa.
16 Ufunge huo ushuhuda, tia muhuri, na uwape wafuasi wangu,
Markhaatifurka xidh, oo sharcigana xertayda dhexdeeda ku shaabadee.
17 Nitamsubiri Yahwe, afichaye uso wake kutoka nyumba ya Yakobo; Nitamsubiri yeye.
Anigu waxaan sugi doonaa Rabbiga wejigiisa dadka Yacquub ka qariya, oo isagaan filan doonaa.
18 Ona, Mimi na watoto ambaye Yahwe amenipa mimi ni ishara na maajabu tu katika Israeli kutoka kwa Yahwe wa Majeshi yeye aishiye mlima wa Sayuni.
Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.
19 Watakuambia wewe, ''tafuta habari kwa watu wenye pepo na wachawi'', walio kama ndege na kunong'ona dua. Lakini hawataacha kutafuta habari kwa Mungu wao? Je waenende kwa watu waliokufa badala ya walio hai?
Oo markay idinku leeyihiin, Talo weyddiista kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta hadaaqda oo guryanta, miyaanay dadka waajib ku ahayn inay Ilaahooda talo weyddiistaan? Miyayse iyaga ku habboon tahay inay kuwa dhintay wax u weyddiiyaan kuwa nool aawadood?
20 Kwa sheria na kwa ushuhuda! kama hawatayasema mambo hayo ni kwa sababu hakuna mwanga wa alfajiri.
Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
21 Nawatapita katikati ya nchi kwa shida kubwa na njaa. Walipokuwa na njaa, walipatwa na hasira na kumlaani mfalme wao na Mungu wao, na wakajeuza macho yao juu.
Oo iyagoo dhibaataysan oo gaajaysan ayay dalka dhex mari doonaan, oo markay gaajoodaan ayay isku xanaaqi doonaan, oo waxay habaari doonaan boqorkooda oo wax xun Ilaahooda ka sheegi doonaan, xagga sarena way u jeedsan doonaan,
22 Wataiangalia nchi na kuona dhiki, giza, na ukandamizaji wa viza. Watapelekwa kwenye nchi ya giza.
dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.