< Isaya 36 >
1 Katika mwaka wa kumi na nne wa mfalme Hezekia, Senacherebi, mfalme wa Asiria, alivamia miji yote ya Yuda na kuwakamata.
Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
2 Halafu mfalme wa Asiria akamtuma kamanda mkuu na jeshi kubwa kutoka Lachishi mpaka Yerusalemu kwa mfalme Hezekia. Alipofika kwenye mfereji katika kisima cha juu, katika njia kuu na katika shamba la dobi na akasimama pale.
Oo boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
3 Maofisa wa Israeli waliotumwa kuzungumza nao walikuwa ni Eliakimu mtoto wa Hilkia, kiongozi wa jumba, Shebna katibu wa mfalme, na Joa mtoto wa Asapha, anayeandika makubaliano ya serekali.
Oo markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
4 Kamanda mkuu wa jeshi akawaambia wao, ''Mwambieni Hezekia kwamba mfalme mkuu, mfalme Asiria, asema, 'Nini chanzo cha ujasiri wako?
Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
5 Unaongea maneno yasiyo na maana tu, nasema kama kuna shauri na nguvu za vita. Sasa ni nani unayemuamini? na ni nani aliyekupa ujasiri wa kuniasi mimi.
Waxaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
6 Tazama, umeweka imani yako Misri, maana banzi la mwanzi unalolitumia kama fimbo ya kutembelea, ikiwa mtu ataiegemea na kuishika kwenye mkono wake itamchoma. Hivyo ndovyo jinsi Farao mfalme wa Misri alivyo kwa yeyote anayemuamini.
Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
7 Lakini ikiwa utasema nami, ''Tunamwamini Yahwe Mungu wetu,''Je sio yeye ambaye Hezekia ameondosha mahali palipoinuka na madhebau, asema kwa Yuda na Yerusalemu, ''Lazima tuabudu mbele ya madhebau hii katika Yerusalemu''?
Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
8 Hivyo sasa, nataka kukufanya wewe kuwa zawadi nzuri kwa Bwana mfalme Asiria. Nitakupa farasi elfu mbili, kama utaweza kuwatafutia dereva.
Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
9 Ni kwa jinsi gani unaweza kumpinga moja kati ya nahodha aliye mdogo katika watumishi wa Bwana wangu? Mmeweka imani yenu Misri katika gari na farasi!
Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
10 Halafu sasa, Je nimewezaje kusafiri mpaka hapa pasipo Yahwe kupigana dhidi ya nchi hii na kuhiaribu? Yahwe asema nami, Vamia nchi hii na uhiharibu.
Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
11 Halafu Eliakimu mtoto wa Hilkia, na Shebna na Joa asema kwa kamanda mkuu, Tafadhali zungumza na watu wako kwa lugha ya kiashuru, maana kiashuru tunakielewa. Usiongee na sisi kwa lugha kiyahudi katika masikio ya watu ambao wako ukutani.''
Markaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
12 Lakini kamanda mkuu akasema, ''Je bwana wenu ametuma kwa bwana wako na kuzungumza haya maneno? Je hajanituma kwa watu walio kaa kwenye ukuta, ili wale kinyesi chaao mwenyewe na kunywa mkojo waomwenyewe?
Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
13 Halafu kamanda mkuu akasimama na kupiga kelele kwa sauti kubwa kwa lugha ya kiyahudi, na akisema,
Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
14 ''Mfalme asema, ' Msimruhusu Hezekia awadanganye ninyi, maana hataweza kuwaokoa ninyi.
Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.
15 Msimruhusu Hezekia awafanye muumuamini Yahwe, Nawambieni Hakika Yahwe atatukomboa sisi; mjii huu hautachukuliwa na mfalme wa Asiria.''
Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
16 Msimsikilize Hezekia, maana hivi ndivyo mfalme wa Asiria anavyosema: 'Fanyeni amani na mimi na mje kwangu. Halafu kila mmoja wenu atakula kwenye mzabibu wake mwenyewe na tunda la mti wake mwenyewe, na kunjwa maji ya kisima chake mwenyewe.
Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
17 Mtafanya hivi mpaka nije kuwachukua na kuwapeleka kwenye nchi kama ya kwenu. nchi ya mavuno na mvinyo mpya, nchi ya mkate na shamba.
intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal kibis iyo beerocanab leh.
18 Msimruhusu Hezekia awapotoshe nyie, akisema, Yahwe atatuokoa nyie; Je kuna miungu ya aina yeyote ya watu iliyowakomboa kutoka mikononi mwa mfalme wa Asiria?
Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
19 Wako wapi miungu wa Hamathi na Arpadi? Iko wapi miungu ya Sefarvaimu? Je wameikomboa Samaria kutoka kwenye nguvu zangu?
Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
20 Miongoni mwa miungu yote ya nchi hii, Je kuna miungu ya aina yeyote iliyoikomboa nchi yao kutoka kwenye nguvu yangu, ni kama Yahwe anaweza kuawokoa Yerusalemu kutoka kwenye nguvu yangu?''
Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
21 Lakini watu wanabaki kimya na hawataki kujibu, maana amri ya mfalme ilikuwa, ''Msimjibu''.
Laakiinse way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
22 Halafu Eliakimu mtoto wa Hilkia, yeye aliye juu ya kaya, Shebna mwandishi, na Joa mtoto wa Asafu, na mtunza kumbukumbu, walikuja kwa Hezekia na nguo zilizotoboka na wakapeleka maneno ya kamanda mkuu.
Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.