< Isaya 17 >

1 Tamko kuhusu Damaskasi.
Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.
2 Miji ya Aroera itaharibiwa. Patakuwa na nafasi kwa ajili ya kutunzia mifugo, na hakuna hatakayeizuia.
Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.
3 Miji ilioachwa itatoweka kutoka Efraimu, ufalme katuka Damskasi, na walobaki Aramu-watakuwa kama utukufu wa watu wa Israeli-Hili ni tamko la Yahwe wa majeshi.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.
4 Itakuwa siku hiyo utukufu wa Yakobo utapungua, utakuwa mwembamba na kunona kwa mwili wake utapungua.
Oo maalintaas sharafta reer Yacquub way daciifi doontaa, oo baruurta jidhkiisuna way macaluuli doontaa.
5 Itakuwa kama mvuna ikusanyavyo mavuno, na mkono wake huvuna maganda ya mazao. Itakuwa kama mtu atoae maganda ya mavuno katika bonde la Refaimu.
Oo waxay noqon doontaa sida marka beeragooyuhu balka soo urursho oo gacantiisuna ay sabuullada soo gurato, oo waxay noqon doontaa sida mid sabuullo laga tegey ka guranaya dooxada Refaa'iim.
6 Masalia yataachwa, hata hivyo, mti wa mzabibu utatingishwa: Mizeituni miwili au mitatu iliyo juu sana matawi yake yako juu, manne au matano katka tawi la juu katika mti unaozaa-hili ni tamko la Yahwe, Mungu wa Israeli.
Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.
7 Siku hiyo watu watawangalia Muumba wake, na macho yatamuangalia Mtakatifu wa Israeli.
Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
8 Hawatangalia madhabahu, kazi za mikono yao, wala hataangalia kile kinachofanywa na vidole vyao, nguzo za Ashera na picha ya jua.
Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.
9 Siku hiyo miji yenye nguvu itakuwa kama msitu uliotelekezwa na juu ya kilele cha mlima, na palipo achwa kwa sababu ya wana wa Israeli patakuwa ukiwa.
Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.
10 Maana mmemsahau Mungu wa wakovu wenu, na umeudharau mwamba wa nguvu zako. Hivyo basi umeotesha miti mizuri, na mizabibu mizuri iliyotoka ugenini,
Maxaa yeelay, waxaad illowday Ilaaha badbaadadaada, oo kamana aad fikirin Dhagaxa xoogga kuu ah, sidaas daraaddeed waxaad beertaa geedo wacan, waxaadna tallaashaa geedo qalaad oo canab ah.
11 Siku hiyo uliootesha na fensi na kulima. Mbegu zako zitaota mapema na kukua, lakini mavuno yatashindikana siku hiyo itakuwa huzuni na kukata tamaa.
Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.
12 Ole! Watu wenye ghasia, Kishindo chake ni kama mngurumo wa bahari, na kasi ya mataifa, wananguruma kama ngurumo ya maji mengi!
Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!
13 Mataifa yataunguruma kama maji mengi yaendao kasi, lakini Mungu atawakemea.
Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.
14 Watakimbia mbali sana na watafukuzwa kama pumba kwenye mlima mbele ya upepo, kama mavumbi yazungukayo kwenye dhoruba. Wakati wa usiku, ona, hofu! Na kabla ya alfajiri watakwenda; hili ndilo eneo la wale waliotupora, na wale wanaotunyang'anya mali zetu.
Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.

< Isaya 17 >