< Hosea 5 >

1 Sikilizeni haya, makuhani! kuweni makini, nyumba ya Israeli! Sikilizeni, nyumba ya mfalme! Kwa maana hukumu itakuja juu yenu nyote. Mmekuwa mtego huko Mizpa na wavu uliosambazwa juu ya Tabori.
Wadaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan.
2 Waasi husimama sana katika mauaji, lakini nitawaadhibu wote.
Oo caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay.
3 Najua Efraimu, na Israeli hajajificha kwangu. Efraimu, sasa umekuwa kama kahaba; Israeli ni unajisi.
Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
4 Matendo yao hayawataruhusu kumgeukia Mungu, maana mawazo ya uzinzi yako ndani yao, na hawatamjua Bwana.
Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.
5 Kiburi cha Israeli kinawashuhudia; Kwa hiyo Israeli na Efraimu watajikwaa kwa hatia zao; na Yuda pia wataanguka pamoja nao.
Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.
6 Watakwenda pamoja na kondoo zao na ng'ombe zao kumtafuta Bwana, lakini hawatamuona, kwa kuwa amejiondoa kutoka kwao.
Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.
7 Walikuwa wasio waaminifu kwa Bwana, kwa kuwa wamezaa watoto haramu. Sasa sherehe mpya za mwezi zitawaangamiza na mashamba yao.
Rabbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.
8 Piga tarumbeta huko Gibea, na tarumbeta huko Rama. Sauti ya kilio cha vita huko Beth Aveni 'Tutakufuata, Benyamini!'
War buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa.
9 Efraimu itakuwa ukiwa siku ya adhabu. Miongoni mwa makabila ya Israeli nimetangaza habari itakayotokea.
Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.
10 Viongozi wa Yuda ni kama wale wanaondoao jiwe la mipaka. Nami nitamwaga ghadhabu yangu juu yao kama maji.
Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale.
11 Efraimu ameangamizwa; ameangamizwa kwa hukumu, kwa sababu ametembea kwa hiari kufuata sanamu.
Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
12 Kwa hiyo nitakuwa kama nondo kwa Efraimu, na kama uozo kwa nyumba ya Yuda.
Haddaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale.
13 Efraimu alipoona ugonjwa wake, Yuda akaona jeraha lake; Efraimu akaenda Ashuru; Yuda akatuma wajumbe kwa mfalme mkuu. Lakini hakuweza kuwaponya watu au kuponya jeraha lako.
Reer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo.
14 Kwa hiyo nitakuwa kama simba kwa Efraimu, na kama simba kwa nyumba ya Yuda. Mimi, naam mimi, nitapotea na kwenda mbali; Nitawachukua, na hakutakuwa na mtu wa kuwaokoa.
Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.
15 Nitakwenda na kurudi mahali pangu, mpaka watambue hatia yao na kutafuta uso wangu, hata wakanitafute kwa bidii katika dhiki yao.
Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.

< Hosea 5 >