< Wahebrania 8 >

1 Sasa jambo ambalo tunasema ni hili: tunaye kuhani mkuu aliyekaa chini katika mkono wa kulia wa kiti cha enzi Mbinguni.
Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,
2 Yeye ni mtumishi katika mahali patakatifu, hema la kweli ambalo Bwana ameliweka, siyo mtu yeyote wa kufa.
kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.
3 Kwa maana kila kuhani mkuu huwekwa kutoa zawadi na dhabihu; kwa hiyo ni muhimu kuwa na kitu cha kutoa.
Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.
4 Sasa kama Kristo alikuwa juu ya nchi, yeye asingekuwa kuhani zaidi ya hapo. Kwa kuwa walikuwa tayari wale waliotoa vipawa kulingana na sheria.
Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay;
5 Walihudumu kitu ambacho kilikuwa nakala na kivuli cha vitu vya mbinguni, sawa kama Musa alipoonywa na Mungu wakati alipotaka kujenga hema. “Ona,” Mungu akasema, “kwamba tengeneza kila kitu kulingana na muundo ulioonyeshwa juu ya mlima”.
kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.
6 Lakini sasa Kristo amepokea huduma bora zaidi kwa sababu yeye pia ni mpatanishi wa agano zuri, ambalo limekwisha kuimarishwa kwa ahadi nzuri.
Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.
7 Hivyo kama agano la kwanza lisingekuwa na makosa, ndipo hakungekuwa na haja kutafuta agano la pili.
Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.
8 Kwa kuwa wakati Mungu alipogundua makosa kwa watu alisema, “Tazama, siku zinakuja, 'asema Bwana, 'wakati nitakapotengeneza agano jipya pamoja na nyumba ya Israeli, na nyumba ya Yuda.
Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
9 Halitakuwa kama agano nililofanya pamoja na baba zao siku ambayo niliwachukua kwa mkono kuwaongoza kutoka nchi ya Misri. Kwa kuwa hawakuendelea katika agano langu, nami sikuwajali tena,' asema Bwana.
Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
10 Kwa kuwa hili ndilo agano nitafanya kwa nyumba ya Israeli baada ya siku hizo,' asema Bwana. 'nitaweka sheria zangu mawazoni mwao, na nitaziandika mioyoni mwao. Nitakuwa Mungu wao, nao watakuwa watu wangu.
Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
11 Hawatafundishana kila mmoja na jirani yake, na kila mmoja na ndugu, yake, akisema, “Mjue Bwana,” hivyo wote watanijua mimi, kutoka mdogo hadi mkubwa wao.
Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
12 Hivyo nitaonyesha rehema kwa matendo yao yasiyo ya haki, na sizitazikumbuka dhambi zao tena.”
Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
13 Kwa kusema “Mpya,” amelifanya agano la kwanza kuwa kuukuu. Na hilo ambalo amelitangaza kuwa kuukuu liko tayari kutoweka.
Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.

< Wahebrania 8 >