< Habakuki 2 >

1 Nitasimama kwenye nguzo yangu ya ulinzi na kujiweka mwenyewe juu ya mnara wa mlinzi, na nitatazama kwa makini kuona yeye atasema nini kwangu na namna gani nitageuka kutoka kwenye lawama yangu.
Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.
2 Yahwe alinijibu na alisema, “Rekodi maono haya, na uandike dhahiri juu ya kibao ili kwamba anayesoma anaweza kukimbia.
Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.
3 Sababu maono haya bado ni kwa wakati ujao na hatimaye atazungumza bila kuanguka. Ingawa inachelewa, isubiri. Sababu kwa hakika itatakuja na haitachelewa.
Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
4 Tazama! yule ambae hamu yake siyo sawa ndani yake anapumua kwa nguvu. Lakini mwenye haki ataishi kwa imani.
Bal eega, kan madaxa weynaaday naftiisii way kibirtay, oo ma toosna, laakiinse kii xaq ahu rumaysadkiisa buu ku noolaan doonaa.
5 Sababu mvinyo ni msaliti wa kijana mwenye kiburi ili kwamba asistahimili, lakini hukuza tamaa yake kama kaburi na, kama kifo, haitaweza kuridhishwa. Yeye anajikusanyia kila taifa na anakusanya kwaajili yake watu wote. (Sheol h7585)
Haah, oo weliba khamrigu wax buu khiyaanaa, oo nin isla weynu gurigiisa kuma xasillo. Wuxuu xiisihiisa u ballaadhiyaa sida She'ool oo kale, oo isagu waa sida geerida oo kale oo innaba lama dherjin karo, laakiinse wuxuu soo urursadaa quruumaha oo dhan, oo wuxuu isu geeystaa dadyowga oo dhan. (Sheol h7585)
6 Haya yote hayatatengeneza usemi kumdhihaki na wimbo wa dhihaka unaomhusu, 'ole wake yule aongezaye visivyo vya kwake! kwa muda gani utaongeza uzito wa dhamana uliyochukua?'
Kuwan oo dhammu sow isaga kuma halqabsan doonaan? Oo sow maahmaahyo kuma quudhsan doonaan? Waxay odhan doonaan, Waxaa iska hoogay kan urursada wax uusan isagu lahayn! Bal ilaa goorma? Waxaa iska hoogay kan rahaamado isku rara!
7 Wale wanao ngojea kwako hawatainuka ghafla? na wale wanaokutetemesha kuamka? Utakuwa mwathirika kwaajili yao.
Kuwii ku qaniini lahaa sow haddiiba ma kici doonaan? Oo kuwii ku dhibi lahaa sow ma toosi doonaan? Oo adna booli baad iyaga u noqon doontaa.
8 Kwasababu umeteka nyara watu wengi, mabaki yote ya watu, yatakuteka nyara wewe. Sababu umemwaga damu nyingi za watu na umetenda kwa uasi kinyume cha nchi, miji, na wote wanaokaa ndani yake.
Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
9 Ole kwa yule anayechonga mapato maovu kwaajili ya nyumba yake, hivyo anaweza kutengeneza kiota chake juu kumweka yeye salama mbali na mikono ya uovu.
Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!
10 Umebuni aibu kwa nyumba yako kwa kuwakata watu wengi, na umefanya dhambi dhidi yako mwenyewe.
Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii.
11 Sababu jiwe litapaza sauti kutoka ukutani, na pao la mbao litawajibu,
Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.
12 'Ole wake yule ajengaye mji kwa damu, na anayeimarisha mji kwa katika uovu.
Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!
13 Hii haitoki kwa Yahwe wa majeshi kwamba watu wafanye kazi kwa moto na mataifa yote mengine yanachakaa menyewe bila kitu?
Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?
14 Bado nchi itajaa maarifa ya utukufu wa Yahwe kama maji yanavyojaza bahari.
Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.
15 'Ole wake yule anayemfanya jirani yake alewe, wewe ambaye unaye ongeza sumu uwafanye walewe ili uweze kutazama uchi wao.
Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!
16 Utavimbiwa na aibu zaidi kuliko utukufu. Kunywa hiyo vilevile, na funua uchi wako mwenyewe. Kikombe cha mkono wa kuume wa Yahwe utakuja katika kukugeukia wewe, na aibu itafunika heshima yako.
Adigu intaad sharaf heli lahayd waxaa ka buuxsantay ceeb, oo weliba adiguna khamri cab, oo waxaad noqotaa sida mid buuryaqab ah. Rabbiga gacantiisa midig koobka ku jira adiguu kugu soo rogman doonaa, oo sharaftaadana waxaa ku dhici doonta ceeb xun.
17 Vurugu iliyofanywa kwa Lebanoni itakufunika na uharibifu wa wanyama utakuogopesha. Sababu umemwaga damu za watu na umetenda kwa uasi dhidi ya ile nchi, miji, na wote wanaokaa humo.
Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
18 Sanamu iliyochongwa inakufaidia nini? Sababu yule aliyeichonga hiyo, au ambaye kaisubu kwa kuiyeyusha metali, ni mwalimu wa uongo; Sababu anaiamini kazi ya mikono yake anapotengeneza miungu hii isiyoongea.
Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'.
19 'Ole kwa yule anayeuambia ubao, Amka! Au kwa jiwe lisiloongea, Inuka!' Vitu hivi vinafundisha? Angalia, hiki juu kimefunikwa kwa dhahabu na fedha, lakini ndani yake hakipumui kabisa.
Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto.
20 Lakini Yahwe yumo katika hekalu lake takatifu! Nchi yote iwe kimya mbele zake.
Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.

< Habakuki 2 >