< Mwanzo 8 >
1 Mungu akamtazama Nuhu, wanyama wote wa mwitu, na wanyama wote wa kufugwa ambao walikuwa pamoja naye kwenye safina. Mungu akafanya upepo uvume juu ya nchi, na maji yakaanza kuzama chini.
Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;
2 Chemichemi za vilindi pamoja na madirisha ya mbingu vikafungwa, na mvua ikakoma kunyesha.
ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;
3 Maji ya gharika yakaanza kuzama kidogo kidogo katika nchi. na mwisho wa siku miamoja na hamsini maji yakawa yamezama chini.
biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen.
4 safina ikatulia katika mwezi wa saba, siku ya kumi na saba ya mwezi, juu ya milima ya Ararati.
Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad.
5 Maji yakaendelea kuzama chini hadi mwezi wa kumi. Siku ya kwanza ya mwezi, vilele vya milima vikaonekana.
Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay.
6 Ikatokea kwamba baada ya siku arobaini Nuhu alifungua dirisha la safina ambayo aliitengeneza.
Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;
7 Akatuma kunguru na akaruka hadi maji yalipo kauka katika nchi.
oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa.
8 Kisha akatuma njiwa kuona kama maji yamezama chini kutoka kwenye uso wa nchi,
Dabadeedna wuxuu diray qoolley si uu u ogaado bal in biyihii dhulka dushiisa ka yaraadeen iyo in kale;
9 lakini njiwa hakuona sehemu ya kutua unyayo wake, na akarudi kwake ndani ya safina, kwa kuwa maji yalikuwa bado yamefunika nchi yote. Akanyoosha mkono wake, akamchukua na kumuweka ndani ya safina pamoja naye.
laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii.
10 Akasubiri siku saba zingine akatuma tena njiwa kutoka kwenye safina.
Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray;
11 Njiwa akarudi kwake jioni. Tazama! katika mdomo wake kulikuwa na jani bichi la mzeituni lililochumwa. Kwa hiyo Nuhu akatambua kuwa maji yamekwisha zama chini ya nchi.
qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen.
12 Akasubiri siku saba zingine na akamtuma njiwa tena. Njiwa hakurudi kwake tena.
Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.
13 Ikawa kwamba katika mwaka wa mia sita na moja, katika mwezi wa kwanza, siku ya kwanza ya mwezi, maji yalikuwa yamekauka katika nchi. Nuhu akaondoa kifuniko cha safina, akatazama nje, na akaona kwamba, Tazama, uso wa nchi ulikuwa umekauka.
Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.
14 Katika mwezi wa pili, siku ya ishirini na saba ya mwezi, nchi ilikuwa imekauka.
Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.
15 Mungu akamwambia Nuhu,
Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,
16 “Toka nje ya safina, wewe, mke wako, wanao wa kiume, na wake wa wanao pamoja nawe.
Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.
17 Wachukuwe utoke nje pamoja nao kila kiumbe hai chenye mwili ambacho kiko nawe - ndege, wanyama wa kufugwa, na kila kitambaacho ambacho hutambaa juu ya nchi - ili kwamba viweze kukua na kuwa na idadi kubwa zaidi ya viumbe hai katika nchi yote, kwa kuzaliana na kuongezeka juu ya nchi.”
Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.
18 Kwa hiyo Nuhu akatoka nje pamoja na watoto wake wa kiume, mke wake, na wake wa wa wanawe pamoja naye.
Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.
19 Kila kiumbe hai, kila kitambaacho, na kila ndege, na kila kiendacho juu ya nchi, kwa kabila zao, wakaiacha safina.
Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.
20 Nuhu akajenga madhabahu kwa Yahwe. Akachukua baadhi ya wanyama walio safi na baadhi ya ndege walio safi, na kutoa sadaka ya kuteketezwa juu ya madhabahu.
Nuuxna meel allabari buu Rabbiga u dhisay; xayawaankii daahirka ahaa iyo haaddii daahirka ahaydba, intuu wax ka qaatay, ayuu allabaryo la gubo ku bixiyey meeshii allabariga dusheeda.
21 Yahwe akanusa harufu nzuri ya kuridhisha na akasema moyoni mwake, “Sita laani tena ardhi kwa sababu ya mwanadamu, ingawa nia za mioyo yao ni mbaya tokea utoto. Wala sita haribu kilakitu chenye uhai, kama nilivyo fanya.
Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
22 Wakati nchi isaliapo, majira ya kupanda mbegu na mavuno, baridi na joto, kiangazi na majira ya baridi, mchana na usiku havitakoma.”
Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.