< Mwanzo 6 >

1 Ikawa wakati watu walipoanza kuongezeka juu ya uso wa nchi na wana wa kike wakazaliwa kwao,
Waxayna noqotay, markii ay bilaabatay in dadku ku bataan dhulka oo ay gabdho u dhashaan,
2 wana wa Mungu walipoona kuwa mabinti wa wanadamu ni wenye kuvutia. waliwachukua kuwa wake zao, kila waliye mchagua.
in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.
3 Yahwe akaema, “roho yangu haitasalia kwa mwanadamu milele, kwa kuwa wao ni nyama. Wataishi miaka 120.”
Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood.
4 Majitu makubwa yalikuwa juu ya uso wa nchi nyakati hizo, na hata baada ya hapo. Hii ilitokea wakati wana wa Mungu walipowaoa binti za wanadamu, na kupata watoto pamoja nao. Hawa walikuwa watu hodari zamani, watu wenye sifa.
Waagaas waxaa dhulka joogay dad waaweyn oo xoog badan, taas ka dibna kolkii wiilashii Ilaah u yimaadeen gabdhihii dadka, oo ay carruur u dhaleen, isla kuwaas waxay ahaayeen nimankii xoogga badnaa oo waagii hore ahaa raggii caanka ahaa.
5 Yahwe akaona kwamba uovu wa watu umezidi katika nchi, na kwamba mawazo ya mioyo yao daima inaelekea tu katika uovu.
Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
6 Yahwe akajuta kuwa amemuumba mwanadamu juu ya nchi, na ikamuhuzunisha moyo wake.
Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.
7 Kwa hiyo Yahwe akasema, “Nitamfutilia mbali mwanadamu ambaye nimemuumba katika uso wa nchi; mwanadamu na wanyama wakubwa, na vitambaavyo na ndege wa angani, kwa kuwa nimehuzunika kuwa nimeviumba.”
Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomamooday samayntii aan sameeyey iyaga.
8 Lakini Nuhu akapata neema ya upendeleo machoni pa Yahwe.
Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa.
9 Kulikuwa na matukio kumuhusu Nuhu. Nuhu alikuwa mtu mwenye haki, na asiye na lawama miongoni mwa watu wa kipindi chake. Nuhu alitembea na Mungu.
Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.
10 Nuhu akafanyika baba wa wana watatu wa kiume: Shem, Ham na Yafeti.
Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.
11 Nchi iliharibika mbele za Mungu, na ikajaa ghasia.
Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay.
12 Mungu akaiona nchi; tazama, ilikuwa imeharibika, kwa kuwa wote wenye mwili walikuwa wameharibu njia zao juu ya nchi.
Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka.
13 Mungu akamwambia Nuhu, “Nimeona kuwa sasa niwakati wa mwisho kwa wote wenye mwili, kwa kuwa inchi imejaa ghasia kutokana na wao. Hakika, nitawaharibu wao pamoja na nchi.
Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.
14 Tengeneza safina ya mti wa mvinje kwa ajili yako. Tengeneza vyumba katika safina, na vifunike kwa lami ndani na nje.
Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba.
15 Hivi ndivyo utakavyofanya: urefu wa safina dhiraa miatatu, upana wake dhiraa hamsini, kwenda juu kwake dhiraa thelathini.
Waa inaad sidatan u samaysid iyada: doonnida dhererkeeda waxaad ka dhigtaa saddex boqol oo dhudhun, ballaadhkeedana waxaad ka dhigtaa konton dhudhun, sarajooggeedana waxaad ka dhigtaa soddon dhudhun.
16 Tengeneza paa la safina, na ulimalize kwa kipimo cha dhiraa kutoka juu ubavuni. Weka mlango katika ubavu wa safina na utengeneze dari ya chini, ya pili na ya tatu.
Waa inaad dariishadna u samaysid doonnida, oo waxaad ku dhammaysaa in dhudhun ah ilaa xaggeeda sare, albaabka doonnidana dhinaca ka samee, dabaqad hoose, iyo tu labaad, iyo tu saddexaadna u samee iyada.
17 Sikiliza, nimekaribia kuleta gharika ya maji juu ya nchi, kuharibu wenye mwili wote wakaao ndani ya nchi wenye pumzi ya uhai chini ya mbingu. Kila kitu kilichopo juu ya nchi kitakufa.
Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan.
18 Lakini nitalifanya thabiti agano langu na wewe. Utaingia ndani ya safina, wewe, na wana wako wa kiume, na mke wako, pamoja na wake za wanao.
Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.
19 Kwa kila kiumbe hai chenye mwili, viwili vya kila aina utavileta ndani ya safina, ili visalie hai pamoja nawe, vya kike na vya kiume.
Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.
20 Katika ndege kwa jinsi yake, na wanyama wakubwa kwa jinsi yake, kila kitambaacho ardhini kwa jinsi yake, viwili viwili vya kila aina vitakuja kwako ili viwe salama.
Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.
21 Kusanya kila aina ya chakula kinacholiwa kwa ajili yako na ukitunze, ili kwamba viwe chakula chako na chao.”
Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.
22 Kwa hiyo Nuhu akafanya hivi. kulingana na yote ambayo Mungu alimuagiza, ndivyo alifanya.
Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

< Mwanzo 6 >

The World is Destroyed by Water
The World is Destroyed by Water