< Mwanzo 32 >

1 Yakobo pia akaendelea na safari yake, na malaika wa Mungu wakakutana naye.
Yacquubna jidkiisii buu iska qaaday, malaa'igihii Ilaah baana ka hor yimid.
2 Yakobo alipowaona, akasema, “Hii ni kambi ya Mungu,” hivyo akapaita mahali pale Mahanaimu.
Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.
3 Yakobo akatuma wajumbe mbele yake waende kwa Esau ndugu yake katika nchi ya Seiri, katika eneo la Edomu.
Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.
4 Aliwaagiza, kusema, “Hivi ndivyo mtakavyosema kwa bwana wangu Esau: Hivi ndivyo mtumishi wako Yakobo asemavyo: 'Nimekuwa nikikaa na Labani, naye amekawilisha kurudi kwangu hata sasa.
Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,
5 Nina ng'ombe, punda, na kondoo, wajori na wajakazi. Nimetuma ujumbe huu kwa bwana wangu, ili kwamba nipate kibali mbele zako.”
oo waxaan haystaa dibiyo, iyo dameerro, iyo adhi, iyo niman addoommo ah iyo naago addoommo ah; oo waxaan kuugu soo cid diray inaan kuu sheego, sayidkaygiiyow, inaad raalli iga noqotid.
6 Wajumbe wakarudi kwa Yakobo na kusema, “Tulikwenda kwa Esau ndugu yako. Anakuja kukulaki, na watu mia nne pamoja naye.”
Kuwii farriinta wadayna Yacquub bay ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu gaadhnay walaalkaa Ceesaw, oo weliba wuu soo socdaa inuu kaa hor yimaado isagoo wata afar boqol oo nin.
7 Ndipo Yakobo alipoogopa sana na kutaabika. Hivyo akagawanya watu aliokuwa nao katika kambi mbili, na kondoo pia, mbuzi na ngamia.
Markaasaa Yacquub aad u cabsaday, cidhiidhi buuna galay; kolkaasuu kala qaybiyey dadkii la jiray, iyo adhigii, iyo lo'dii, iyo geelii, oo wuxuu ka dhigay laba kooxood,
8 Akasema, “Ikiwa Esau ataishambulia kambi moja, ndipo kambi nyingine itakaposalimika.”
oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.
9 Yakobo akasema, “Mungu wa baba yangu Ibrahimu, na Mungu wa baba yangu Isaka, Yahwe, uliyeniambia, 'Rudi katika nchi yako na kwa jamaa yako, nami nitakustawisha,'
Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:
10 Mimi sistahili matendo yako yote ya agano la uaminifu na ustahilifu wote uliomfanyia mtumishi wako. Kwa maana nilikuwa na fimbo tu nilipovuka mto huu wa Yordani, na sasa nimekuwa matuo mawili.
Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood.
11 Tafadhari niokoe kutoka katika mikono ya ndugu yangu, mikono ya Esau, kwa maana namwogopa, kwamba atakuja na kunishambulia mimi na wamama na watoto.
Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba.
12 Lakini ulisema, 'hakika nitakufanya ufanikiwe. Nitaufanya uzao wako kuwa kama mchanga wa bahari, ambao hauwezi kuhesabika kwa hesabu yake.”
Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.
13 Yakobo akakaa pale usiku huo. Akachukua baadhi ya alivyokuwa navyo kama zawadi kwa Esau, ndugu yake:
Habeenkaasna halkaas buu ku baryay, oo walaalkiis Ceesaw ayuu hadiyad uga qaaday wixii uu lahaa,
14 mbuzi majike mia mbili na mabeberu ishirini, kondoo majike mia mbili na madume ya kondoo ishirini,
taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,
15 ngamia wakamwao thelathini na wana wao, ng'ombe madume arobaini na madume kumi ya ng'ombe, punda wa kike ishirini na madume yake ishirini.
iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.
16 Akawaweka katika mikono ya watumishi wake, kila kundi peke yake. Akawambia watumishi, “Tangulieni mbele yangu na mwache nafasi kati ya makundi ya wanyama.”
Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.
17 Akamwagiza mtumishi wa kwanza, akisema, “Ndugu yangu Esau atakapokutana nawe na kukuuliza, akasema, 'Ninyi ni wa nani? Mnakwenda wapi? Na wanyama hawa mbele yenu ni wa nani?
Oo kii ugu horreeyey ayuu amray oo wuxuu ku yidhi, Markii walaalkay Ceesaw kaa hor yimaado, oo ku weyddiiyo, isagoo ku leh, Yaa ku leh? Oo xaggee baad ku socotaa? Kuwan kaa horreeyana yaa leh?
18 Ndipo umwambie, 'Ni wa mtumishi wako Yakobo. Ni zawadi wanaopelekwa kwa bwana wangu Esau. Na tazama, yeye pia anakuja nyuma yetu.”
waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa.
19 Yakobo akatoa maelekezo kwa kundi la pili pia, la tatu, na watu wote walioyafuata makundi ya wanyama. Akasema, mseme vilevile kwa Esau mtakapokutana naye.
Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan;
20 Mnapaswa pia kusema, 'mtumwa wako Yakobo pia anakuja nyuma yetu.” Kwani alifikiri, “nitamtuliza Esau kwa zawadi nilizozituma mbele yangu. Kisha baadaye, nitakapomwona, bila shaka atanipokea.”
oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.
21 Hivyo zawadi zikatangulia mbele yake. Yeye mwenyewe akakaa kambini usiku huo
Sidaas daraaddeed hadiyaddii waa ka sii hor gudubtay, isna habeenkaas geeddigii buu ku dhex baryay.
22 Yakobo akaamka wakati wa usiku, na akawachukua wakeze, wajakazi wake na wanaye kumi na wawili. Akawawavusha kijito cha Yaboki.
Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii.
23 Kwa njia hii akawapeleka kupitia chemichemi pamoja na mali yake yote.
Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.
24 Yakobo akaachwa peke yake, na mtu akashindana naya mpaka alfajiri.
Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay.
25 Mtu yule alipoona kwamba hawezi kumshinda, akalipiga paja lake. Paja la Yakobo likatenguka alipokuwa akishindana naye.
Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii.
26 Yule mtu akasema, “Niache niende, kwani kunakucha.” Yakobo akasema, sitakuacha uende mpaka uwe umenibariki.”
Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.
27 Yule mtu akamwuliza, “Jina lako ni nani?” Yakobo akasema, “Yakobo.” Yule mtu akasema,
Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub.
28 “Jina lako halitakuwa Yakobo tena, ila Israeli. Kwa kuwa umeshindana na Mungu na wanadamu na umeshinda.”
Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay.
29 Yakobo akamwambia, “Tafadhari niambie jina lako.” Akasema, “Kwa nini kuniuliza jina langu?” Kisha akambariki pale.
Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey.
30 Yakobo akapaita mahali pale Penieli kwani alisema, “Nimemwona Mungu uso kwa uso, na maisha yangu yamesalimika.”
Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.
31 Jua likatoka wakati Yakobo anaipita Penieli. Alikuwa akichechemea kwa sababu ya paja lake.
Qorraxdiina waxay soo baxday markuu Fenuu'eel dhaaftay, isna bowdadiisii buu ka dhutinayay.
32 Ndiyo maana wana wa Israeli hawali kano ya paja iliyopo katika nyonga ya paja, kwa sababu yule mtu aliziumiza hizo kano alipotegua paja la Yakobo.
Sidaas daraaddeed ilaa maantadan reer binu Israa'iil ma cunaan seedda misigta oo ku dul taal godka bowdada; maxaa yeelay, wuxuu taabtay godkii bowdadii Yacquub xagga seedda misigta.

< Mwanzo 32 >