< Ezekieli 9 >

1 Kisha akalia kwa sauti kubwa nikasikia kwenye masikio yangu, huku akisema, “Waache walinzi waje kwenye mji, kila mmoja na silaha yake ya uharibifu kwenye mkono wake.”
Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.
2 Kisha tazama! watu wanne watakuja kutokea njia ya lango la juu linaloelekea kaskazini, kila mmoja na silaha yake ya kuchinjia kwenye mkono wake. Kulikuwa na mtu mmoja miongoni mwao alikuwa amevaa nguo ya kitani pamoja na kifaa cha uandishi ubavuni mwake. Hivyo waliingia na kusimama karibu na madhabahu ya shaba.
Oo bal eeg, lix nin baa waxay ka yimaadeen iriddii sare xaggeeda taasoo xagga woqooyi u sii jeedda, oo midkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay hubka uu wax ku laayo, oo waxaa dhexdooda joogay mid dhar wanaagsan qaba, oo dhinacana waxaa ugu xidhnaa geeskii khadka kan wax qora. Markaasay galeen oo waxay ag istaageen meeshii allabariga ee naxaasta ahayd.
3 Kisha utukufu wa Mungu wa Israeli ukapanda juu kutoka kwa kerubi ambapo ilikuwa kwenye kisingiti cha nyumba. Akamwita yule mtu aliyekuwa amevaa nguo ya kitani na kifaa cha uandishi ubavuni mwake.
Kolkaasaa ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil kor bay uga kacday keruubkii ay kor saarnayd, oo waxay tagtay guriga marinkiisii, oo wuxuu u yeedhay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo dhiniciisa ku sitay geeskii khadka kan wax qora.
4 Yahwe akamwambia, “Pita kati ya mji-kati ya Yerusalemu-na weka alama katika vipaji vya uso vya wale waliolemewa na kuona kuhusu machukizo yote yanafanyika kati ya mji.”
Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magaalada Yeruusaalem dhexdeeda mar, oo waxaad calaamad ku dhigtaa jaaha dadka u taahaya oo u qaylinaya waxyaalaha karaahiyada ah oo dhexdeeda lagu sameeyo oo dhan.
5 Kisha akaongea na wengine kupitia kusikia kwangu, “Pita kwenye mji baada ya yeye na kuua. Msiache macho yenu yawe na huruma, na msiogope kuharibu
Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina.
6 iwe mzee, kijana, msichana, mtoto mdogo au wanawake. Waueni watu wote! Lakini msimkaribie mtu yeyote ambaye mwenye alama kwenye kichwa chake. Anzeni katika patakatifu pangu!” Hivyo wakaanza na wazee waliokuwa mbele ya nyumba.
Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
7 Akawaambia, “Najisi nyumba, na kujaza zio zake kwa waliokufa. Endeleeni!” Hivyo wakaenda na kuushambulia mji.
Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.
8 Walipokuwa wakiushambulia, nikajikuta mwenyewe na nikaangukia kwenye uso wangu na kulia kwa sauti na kusema, “Ee, Bwana Yahwe, utayaharibu mabaki yote ya Israeli wakati wa kumwaga ghadhabu yao juu ya Yerusalemu?”
Oo intay dadka laynayeen oo aan anigu hadhay ayaan wejiga u dhacay, oo intaan qayliyey ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad kuwa reer binu Israa'iil ku hadha oo dhan ku wada baabbi'isid cadhadaada aad Yeruusaalem ku dul shubayso?
9 Akanambia, “Uovu wa nyumba ya Israeli na Yuda unaongezeka sana. Nchi imejaa damu na mji umejaa upotovu, tangu waliposema, 'Yahwe ameisahau nchi; na Yahwe haoni!'
Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.
10 Hivyo kisha, macho yangu hataangalia kwa huruma, na sintoacha kuwaharibu. Badala yake nitaileta juu ya vichwa vyao.”
Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
11 Tazama! yule mtu aliyekuwa amevaa nguo ya kitani aliyekuwa na kifaa cha uandishi kwa uapende wa ubavuni mwake. Alitoa taarifa na kusema, “Nimemaliza yale yote uliyoniamuru.”
Oo bal eeg, ninkii dharkii wanaagsanaa qabay oo geeska khadka dhinaciisa ku sitay ayaa war keenay, oo wuxuu yidhi, Wixii aad igu amartay ayaan sameeyey.

< Ezekieli 9 >