< Ezekieli 37 >

1 Mkono wa Yahwe ulikuwa juu yangu, na akanitoa kwa Roho wa Bwana Yahwe na kuniweka chini katikati ya bonde; lilikuwa limejaa mifupa.
Gacantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,
2 Kisha akanifanya kupita kati yao kuizunguka pande zote. Tazama! Mingi yao mikubwa ilikuwa katika bonde! Ilikuwa mikavu sana.
oo hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen.
3 Akanambia, “Mwanadamu, Je! Hii mifupa inaweza kuishi kinyume?” Hivyo nikasema, “Bwana Yahwe, wajua wewe pekee.”
Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu miyey noolaan karaan? Oo waxaan ugu jawaabay: Sayidow, Rabbiyow, adaa og.
4 Kisha akanambia, “Tabiri juu ya hii mifupa na iambie, 'Mifupa mikavu. Lisikilizeni neno la Yahwe.
Oo haddana wuxuu igu yidhi, Lafahan la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Lafahan engeganow, bal erayga Rabbiga maqla.
5 Bwana Yahwe asema hivi kwenye hii mifupa: Tazama! nakaribia kuweka pumzi juu yenu, nanyi mtaishi.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan.
6 Nitaweka mishipa juu yenu na kuleta nyama juu yenu. Nitawafunika kwa ngozi na kuweka pumzi ndani yenu hivyo mtaishi. Kisha mtajua kwamba mimi ni Yahwe.”'
Oo seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
7 Hivyo nimetoa unabii kama nilivyokuwa nimeamriwa: nimetabiri, tazama, sauti ikaja, iliyokuwa ya mtetememo. Kisha mifupa ikasogeleana pamoja-mfupa juu ya mfupa.
Sidaas darteed ayaan wax u sii sheegay sidii laygu amray, oo intaan wax sii sheegayay ayaa sanqadh weyni yeedhay, oo dhulgariir baa dhacay, oo lafihiina way isku soo wada urureen, oo lafuba lafteedii bay u tagtay.
8 Nikatazama na, kumbe, mishipa ilikuwa juu sasa, na nyama ikatoka juu na ngozi ikazifunika. Lakini hapakuwa na pumzi juu yao.
Oo intaan fiirinayay ayaa waxaa soo kor fuulay seedo, oo hilib baana ka dul baxay oo harag baa ku kor daboolmay, laakiinse neefu kuma jirin.
9 Kisha Yahwe akanambia, “Itabirie pumzi, tabiri, mwanadamu, na iambie pumzi, 'Bwana Yahwe asema hivi: Pumzi, hutoka pepo nne, na pumzi juu ya hawa walioawa, hivyo wanaweza kuishi.”'
Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, dabaysha la hadal, la hadal, oo waxaad dabaysha ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dabayshay, afarta qalbadood ka kaalay oo kuwan la laayay si ay u soo noolaadaan aawadeed ku neefso.
10 Hivyo nimetabiri kama nilivyokuwa nimeamriwa; pumzi ikawajilia na wakaishi. Kisha wakasimama kwa miguu yao, jeshi moja kubwa sana.
Sidaas daraaddeed waxaan ku hadlay siduu igu amray, oo neef baa iyagii soo gashay, oo way soo wada noolaadeen, oo cagahay ku istaageen, oo waxay ahaayeen ciidan aad iyo aad u faro badan.
11 Kisha Yahwe akanambia, “Mwanadamu, mifupa hii yote ni ya nyumba ya Israeli. Tazama! Wanasema, 'Mifupa yetu imekauka, na tumaini letu limepotea. Tumekatwa.'
Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay.
12 Kwa hiyo tabiri na waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: Tazama! Nitayafunua makabiri yenu na kuwapandisha kutoka kwayo, watu wangu. Nitakurudisha hata katika nchi ya Israeli.
Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil.
13 Kisha mtajua kwamba mimi ni Yahwe, nitakapo yafunua makaburi yenu na kuwatoa kutoka kwao, watu wangu.
Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
14 Nitaweka Roho wangu ndani yenu hivyo mtaishi, na nitawafanya kupumzika katika nchi yenu mtakapojua yakwamba mimi ni Yahwe. Nasema na nitayafanya hayo-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.”'
Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.
15 Kisha neno la Yahwe likanijia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
16 “Sasa wewe, mwanadamu, chukua fimbo moja kwa ajili yako na andika juu yake, 'Kwa ajili Yuda na kwa ajili ya watu wa Israeli, wenzake,' Kisha fimbo nyingine andika juu yake, 'Kwa kuwa Yusufu, tawi la Efraimu, na kwa ajili ya watu wa Israeli, wenzake.
Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah.
17 Walete wote pamoja kwenye fimbo moja, ili wawe kitu kimoja katika mkono wako.
Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan.
18 Wakati watu wako watakapokwambia na kusema, 'Je! hutatuambia haya mambo yako yana maana gani?'
Oo markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid?
19 kisha waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: Tazama! Nalichukua tawi la Yusufu ambalo lipo kwenye mkono wa Efraimu na kabila za Israeli wenzake na kuungana nalo hata kwenye tawi la Yuda, ili kwamba wawe tawi moja, na watakuwa kitu kimoja katika mikono yangu.'
waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.
20 Shika kwenye mkono wako na matawi uliyoandika mbele ya macho yao.
Oo ulaha aad waxaas ku qortana waa inay gacantaada ku jiraan iyagoo indhaha ku haya.
21 Waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: Tazama! nakaribia kuwachukua watu wa Israeli kutoka miongoni mwa mataifa walipoenda. Nitawakusanya kutoka nchi zilizozunguka na nitawaleta kwenye nchi yao.
Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.
22 Nitawafanya kuwa taifa moja katika nchi, juu ya milima ya Israeli, na kutakuwa na mfalme mmoja kama mfalme juu yao wote, na hawatakuwa mataifa mawili tena. Hawatagawanyika kwenye falme mbili tena.
Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan.
23 Kisha hawatajitia unajisi tena kwa sanamu zao, mambo yao yachukizao, au dhambi zao nyingine. Kwa kuwa nitawaokoa kutoka matendo yao ya uongo ambayo wamefanya dhambi, na nitawatakasa, hivyo watakuwa watu wangu nami nitakuwa Mungu wao.
Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.
24 Daudi mtumishi wangu atakuwa mfalme juu yao. Hivyo kutakuwa na mchungaji mmoja juu yao wote, na wataishi kulingana na sheria zangu na watazitunza amri zangu na kuzitii.
Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
25 Wataishi katika nchi niliwapatia watumishi wangu Yakobo, ambapo baba zenu walipoishi. Wataishi humo milele-wao, watoto wao, na wajukuu zao, kwa Daudi mtumishi wangu atakuwa mkuu wao milele.
Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
26 Nitaweka agano la amani pamoja nao. Litakuwa agano la milele pamoja nao. Nitawaweka na kuwazidisha na kupaweka mahali patakatifu pangu katikati yao milele.
Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.
27 Maskani yangu yatakuwa pamoja nao; Nitakuwa Mungu wao, na watakuwa watu wangu.
Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
28 Kisha mataifa watajua yakwamba mimi ni Yahwe niliyewatenga Israeli, wakati mahali pangu patakatifu patakapokuwa katikati yao milele.”
Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.

< Ezekieli 37 >