< Ezekieli 2 >

1 Akanambia, “Mwana wa adamu, simama kwa miguu yako; kisha nitaongea na wewe.”
Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.
2 Kisha, alipokuwa akiongea na mimi, Roho akaingia ndani yangu na ikaniweka kwenye miguu yangu, na nikamsikia akiongea na mimi.
Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.
3 Akanambia, “Mwana wa adamu, nakutuma kwa watu wa Israeli, kwa mataifa yanayoasi ambayo yameasi dhidi yangu-wote wao na babu zao wameasi juu yangu hata hivi leo!
Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.
4 Vizazi vyao vina sura za kikaidi na mioyo migumu. Nakutuma wewe kwenda kwao, na utawaambia, 'Hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.'
Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay.
5 Labda watasikia au hawatasikia. Ni nyumba za uasi, lakini angalau watajua kwamba nabii alikuwa miongoni mwao.
Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).
6 Wewe, mwanadamu, usiwaogope au maneno yao. Usiogope, ingawa utakuwa pamoja na mitemba na miiba na ijapokuwa unaishi na nge. Usiogope maneno yao au kuvunjika moyo kwa nyuso zao, kwa kuwa ni nyumba zenye kuasi.
Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
7 Lakini utawaambia maneno yangu, labda watasikia au hapana, kwa sababu ni waasi mno.
Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.
8 Lakini wewe, mwanadamu, silikiliza kile nisemacho kwako. Usiwe muasi kama nyumba za uasi. Fungua mdomo wako na ule kile ninachotaka kukupa!”
Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.
9 Kisha nikaona, na mkono ulikuwa umenyooshwa kwangu; ndani yake kulikuwa na hati ya kukunja.
Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.
10 Akaikinjua mbele yangu; ilikuwa imeandikwa pande zote mbele na nyuma, na yalikuwa yameandikwa maombolezo kwenye hiyo hati ya kukunja, na huzuni, na ole.
Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

< Ezekieli 2 >