< Ezekieli 12 >
1 Neno la Yahwe likanijia, kusema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 “Mwana wa adamu, unaishi kwenye nyumba ya uasi, wana macho ya kuona lakini hawaoni; na wana masikio ya kusikia lakini hawasikii, kwa sababu wao ni nyumba iliyoasi.
Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
3 Kwa hiyo wewe mwanadamu, andaa mambo yako kwa ajili ya uhamisho, na anza kuondoka mchana usoni kwao, kwa kuwa nitakuhamisha kwenye uso wao kutoka sehemu yao kwenda sehemu nyingine. Labda wataanza kuona, kuwa wao ni nyumba ya uasi.
Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
4 Utatoa vitu vyako kwa ajili ya kuhamisha mchana katika macho yao; toka jioni kwenye macho yao kama ambavyo uendavyo kwenye uhamisho.
Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.
5 Chimba shimo ukutani kwenye uso wa macho yao, na ingia ndani yake.
Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
6 Kwenye macho yao, chukua vitu vyako kwenye mabega yako, na uwalete kwenye giza. Funika uso wako kama ishara kwenye nyumba ya Israeli.”
Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.
7 Hivyo nikafanya hivyo, kama nilivyokuwa nimeamriwa. Nikatoa vitu vya uhamisho wakati wa mchana, na katika jioni nikachimba shimo hata kwenye ukuta kwa mkono. Nikachukua vitu vyangu kwenye giza, na kuviweka juu kwenye bega langu katika macho yao.
Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.
8 Kisha neno la Yahwe likanijia asubuhi, likisema,
Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
9 Mwanadamu, je nyumba ya Israeli, ile ni nyumba ya uasi, hawakukwambia, 'Unafanya nini?'
Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?
10 Waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: hili tendo la kinabii linamhuusu mwana wa mfalme wa Yerusalemu, na nyumba yote ya Israeli walio kati yao.'
Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.
11 Sema, 'Mimi ni ishara kwenu. Kama nilivyofanya, itafanyika kwao; watakwenda uhamishoni na kuwa wafungwa.
Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.
12 Yule mwana wa mfalme aliye miongoni mwao atavibeba vitu vyake kwenye bega lake katika giza, na ataenda zake kupitia kwenye ukuta. Watachimba kwenye ukuta na kutoa vitu vyao nje. Atafunika uso wake, hivyo hataona nchi kwa macho yake.
Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag.
13 Nitausambaza wavu wangu juu yake naye atanaswa kwenye mtego wangu; kisha nitamleta Babeli, ncha ya Wakaldayo, lakini hataiona. Atafia huko.
Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
14 Pia nitatawatawanya katika kila mwelekeo wale wote waliomzunguka wanaomsaidia na jeshi lake lote, na nitaufuata upanga nyuma yao.
Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
15 Kisha watajua kwamba mimi ni Yahwe, wakati nitakapo watawanya kwenye nchi zote.
Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.
16 Lakini nitaacha kuwaangamiza watu wachache kutoka miongoni mwao kutoka kwenye upanga, njaa, na tauni, hivyo wanaweza kukumbuka maovu yao yote katika nchi zao nilipowachukulia, hivyo watajua kwamba mimi ni Yahwe.”'
Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
17 Neno la Yahwe likanijia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
18 “Mwanadamu, kula mkate wako kwa kutetemeka, na kunywa maji yako kwa mtetemo na hofu.
Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,
19 Kisha waambie watu wa nchi, 'Bwana Yahwe asema hivi kuhusiana na wale wakaao Yerusalemu, na nchi ya Israeli: Watakula mikate yao kwa kutetemeka na kunywa maji yao wakiwa wanatetemeka, kwa kuwa nchi itaporwa vitu vyote viijazavyo kwa sababu ya kuwa kinyume na waishio huko.
oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
20 Hivyo ile miji iliyokuwa wenyeji itachukuliwa, na nchi itakuwa ukiwa; hivyo mtajua kwamba mimi ni Yahwe.”'
Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
21 Tena neno la Yahwe likanijia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
22 “Mwanadamu, je ni mithali gani hii mlio nayo katika nchi ya Israeli mliyoisema, 'Siku zimerefushwa, na kila ono linaanguka'?
Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?
23 Kwa hiyo, waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: Nitaweka mwisho wa hii mithali, na watu wa Israeli hawataitumia tena.' Waambie, 'Siku zi karibu wakati kila ono litatimizwa.
Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
24 Kwa kuwa hakutakuwa na maono ya uongo yoyote wala upendeleo wa mgawanyiko kati ya nyumba ya Israeli.
Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.
25 Kwa kuwa mimi Yahwe! Nimesema, na nitayatiza yale maneno nilyoyasema. Hakuna kitu kitakacho chelewesha. Kwa kuwa nitaongea hili neno katika siku zenu, nyumba ya uasi, na nitalitimiza! -hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.””
Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
26 Tena neno la Yahwe likanijia, likisema,
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
27 “Mwanadamu! Tazama, nyumba ya Israeli imesema, 'Lile ono alionalo ni kwa siku nyingi kutoka sasa, na ametabiri kipindi kilicho mbali sana.'
Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.
28 Kwa hiyo waambie, 'Bwana Yahwe asema hivi: Neno langu halitacheleweshwa sana, lakini lile neno nililoliongea litatimizwa-hivi ndivyo Yahwe asemavyo.'”
Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.