< Ezekieli 11 >

1 Kisha Roho akaniacha juu na kunileta kwenye lango la mashariki la nyumba ya Yahwe, kuelekea mashariki, na tazama, kwenye njia ya mlango wa lango kulikuwa na watu ishirini na tano. Nikamwona Yaazania mwana wa Azuri na Pelatia mwana wa Benaya, viongozi wa watu, miongoni mwao.
Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
2 Mungu akanambia, “Mwana wa adamu, hawa ndio wale watu walioshauri udhalimu, na kuamua mipango miovu kwenye huu mji.
Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
3 Wakisema, 'Mda wa kujenga nyumba sio sasa; huu mji ni sufuria, na sisi ni nyama.'
Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
4 Kwa hiyo tabiri juu yao. Tabiri, mwana wa adamu.”'
Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
5 Kisha Roho wa Yahwe akanijaza na akaniambia, “akisema: Hivi ndivyo Yahwe asemavyo: kama usemavyo, nyumba ya Israeli; kwa kuwa najua kinachoendelea kwenye fikra zenu.
Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
6 Mmewazidisha watu mliowaua kwenye huu mji na kuijaza mitaa kwa hao.
Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
7 Kwa hiyo, Bwana Yahwe asema hivi: Wale watu milowaua, ambao mmeilaza miili yao kati ya Yerusalemu, ni nyama, na huu mji ni sufuria. Lakini mnaenda kutolewa nje kutoka kati ya huu mji.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
8 Mmeuogopa upanga, kwa hiyo nauleta huo upanga juu yenu-huu ndio usemi wa Bwana Yahwe.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
9 Nitawatoa nje kutoka kati ya mji, na kuwaweka kwenye mikono ya wageni, kwa kuwa nitaleta hukumu dhidi yenu.
Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
10 Mtaanguka kwa upanga. Nitawahukumu kati ya mipaka ya Israeli hivyo mtajua yakwamba mimi ni Yahwe.
Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
11 Huu mji hautakua sufuria yenu ya kupikia, wala hamtakuwa nyama ndani yake. Nitawahukumu kati ya mipaka ya Israeli.
Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
12 Kisha mtajua yakwamba mimi ni Yahwe, yule ambaye hamuishe kwenye amri zake na ambaye hamkuzishika sheria zake. Badala yake, mmebeba hukumu za mataifa wanayowazunguka.”
Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
13 Ikawa kwamba nilipokuwa natabiri, Pelatia mwana wa Benaya, akafa. Hivyo nikaanguka kwenye uso wangu na kulia kwa sauti na kusema, “Ee, Bwana Yahwe, Je utayaharibu kabisa mabaki ya Israeli?”
Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
14 Neno la Yahwe likanijia, likisema,
Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
15 “Mwana wa adamu, ndugu zako! Ndugu zako! Watu wa ukoo wako na nyumba yote ya Israeli! Wote hao ndio hao ambao inasemekana wale wanaoishi Yerusalemu, 'Wako mbali sana kutoka kwa Yahwe! Hii nchi tulipewa sisi kama milki yetu.'
Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
16 Kwa hiyo sema, 'Bwana Yahwe asema hivi: kote nimewapitisha mbali kati ya mataifa, na kote nimewasambaza kati ya nchi, bado nimekuwa patakatifu kwa ajili yao kwa mda kidogo kwenye nchi ambazo walizoenda.'
Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
17 Kwa hiyo sema, 'Bwana Yahwe asema hivi: Nitawakusanya kutoka kwa watu, na kuwakutanisha kutoka kwenye nchi mlizokuwa mmetawanyika, na nitawapatia nchi ya Israeli.'
Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
18 Kisha wataenda huko na kuondoa kila kitu chenye karaha na kila chukizo kutoka hiyo sehemu.
Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
19 Nitawapatia moyo mmoja, na nitaweka roho mpya kati yao. Nitaondoa moyo wa jiwe kutoka kwenye miili wao na kuwapatia moyo wa nyama,
Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
20 ili kwamba waweze kutembea kwenye amri zangu, watayachukua maagizo yangu na kuyatenda. Kisha watakuwa watu wangu, na nitakuwa Mungu wao.
si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
21 Lakini kwa wale watembeao kwa kujifanya kuendeleza mambo yao ya karaha na machukizo yao, nitaleta tabia yao kwenye vichwa vyao-hivi ndivyo Bwana Yahwe asemavyo.”
Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
22 Makerubi wakainua mabawa yao na magurudumu yaliyokuwa karibu nao, na utukufu wa Mungu wa Israeli ulikuwa juu yao.
Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
23 Kisha utukufu wa Yahwe ukaenda juu kutoka katikati ya mji na kusimama kwenye mlima hata mashariki mwa mji.
Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
24 Roho akanichukua juu na kunileta hata Ukaldayo, hata uhamishoni, katika maono kutoka kwa Roho wa Mungu, na maono niliyokuwa nimeyaona yakaenda juu yakaniacha.
Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
25 Kisha nikawaambia wale watumwa mambo yote ya Yahwe niliyokuwa nimeyaona.
Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.

< Ezekieli 11 >