< Kutoka 1 >
1 Haya ndiyo majina ya wana wa Israeli waliokuja Misri pamoja na Yakobo kila moja na familia yake:
Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.
2 Rubeni, Simioni, Lawi, na Yuda,
Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,
3 Isakari, Zebuluni, na Benjamini,
Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,
4 Dani, Naftali, Gadi, na Asheri.
Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.
5 Jumla ya watu wa ukoo wa Yakobo walikuwa sabini. Yusufu alikuwa Misri tayari.
Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.
6 Ndipo Yusufu, pamoja na kaka zake wote, na kizazi chote wakafa.
Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.
7 Waisraeli walifanikiwa sana, wakaongezeka sana idadi yao, na wakawa na nguvu maana nchi ilijazwa na wao.
Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
8 Wakati huu sasa mfalme mpya asiyemjua Yusufu aliinuka katika Misri.
Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin.
9 Akawaambia watu wake, “Tazama, hawa Waisraeli ni wengi na wenye nguvu kuliko sisi.
Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.
10 Njooni na tukae nao kwa akili, ama sivyo wataendelea kuongezeka na kama vita ikiibuka, wataungana na adui zetu, watapigana nasi, na kisha wataondoka.”
Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.
11 Hivyo wakawekea walinzi ambao waliwatesa kwa kuwatumikisha kazi ngumu. Waisraeli walijenga maghala ya miji kwa ajili ya Farao: Pishoni na Ramsei.
Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.
12 Lakini kadiri Wamisri walivyowatesa, ndivyo Waisraeli waliendelea kuongezeka na kusambaa. Hivyo Wamisri wakaanza kuwaogopa Waisraeli.
Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.
13 Wamisri waliwafanya Waisraeli wafanye kazi kwa nguvu nyingi.
Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,
14 Waliyafanya maisha yao kuwa machungu kwa kuwafanyisha kazi ngumu kwa vinu na matofali na kwa kila aina ya kazi za shambani. Kazi zao zote zilikuwa ngumu.
oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.
15 Kisha mfalme wa Misri akawaambia wakunga wa Kiebrania; mmoja wao aliitwa jina lake Shifra, na mwingine aliitwa Puha.
Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray,
16 Akasema, “Wakati mnapowasaidia wanawake wa Kiebrania wanapojifungua, chunguzeni wanapozaa. Ikiwa ni mtoto wa kiume, basi muueni; bali ikiwa ni mtoto wa kike, basi mwacheni aishi.”
oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.
17 Lakini wale Wakunga walimwogopa Mungu na hawakufanya kama mfalme wa Misri alivyowaagiza; badala yake waliwaacha watoto wa kiume waishi.
Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd.
18 Mfalme wa Misri akawaita Wakunga na kuwaambia, “Kwanini mmefanya haya, na kuwaacha watoto wa kiume wakaishi?”
Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd?
19 Wale Wakunga wakamjibu Farao, “Hawa wanawake wa Kiebrania siyo kama wanawake wa Kimisri. Hawa wana nguvu na jasiri sana maana wao humaliza kuzaa kabla hata mkunga hajafika.”
Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan.
20 Mungu aliwalinda hawa Wakunga. Watu waliongezeka kwa idadi na kuwa na nguvu sana.
Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen.
21 Kwa sababu wale Wakunga walimwogopa Mungu, aliwapa familia.
Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen.
22 Farao akawaagiza watu wote, “Lazima mmutupe kila mtoto wa kiume anayezaliwa katika mto, lakini kila mtoto wa kike wamwache aishi.”
Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.