< Kutoka 23 >
1 Haupaswi kutoa taarifa ya uongo kuhusu yeyote. usijiunge na mwanaume muovu kuwa shahidi wa uongo.
Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.
2 Haupaswi kufuata umati kufanya uovu, wala kutoa ushahidi ukiwa na umati ili kupotosha haki.
Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
3 Haupaswi kumpendelea mwanaume maskini kwenye kesi yake.
waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.
4 Ukikutana na ng'ombe wa adui wako au punda wake amepotea, lazima umrudishie.
Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.
5 Ukiona punda wa yule anaye kuchukia ameanguka chini na mzigo wake, hauta muacha huyo mtu. Lazima umsaidie na punda wake
Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.
6 Haupaswi kupotosha haki kama yapaswa kwenda kwa watu maskini katika kesi ya mwanaume maskini.
Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
7 Usijiunge na wengine kufanya shutuma za uongo, na usiue asiye na hatia wala mwenye haki, kwa kuwa sitamuacha muovu.
Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.
8 Husiwai chukuwa rushwa, kwa kuwa rushwa inawapofusha wanaoona, na kupotosha maneno ya wakweli.
Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
9 Haupaswi kumnyanyasa mgeni, kwa kuwa wewe ulikuwa mgeni katika nchi ya Misri.
Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.
10 Kwa miaka sita utapanda mbegu kwenye nchi yako na kukusanya mazao yake.
Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,
11 Lakini katika mwezi wa saba utaacha hakujalimwa, ili kwamba maskini miongoni mwenu wale. Wanacho acha, wanyama wa porini watakula. Utafanya hivyo na mashamba yenu ya mizabibu na ya mizaituni.
laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.
12 Wakati wa siku sita utafanya kazi, lakini siku ta saba utapumzika. Fanya hivi ili ng'ombe na punda wako wapumzike, na ili wana wa watumwa wako wa kike na wageni wapumzike na kupata hauweni.
Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
13 Kuwa makini kwa kila kitu nilicho kwambia. Husitaje majina ya miungu mingine, wala kuruhusu majina yao kusikika kutoka mdomoni mwako.
Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
14 Lazima usafiri kusherehekea mara tatu kwa ajili yangu kila mwaka.
Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.
15 Lazima uadhimishe sherehe ya Mkate usiotiwa Chachu. Kama nilivyo kuamuru, utakula mkate usiotiwa chachu kwa siku saba. Wakati huo, utajitokeza kwangu mwezi wa Abibu, uliowekwa kwa ajili ya kusudi hili. Ni kwa mwezi huu uliyo toka Misri. Lakini usijitokeze kwangu mikono mitupu.
Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
16 Lazima uadhimishe Sherehe ya Mavuno, matunda ya kwanza ya kazi yako ulipo panda mbegu shambani. Pia lazima uadhimishe Sherehe ya Ukusanyaji wa mwisho wa mwaka, unapo kusanya mazao yako kutoka shambani.
Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
17 Wanaume wote wako lazima wajitokeze kwa Bwana Yahweh mara tatu kila mwaka.
Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
18 Haupaswi kutoa damu iliyo tolewa dhabihu kwangu na mkate uliyotiwa hamira. Mafuta kutoka kwa dhabihu za sherehe zangu hayapaswi kubaki usiku wote mpaka asubui.
Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.
19 Lazima ulete matunda ya kwanza bora kutoka shambani mwako ndani ya nyumba yangu, nyumba ya Yahweh Mungu wako. Haupaswi kumchemsha mbuzi mtoto akiwa bado ananyonya.
Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
20 Ninaenda kumleta malaika mbele yako kukuongoza njiani, na kukuleta sehemu niliyo iandaa.
Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.
21 Kuwa makini naye na kumtii.
Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
22 Husimkasirishe, kwa kuwa hatasamehe makosa yako. Jina langu liko kwake. Kama hakika ukimtii sauti yake na kufanya kila ninacho kwambia, kisha nitakuwa adui kwa adui zako na mpinzani kwa wapinzani wako.
Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
23 Malaika mwangu ataenda mbele zako na kukuleta kwa Waamori, Wahiti, Waperizi, Wakanani, Wahivi, na Wayebusi. Nitawaharibu.
Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.
24 Haupaswi kuinamia miungu yao, kuabudu, au kufanya wanavyo fanya. Badala yake, lazima uwapindue kabisa na kuvunja nguzo zao za mawe vipande vipande.
Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.
25 Lazima umuabudu Yahweh Mungu wako, na atabariki mkate wako na maji. Nitaondoa magonjwa miongoni mwenu.
Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.
26 Hakuna mwanamke atakaye kuwa tasa au mimba kuharibika katika nchi yako. Nitawapa maisha marefu.
Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.
27 Nitatuma hofu yangu kwao ambao mnaenda. Nitaua wote mnao kutana nao. Nitafanya maadui zenu wawaogope kwa kugeuza migongo yao kwenu.
Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.
28 Nitatuma mavu kwenu watakao fukuza Wahivi, Wakanani, na Wahiti mbele zenu.
Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.
29 Sitawaondoa kwenu kwa mwaka mmoja, au nchi itakuwa imetelekezwa, na wanyama wa porini watakuwa wengi kwenu.
Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.
30 Badala yake, nitawafukuza kidogo kidogo kutoka kwenu mpaka utakapo kuwa umestawi na kurithi nchi.
In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.
31 Nitatengeneza mipaka yako kutoka Bahari ya Shamu hadi Bahari ya Wafilisti, na kutoka nyikani hadi Mto Frati. Nitakupa ushindi juu ya wakazi wote wa nchi. Utawaondoa kutoka kwako mwenyewe.
Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.
32 Haupaswi kufanya agano na wao au na miungu yao.
Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.
33 Hawapaswi kuishi nchini mwako, au watakufanya ufanya dhambi dhidi yangu. Ukiabudu miungu yao, hakika watakuwa mtego kwako.'”
Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.