< Esta 5 >
1 Baada ya siku tatu, Esta akajivika mavazi yake ya kimalkia na akasimama sehemu ya ndani ya ua wa ikulu ya mfalme, mbele ya nyumba ya mfalme. mfalme alikuwa ameketi katika kiti chake cha enzi na akitazama mlango wa kuingilia.
Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.
2 Mfalme alipomwona malkia Esta alipata kibali kwa mfalme. Alimpa fimbo ya dhahabu mikononi mwa Esta. Hivyo Esta akamsogelea mfalme na kuishika fimbo ya utawala.
Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.
3 Kisha mfalme akamwambia Malkia Esta, “Unahitaji upewe nini? Ombi lako ni lipi? Hata nusu ya ufalme wangu utapewa.”
Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.
4 Malkia Esta akamwambia mfalme, kama nimepata kibali machoni pako, naomba wewe na Hamani muhudhurie leo katika karamu niliyoiandaa kwa ajili yake.”
Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.
5 Mfalme akasema, “Mleteni haraka Hamani sawa sawa na matakwa ya Malkia Esta.” Mfalme pamoja na Hamani wakahuduria katika karamu aliyoandaa malkia Esta.
Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.
6 Mvinyo ulipohudumiwa katika karamu, mfalme akamuuliza Malkia Esta hitaji lako ni nini? Na ombi lako ni lipi? Utapewa hata nusu ya ufalme.”
Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.
7 Esta akajibu mfalme, “Hitaji na ombi langu ni hili,
Markaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,
8 kama ikikupendeza mfalme, kwa kunipa haja yangu na kuheshimu ombi langu, wewe na Hamani muhudhurie tena katika karamu nitakayoiandaa kesho na hapo ndipo nitakapo kuambia haja yangu.
Boqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdid inaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid waxaan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalaya martiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berri baan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow.
9 Hamani akaenda nyumbani kwakwe huku akiwa amejawa na furaha moyoni mwake. Lakini alipomwona Modekai katika lango la mfalme, modekai hasimami wala kutetemeka mbele zake, alijawa na ghadhabu kwa ajili ya Modekai.
Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday.
10 Lakini akajizuia na akaenda nyumbani kwake. Akawaarika marafiki zake wakakusanyika pamoja na Zereshi, mkewe.
Habase ahaatee Haamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuu u cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagtiisii Seresh.
11 Hamani akawaeleza juu ya utukufu wa mali na idadi ya watoto aliokuwa nao, na vile alivyo juu kuliko wasimamizi na watumishi wote wa mfalme.
Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan.
12 Hamani akawambia, “Hata jana Malkia Esta aliandaa karamu kwa ajili ya mfalme na ni mimi tu na mfalme tulio hudhuria katika karamu aliyoiandaa Malkia Esta. Na hata kesho tuna mwaliko mwingine pamoja na mfalme.
Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.
13 Lakini haya yote sio kitu kama Modekai ataendelea kukaa katika lango la mfalme.
Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya.
14 Kisha Zereshi, mkewe Hamani akamwambia Mmewe na rafiki zake wote, “Andaeni mti wenye urefu wa futi hamsini. Na wakati wa ahsubuhi ongea na mfalme ili Modekai atundikwe katika mti huo. Kisha nenda kwa furaha na mfalme katika karamu aliyoiandaa Malkia.
Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.