< Esta 2 >

1 Baada ya mambo haya na baada ya hasira ya mfalme Ahusiero kutulia, alifikiri kuhusu Malkia Vashiti na alichokuwa amekifanya na tangazo alilokuwa ameamuru litolewe ya Vashiti kupoteza sifa za kuwa malkia.
Oo waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.
2 Kisha vijana waliomtumikia mfalme wakasema, mfalme atafutiwemabikira warembo.
Markaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;
3 Mfalme na achague wasimamizi katika majimbo yote ya ufalme wake, ili wawakusanye mabikira warembo wote harem katika ikulu ya Susa. Mabikira hawa wawe chini ya usimamizi wa Hegai, msimamizi, ambaye ni mkuu wa wanawake, na wapewe vipodozi vyao vyote.
oo boqorku gobol kasta oo boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo, si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oo dhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka, oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha u geliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha u dhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirin lahaayeen.
4 Na binti yule atakaye mfurahisha mfalme ndiye atakaye kuwa Malkia badala ya Vashiti.” Mfalme alupenda ushauri na akafanya kama alivoshauriwa,
Oo gabadhii boqorka la wanaagsanaata, meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasuna boqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.
5 Katika mji wa Shushani alikuwepo Myahudi aliyeitwa Modekai mwana wa Jaira mwana wa Shimei mwana wa Kishi, aliye kuwa wa kabila la Benjamini.
Oo Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiray nin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Mordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaa reer Benyaamiin;
6 Yeye ni miongoni mwa Wayahudi waliochukuliwa pamoja na Yekonia, mfalme wa Yuda kutoka Yerusalemu na kupelekwa uhamishoni na mfalme Nebukadreza.
oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
7 Modekai alikuwa akimlea, Hadasa, yaani Esta, binti wa mjomba wake kwa sababu hakuwa na wazaai wake wote wawili. Modekai alimchukuwa kama binti yake. Esta alikuwa na umbo zuri na uso wa kupendeza.
Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suurad wacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheed iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.
8 Wasichana wengi waliletwa ikulu Shushani, baada ya tangazo na amri ya mfalme kutolewa. Waliwekwa chini ya usimamizi wa Hegai. Esta naye alikuwa ni miongoni mwa wasichana walioletwa na kuwekwa chini ya usimamizi wa Hegai, mwangalizi wa wanawake.
Markii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.
9 Esta alimfurahisha, na akapata kibali mbele ya Hegai. Akampa vipodozi na sehemu ya chakula. Akampa wahudumu wa kike saba kutoka katika ikulu ya mfalme, na akampeleka na wahudumu wa kike katika sehemu bora katika nyumba ya wanawake.
Oo gabadhii way la wanaagsanaatay isagii, wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyey alaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyo toddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyo guriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediiba geeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.
10 Esta hakuwa amemweleza mtu yeyote kuhusu jamaa zake kwa sababu Modekai alikuwa amemzuia.
Esteerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxba sheegin.
11 kila siku Modekai alienda na kurudi mbele nje ya ua wa nyumba ya wanawake, ili kwamba asikie kuhusu mambo ya Esta na atakachofanyiwa.
Mordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.
12 Zamu ilipofika ya kila msichana kwenda kwa mfalme Ahusero kwa kufuata maelekezo kwa wanawake, kila msichana alitakiwa kumaliza miezi kumi na miwili ya urembo, miezi sita ya mafuta ya manemane na miezi sita ya vipodozi.
Haddaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)
13 wakati msichana alipoenda kwa mfalme, alipewa chochote alichotamani kutoka katika nyumba ya wanawake ili aende nacho katika nyuma ya mfalme.
ayaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.
14 Msichana alipaswa kwenda wakati wa usiku na kurudi katika nyumba ya wanawake, na kwa msimamizi Shaashigazi, msimamizi wa mfalme, ambaye alikuwa mwenye kuwalinda masulia. Msichana hakuruhusiwa kwenda tena kwa mfalme isipokuwa amemfurahiha mfalme na mfalme akaamuru arudi tena.
Oo iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.
15 Zamu ya Esta ilipotimia( mwana wa Abihaili, mjomba wa Modekai alikuw amemchukua kama kama binti yake) kwenda mbele ya mfalme, hakutaka kitu chochote isipokuwa vile ambavyo Hegai, msimamizi wa wanawake alimtaka avichukue.
Haddaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.
16 Esta akapata kibali mbele ya kila aliyemwona. Esta akapelekwa kwa Mfalme Ahusiero katika makazi ya kifalme mwezi wa kumi, ambao ni mwezi wa Tabeti, katika mwaka wa saba wa utawala wake.
Haddaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.
17 Mfalme alimpenda Esta zaidi kuliko wanawake wengine, na alipata kibali kuliko na wema mbele zake zaidi kuliko mabikira wengine na hivyo mfalme akamvika taji ya kimalkia badala ya Vashiti.
Haddaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.
18 mfalme akawafanyia karamu kubwa wasimamizi na wahudumu wake wote, karamu ya Esta na akawapa unafuu wa kodi katika majimbo. Pia akawapa zawadi kwa ukarimu.
Markaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd.
19 Modekai alikuwa ameketi katika lango la mfalme wakati mabikira walipokuwa wamekusanyika kwa mara ya pili.
Oo markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.
20 Esta alifuata ushauri Modekai ya kutomwambia mtu yeyote kuhusu jamaa zake. aliendelea kufuata ushauri wa Modekai kama alivyofanya alipokuwa mdogo.
Oo Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.
21 katika siku hizo ambazo Modekai alikuwa ameketi getini kwa mfalme, Bighani na Tereshi, wasimamizi wa mfalme walio linda lando, walikasirika na wakatafuta kumuua mfalme Ahusiero.
Oo waagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistay ayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midiidinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh oo ka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inay Boqor Ahashwerus dilaan.
22 Jambo lilipowekwa wazi kwa Modekai, alimtaarifu Malkia Esta na Esta akamweleza kile achoelezwa na Modekai.
Oo xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.
23 Habari hii ilipepelelezwa na kuonekana kuwa kweli na wanaume wawili walinyongwa juu ya mti. Na habari hii ikaandikwa katika kitabu cha taarifa mbele ya mfalme.
Oo markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

< Esta 2 >