< Mhubiri 8 >
1 Ni mtu gani mwenye hekima? Ambaye anafahamu matukio yana maana gani katika maisha? Hekima ndani ya mtu husababisha uso wake kung'ara, na ugumu wa uso wake hubadilika.
Yaa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micnihiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, oo adaygga wejigiisuna wuu beddelmaa.
2 Ninakushauri kuitii amri ya mfalme kwa sababu ya kiapo cha Mungu cha kumlinda yeye.
Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
3 Usiharakishe kuondoka mbele ya uwepo wake, na usisimame kuunga mkono jambo lisilofaa, kwa kuwa mfalme anafanya chochote anacho tamani.
Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.
4 Neno la mfalme hutawala, kwa hiyo ni nani atakaye mwambia, 'Unafanya nini?
Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?
5 Yeyote ashikaye amri za mfalme hukwepa madhara. Moyo wa mwenye hekima hutambua mwelekeo muafaka na muda wa kuenda.
Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.
6 Kwa kuwa kila jambo lina jibu sahihi, na wakati wa kujibu, kwa sababu taabu ya mtu ni kubwa.
Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.
7 Hakuna anaye fahamu kinacho fuata. Ni nani awezaye kumwambia nini kinacho kuja?
Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?
8 Hakuna mwenye uwezo juu ya roho aizuie roho; wala hana mamlaka juu ya siku ya kufa; wala hakuna kuruhusiwa katika vita vile; wala uovu hautamwokoa yule aliyeuzoea.
Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.
9 Mambo hayo yote nimeyaona, nikatia moyo wangu katika kila kazi iliyofanyika chini ya jua. Kuna wakati ambapo mtu mmoja anayo mamlaka juu ya mwenziwe kwa hasira yake.
Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.
10 Hivyo niliwaona wabaya wakizikwa hadharani. Waliondolewa mahali patakatifu na kuzikwa mahali waliposifiwa na watu katika mji walipokuwa wamefanya matendo maovu. Hii nayo haifai.
Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
11 Wakati hukumu dhidi ya tendo ovu haihukumiwi haraka, hushawishi mioyo ya wanadamu kutenda ubaya.
Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.
12 Hata kama mwenye dhambi afanye uovu mara mia moja na bado aishi kwa muda mrefu, bado ninafahamu itakuwa vyema kwa wale wanao muheshimu Mungu, wanaouheshimu uwepo wake walio nao.
In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.
13 Lakini haitakuwa vyema kwa mtu mwovu; mkewe hatacheleweshwa. Siku zake kama kizuri kitowekacho upesi, kwa sababu hamuheshimu Mungu.
Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
14 Kuna mvuke mwingine usio faa, jambo jingine linaofanyika juu ya dunia. Mambo hutokea kwa watu wenye haki kama yatokeavyo kwa watu waovu, na mambo hutokea kwa wenye haki kama yatokeavyo kwa waovu. Ninasema hili pia ni mvuke usiofaa.
Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
15 Kwa hiyo nikapendekeza furaha, kwa sababu mtu hana jambo bora chini ya jua zaidi ya kula na kunywa na kuwa na furaha. furaha ndiyo itamfuata katika kazi zake kwa siku zote za maisha yake ambayo Mungu amempa chini ya jua.
Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.
16 Nikauweka moyo wangu kufamu hekima na kufahamu kazi inayofanyika juu ya nchi, kazi ambayo inafanyika mara nyingi pasipo kufumba macho usiku au mchana.
Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),
17 Kisha nika tafakari matendo yote ya Mungu, na kwamba mtu hawezi kuelewa kazi inayofanyika chini ya jua. Bila kujali mtu anafanya kupata majibu, hatayapata. Ingawa mwenye hekima anaweza kuamini anajua, kitu kweli hajui.
markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.