< Mhubiri 7 >
1 Jina zuri ni bora kuliko manukato ya gharama, na siku ya kufa ni bora kuliko siku ya kuzaliwa.
Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliid qaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahay maalinta dhalashada.
2 Ni bora kwenda kwenye nyumba ya maombolezo kuliko nyumba ya karamu, kwa kuwa maombolezo huja kwa watu wote wakati wa mwisho wa uhai, kwa hiyo watu wanaoishi ni lazima waweke hili moyoni.
In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.
3 Huzuni ni bora kuliko kicheko, kwa kuwa baada ya uso wa huzuni huja furaha ya moyo.
Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa.
4 Moyo wa mwenye hekima uko katika nyumba ya maombolezo, lakini moyo wa wapumbavu uko katika nyumba ya karamu.
Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.
5 Ni bora kusikiliza maonyo ya mtu mwenye hekima kuliko kusikiliza wimbo wa wapumbavu.
Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.
6 Kwa kuwa kama mlio wa miiba chini ya chungu, ndivyo kilivyo kicheko cha wapumbavu. Huu pia ni mvuke.
Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.
7 kweli jeuri humfanya mtu mwenye hekima kuwa mpumbavu, na rusha huharibu moyo.
Hubaal dulmigu nin xigmad leh wuu waalaa, oo laaluushkuna qalbiguu ka kharribaa.
8 Ni heri mwisho wa jambo kuliko mwanzo; na watu wenye uvumilivu ni bora kuliko wenye majivuno rohoni.
Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsan dhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa ka wanaagsan yahay kii kibir badan.
9 Usikasirike haraka rohoni mwako, kwa sababu hasira hukaa katika mioyo ya wapumbavu.
Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.
10 Usiseme, “Kwa nini siku za zamani zilikuwa bora kuliko siku hizi?” Kwa kuwa sio kwa sababu ya hekima kwamba unauliza swali hili.
Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.
11 Hekima ni njema kama vitu vya thamani tunavyorithi kutoka kwa wazazi wetu. Inatoa faida kwa wale wanaoliona jua.
Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka.
12 Kwa kuwa hekima hutoa ulinzi kama vile fedha inavyoweza kutoa ulinzi, lakini faida ya maarifa ni kwamba hekima humpa uhai kwa yeyote aliye nayo.
Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.
13 Tafakaria matendo ya Mungu: Ni nani awezaye kuimarisha chochote alichokipindisha?
Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?
14 Wakati nyakati vinakuwa njema, ishi kwa furaha katika hali hiyo, lakini wakati unapokuwa mbaya, tafakari hili: Mungu ameruhusu hali zote ziwepo, Kwa sababu hii, hakuna mwanadamu yeyote atakaye fahamu chochote kinacho kuja baada yake.
Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.
15 Nimeona mambo mengi katika siku zangu za ubatili. Kuna watu wenye haki ambao wanaangamia licha ya kwamba wana haki, na kuna watu waovu wanaoishi maisha marefu licha ya kwamba ni waovu.
Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.
16 Usiwe mwenye haki katika macho yako mwenyewe. Kwa nini kujiharibu mwenyewe?
Aad xaq ha u noqon oo hana iska dhigin mid aad xigmad u leh, waayo, bal maxaad isu baabbi'inaysaa?
17 Usiwe mwovu sana au mpumbavu. Kwa nini ufe kabla ya wakati wako?
Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?
18 Ni vyema kwamba ushike hekima hii, na kwamba usiache haki iende zake. Kwa kuwa mtu amchae Mungu atatimiza ahadi zake zote.
Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.
19 Hekima ina nguvu ndani ya mwenye hekima, zaidi ya watawala kumi katika mji.
Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.
20 Hakuna mtu mwenye haki juu ya nchi anayefanya mema na hatendi dhambi.
Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.
21 Usisikilize kila neno linaongelewa, kwa sababu unaweza kusikia mtumishi wako anakulaani.
Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.
22 Vivyo hivyo unafahamu mwenyewe ndani ya moyo wako umewalaani wengine mara kadhaa.
Waayo, marar badan ayaa qalbigaagu og yahay inaad adba saasoo kale u habaartid kuwo kale.
23 Haya yote nimeyathibitisha kwa hekima. Nikasema, “nitakuwa mwenye hekima,” lakini zaidi ambavyo ningekuwa.
Waxyaalahan oo dhan xigmad baan ku tijaabiyey. Waxaan is-idhi, Xigmad baan yeelan doonaa, laakiinse xigmaddii way iga fogayd.
24 Hekima i mbali na kina sana. Ni nani awezaye kuipata?
Waayo, bal yaa gaadhi kara wixii aad u fog ee mool dheer?
25 Nikageuza moyo wangu kujifunza kuchunguza na kutafuta hekima na ufafanuzi wa ukweli, na kufahamu kwamba ubaya ni ujinga na kwamba upumbavu ni wazimu.
Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.
26 Nikapata kufahamu kwamba uchungu kuliko kifo, ndivo alivyo mwanamke yeyote ambaye moyo wake umejaa mitego, na nyavu, na ambaye mikono yake ni minyororo. Yeyote ampendezaye Mungu ataponyoka kutoka kwake, lakini mwenye dhambi atachukuliwa naye.
Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
27 “Tafakari kile nilichovumbua,” asema Mwalimu. “Nimekuwa nikiongeza uvumbuzi mmoja hadi mwingine ili kwamba nipate ufafanuzi wa ukweli.
Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Bal eega, si aan sababta u garto ayaan midba mid ku daray oo waxaasaan soo helay.
28 Hii ndiyo bado natafuta, lakini bado sijapata. Sikupata mwanamme mmoja mwenye haki miongoni mwa elfu, lakini sikupata mwanamke miongoni mwa wale wote.
Oo weliba waan sii doondoonayaa, laakiinse ma aan helo. Kun nin dhexdood ayaan nin qudha ka helay, laakiinse kuwaas oo dhan xataa naag qudha kama helin.
29 Nimegundua hili: kwamba Mungu alimuumba binadamu akiwa mnyoofu, lakini wametoka katika hali ya unyofu wakitafuta magumu mengi.
Bal eeg, waxan keliya oo aan soo ogaaday in Ilaah binu-aadmiga sameeyey iyagoo qumman, laakiinse waxay doondooneen hindisooyin badan.