< Danieli 3 >
1 Mfalme Nebukadneza alitengeneza sanamu ya dhahabu ambayo ilikuwa na urefu wa dhiraa sitini na upana dhiraa sita. Aliiweka katika uwanda wa Dura katika jimbo la Babeli.
Boqor Nebukadnesar wuxuu sameeyey ekaan dahab ah, oo jooggeedu lixdan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna lix dhudhun yahay, oo wuxuu qotomiyey bannaankii Duuraa oo ku yaal gobolka Baabuloon.
2 Kisha Nebukadneza alituma ujumbe wa kuwaita pamoja magavana wote wa majimbo, magavana wa mikoa, na magavana wa vijiji, pamoja na na washauiri, wahazini, waamuzi, mahakimu, na maafisa wengine wakuu wa majimbo ili waje kwa ajili ya uzinduzi wa sanamu aliyokuwa ameiweka.
Markaasaa Boqor Nebukadnesar wuxuu cid u diray amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumay oo dhan, inay u yimaadaan furitaanka ekaanta uu Boqor Nebukadnesar qotomiyey.
3 Ndipo magavana wa majimbo, magavana wa mikoa, na magavana wa vijiji, pamoja na washauri, wahasibu, waamuzi, mahakimu, na maafisa wa juu wa majimbo walikusanyika kwa pamoja katika uzinduzi wa sanamu ambayo Nebukadneza aliyokuwa ameiweka. Walisimama mbele yake.
Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo xaakinnadii, iyo khasnajiyadii, iyo waaniyayaashii, iyo madaxdii boliiska, iyo kuwii gobollada xukumi jiray oo dhammu u wada yimaadeen furitaankii ekaantii Boqor Nebukadnesar qotomiyey, oo waxay hor istaageen ekaantii uu Nebukadnesar qotomiyey.
4 Kisha mtangazaji alipiga kelele, “Enyi watu, mataifa, na lugha mmeamriwa
Markaasaa naadiye aad u dhawaaqay, oo yidhi, Dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahow, waxaa laydinku amray,
5 kwamba mtakaposikia sauti za pembe, filimbi, ala za muziki, zeze, vinubi na zumari na aina zote za muziki, ni sharti kuanguka na kuisujudia ninyi wenyewe sanamu ya dhahabu ambayo Mfalme Nebukadneza alikuwa ameiweka.
in markii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo u sujuuddaan ekaanta dahabka ah oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey,
6 Na yeyote asiyeanguka na kuiabuda, kwa wakati huo huo atatupwa katika tanuru la moto.”
oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa.
7 Basi watu walilposikia sauti za pembe, filimbi, ala za muziki, zeze, vinubi na zumari na aina zote za muziki, watu wote, mataifa na lugha walianguka na kuisujudia wao wenyewe sanamu ya dhahabu ambayo Nebukadneza mfalme alikuwa ameiweka.
Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey.
8 Wakati huu baadhi ya Walkadayo walikuja na kuleta mashitaka kinyume na Wayahudi.
Haddaba wakhtigaas kuwo reer Kaldayiin ah ayaa soo dhowaaday oo Yuhuuddii dacweeyey.
9 Walimwambia mfalme Nebukadneza, “mfalme aishi milele!
Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow.
10 Ewe mfalme, umeweka amri kwamba kila mtu aisikiye sauti ya pembe, filimbi, ala za muziki, zeze, vinubi na zumari, na aina zote za muziki, lazima kuanguka na kuisujudia sanamu ya dhahabu.
Boqorow, amar baad ku bixisay in nin kastaaba markuu maqlo codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, uu hoos u dhaco oo u sujuudo ekaanta dahabka ah,
11 Mtu yeyote asiyeanguka na kuiabudu sharti atupwe katika tanuru linalowaka moto.
iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa.
12 Sasa kuna baadhi ya Wayahudi ambao umewaweka juu masuala ya jimbo la Babeli; majina yao ni Shadraka, Meshaki, na Abednego. Mfalme, hawa watu hawakutii wewe. Hawataiabudu, kuitumikia wala kuisujudia wenyewe sanamu ya dhahabu ambayo umeiweka.”
Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
13 Ndipo Nebukadneza alijawa na hasira na ghadhabu, aliagiza kwamba Shadraka, Meshaki na Abednego waletwe kwake. Hivyo, waliwalete hawa watu mbele ya mfalme.
Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii.
14 Nebukadneza aliwaambia, “Je mmejipanga katika akili zenu, enyi Shadraka, Meshaki na Abedinego, kwamba hamtaiabudu miungu yangu wala kuisujudia wenyewe sanamu ile ya dhahabu ambayo nimeiweka?
Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey?
15 Basi sasa kama mko tayari - mtakaposikia sauti pembe, filimbi, ala za muziki, zeze, vinumbi na zumari, aina zote za muziki - kuanguka chini na kuisujudia wenyewe sanamu ile ambayo nimeitengeneza, mambo yote yatakuwa mazuri. Lakini kama hamtaiabudu, mtatupwa mara katika tanuru la moto. Ni mungu gani atakayeweza kuwaokoa katika mikono yangu?”
Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa?
16 Shadraka, Meshaki, na Abednego wakamjibu mfalme, “Nebukadneza, hatuhitaji kukujibu wewe katika jambo hili.
Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan.
17 Kama kuna jibu, ni kwamba Mungu wetu ambaye tunamtumikia anaweza kutuhifadhi sisi salama katika katika tanuru la moto, na atatuokoa sisi katika mkono wako, mfalme.
Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow.
18 Kama sivyo, na ijulikane kwako, wewe mfalme, kwamba hatutaiabudu miungu yako, na wala hatutaisujudia wenyewe sanamu ya dhahabu uliyoiweka.
Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
19 Ndipo Nebukadneza alijawa na ghadhabu; mwonekano wa uso wake ulibadilika kinyume na Shadraka, Meshaki na Abedinego. Aliagiza kuwa tanuru lichochewe ukali mara saba zaidi kuliko lilivyokuwa kawaida.
Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.
20 Kisha aliwaamuru baadhi ya watu wenye nguvu katika jeshi lake kuwafunga Shadraka, Meshaki na Abednego na kuwatupa katika tanuru liwakalo moto.
Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa.
21 Walifungwa akali wakiwa wamevaa nguo zao, kanzu, kilemba, na mavazi mengine, na walitupa katika tanuru liwakalo moto.
Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay.
22 Kwasababu ya agizo la mfalme lilifuatwa na tanuru lilikuwa na joto sana, miali ya moto iliwaua watu waliowatupa Shadraka, Meshaki, na Abedinego.
Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo.
23 Hawa wanaume watatu, Shadraka, Meshaki, na Abednego, waliangukia katika tanuru liwakalo moto wakali wamefungwa.
Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay.
24 Kisha Nebukadneza mfalme alishangazwa na alisimam haraka. Aliwauliza washauri wake, “Je hatukutupa watu watatu wakiwa wamefungwa katika moto?” Nao walimjibu mfalme, “Hakika mfalme.”
Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow.
25 Alisema, “Lakini ninaona watu wanne ambao hawajafungwa wakizunguka katika moto, na hawajaumizwa. Mng'ao wa mtu wa nne ni kama mwana wa miungu.”
Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada.
26 Ndipo Nebukadneza aliposogea karibu na mlango wa tanuru liwakalo moto na akaaita, “Shadraka, Meshaki na Abednego, watumishi wa Mungu Aliye Juu, tokeni nje! Njooni hapa! Ndipo Shadraka, Meshaki na Abednego walitoka nje ya moto.
Markaasaa Nebukadnesar wuxuu ag yimid foornadii dabka ahayd oo ololaysay afkeedii, oo intuu hadlay buu yidhi, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ilaaha ugu Sarreeya addoommadiisow, soo baxa, oo halkan kaalaya. Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo dabkii ka soo dhex bexeen.
27 Magavana wa majimbo, magavana wengine, na washauri wa mfalme waliokuwa wamekusanyika kwa pamoja waliwaona watu hawa. Moto haukuunguza miili yao; nywele katika vichwa vyao hazikuungua; mavazi yao yalikuwa hayajaharibiwa; na hawakuwa na harufu ya moto.
Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin.
28 Nebukadneza alisema, “Na tumsifu Mungu wa Shadraka, Meshaki na Abedinego, ambaye amemtuma mjumbe wake na amewapa ujumbe watumishi wake. Walimtumaini yeye wakati walipoikana amri yangu, na waliitoa miili yao badala ya kuabudu au kusujudia mungu mwingine isipokuwa Mungu wao.
Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane.
29 Hivyo basi ninaagiza kwamba watu wote, taifa au lugha ambayo itazungumza kitu chochote kinyume na Mungu wa Shadraka, Meshaki na Abedinego lazima wakatwe vipande, na ya kwamba nyumba zao lazima zifanywe kuwa vichuguu vya uchafu kwasababu hakuna mungu mwingine anayeweza kuokoa kama hivi.”
Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa.
30 Ndipo mfalme aliwapandisha cheo Shadraka, Meshaki na Abednego katika jimbo la Babeli.
Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.