< Danieli 11 >

1 Katika mwaka wa kwanza wa Dario Mmedi, mimi mwenyewe nilikuja kumwezesha na kumlinda Mikaeli.
Daariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga.
2 Na sasa nitakufunulia ukweli. Wafalme watatu watainuka katika Uajemi, na mfalme wa nne atakuwa tajiri sana kuliko wengine wote. Na wakati atakapopata nguvu kupitia utajiri wake, atamwamsha kila mtu kinyume na ufalme wa Ugiriki.
Oo haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.
3 Mfalme wenye nguvu atainuka ambaye atatawala ufalme mkubwa, na ataenenda kufuatana na matakwa yake mwenyewe.
Oo waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.
4 Na atakapokuwa ameinuka, ufalme wake utavunjika na utagawanyika katika pepo nne za mbinguni, lakini hawatakuwa wazao wake mwenyewe, na si kwa nguvu zake kwa wakati alipokuwa akitawala. Kwa kuwa ufalme wake utang'olewa kwa ajili ya wengine tofauti na wazawa wake.
Oo markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.
5 Mfalme wa Kusini atakuwa na nguvu, lakini mmoja kati ya maamiri jeshi wake atakuwa mwenye nguvu kuliko yeye na atautawala ufalme wake kwa nguvu kubwa.
Oo boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn.
6 Baada ya miaka michache, wakati muda utakapokuwa sawa, watafanya mwungano. Binti wa mfalme wa Kusini atakuja kwa mfalme wa Kaskazini kuyathibitisha makubaliano yao. Lakini hataweza kuzitunza nguvu za mkono wake, wala mfalme hatasimama wala mkono wake. Ataachwa na wale waliomleta, na baba yake, na yeye aliyemwunga mkono katika nyakati hizo.
Sannado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba.
7 Lakini tawi kutoka katika mizizi yake litachipuka katika nafasi yake. Atalishambulia jeshi na kuingia ngome ya mfalme wa Kaskazini. Atapigana nao, na atawashinda.
Laakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.
8 Ataichukua miungu yao mpaka Misri pamoa na sanamu zao za chuma na vyombo vyao vya fedha na vya dhahabu vyenye thamani. Kwa miaka mingi atakaa mbali na mfalme wa Kaskazini.
Oo weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi.
9 Kisha mfalme wa Kaskazini atauvamia ufalme wa mfalme wa Kusini, lakini atajitoa na kwenda katika nchi yake mwenyewe.
Oo wuxuu iman doonaa boqortooyada boqorka koonfureed, laakiin waddankiisuu ku noqon doonaa.
10 Wana wake watajiweka tayari na kuunganisha jeshi kubwa. Litaendelea kukua na litagharikisha kila kitu, litapita katikati hadi kwenye ngome yake.
Wiilashiisuna way dagaallami doonaan, oo waxay urursan doonaan ciidan faro badan oo imanaya, oo dhulka qarqinaya, oo dhex maraya, markaasuu soo noqon doonaa oo la dagaallami doonaa ilaa qalcaddiisa.
11 Ndipo mfalme wa Kusini atakasirika, na ataenda na kupigana naye, mfalme wa Kaskazini. Mfalme wa Kaskazini atainua jeshi kubwa, bali jeshi litatiwa katika mkono wake.
Oo boqorka koonfureed wuu cadhoon doonaa, kolkaasuu soo bixi doonaa oo la dagaallami doonaa boqorka woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan, dadka faraha badanna isagaa gacanta loo gelin doonaa.
12 Jeshi litachukuliwa, na moyo wa mfalme wa Kusini utainuliwa juu, na atawafanya makumi maelfu kuanguka, lakini hataweza kuwa mshindi.
Oo dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono.
13 Kisha mfalme wa Kaskazini atainua jeshi jingine, kubwa kuliko la kwanza. Baada ya miaka kadhaa, mfalme wa Kaskazini atakuja na jeshi kubwa likiwa na vifaa vingi.
Oo markaasaa waxaa soo noqon doona boqorkii woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan oo kuwii hore ka sii badan; oo sannado dabadood wuxuu la iman doonaa ciidan badan iyo maal badan.
14 Katika siku hizo wengi watainuka kinyume na mfalmea wa Kusini. Wana wa vurugu miongoni mwa watu wake watasimama wao wenyewe ili kuyatimiliza maono, lakini watajikwaa.
Oo wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan.
15 Mfalme wa Kaskazini atakuja, kuizingira nchi kwa kuweka vilima, na kuuteka mji wenye ngome. Majeshi ya Kusini hayataweza kusimama, hata wanajeshi wake bora. Hawatakuwa na nguvu za kusimama.
Sidaasuu boqorkii woqooyi u iman doonaa, oo tuulmo buu tuuli doonaa, oo magaalo deyr lehna wuu qaadan doonaa, ciidanka koonfureedna isma hor taagi doonaan, iyo dadkiisa uu doortay toona, oo xoog ay isku hor taagaanna ma jiri doono.
16 Badala yake, yeye ajaye ataenenda kwa kufuata tamaa zake kinyume chake; hakuna yeyote atakayesimama katika njia yake. Atasimama katika nchi ya uzuri, na uharibifu utakuwa mkononi wake.
Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.
17 Mfalme wa Kaskazini atauelekeza uso wake ili kuja kwa nguvu za ufalme wake wote, na kutakuwa na makubaliano atakayoyafanya na mfalme wa Kusini. Atampatia katika ndoa binti wa wanawake ili kuuharibu ufalme wa Kusini. Lakini mpango huo hautafanikiwa wala kumsaidia.
Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.
18 Baada ya hayo, mfalme atafuatilia nchi za pwani na ataziteka nchi nyingi. Lakini amiri jeshi atakikomesha kiburi chake na atakisababisha kiburi chake kiishe.
Taas dabadeedna wuxuu u jeesan doonaa xagga gasiiradaha, kuwo badanna wuu qaadan doonaa, laakiinse mid amiir ah ayaa caydii uu caayay joojin doona; oo weliba caydiisii isaguu ku celin doonaa.
19 Kisha atafuatilia miji yenye ngome katika nchi yake mwenyewe, lakini atajikwaa na kuanguka; na hatapatikana tena.
Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.
20 Kisha mtu mwingine atainuka katika nafasi ambaye atamfanya mtoza ushuru apite kwa ajili ya ufahari wa ufalme. Lakini katika siku zijazo atakatiliwa mbali, lakini si kwa hasira wala si katika vita.
Dabadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.
21 Katika nafasi atainuka mtu wa kudharauliwa ambaye watu hawatampa heshima ya nguvu ya kifalme; atakuja bila kukusudiwa na atautwaa ufalme kwa ulaghai.
Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.
22 Mbele yake, kila jeshi litafutiliwa mbali kama gharika. Jeshi na kiongozi wa agano wataangamizwa wote kwa pamoja.
Oo iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba.
23 Tangu katika kipindi kile ambacho makubaliano yalifanywa pamoja naye, ataenenda kwa kwa hila; atakuwa mwenye nguvu akiwa na watu wachache tu.
Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.
24 Kwa ghafla ataingia katika sehemu tajiri sana za jimbo, na atafanya kile ambacho si baba yake wala baba wa baba yake alishakifanya. Atagawanya mateka, nyara, na mali zake miongoni mwa wafuasi wake. Atapanga mpango wa kuiangusha ngome, lakini ni kwa muda tu.
Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.
25 Ataamsha nguvu zake na moyo wake kinyume na mfalme wa Kusini kwa jeshi kubwa. Mfalme wa Kusini atapigana vita akiwa na jeshi kubwa lenye nguvu, lakini hataweza kusimama kwa kuwa wengine watafanya njama dhidi yake.
Markaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan.
26 Hata wale wanaokula chakula chake kizuri watajaribu kumwangamiza. Jeshi lake litakatiliwa mbali kama gharika, na wengi wao watauawa.
Oo kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay.
27 Wafalme wote hawa wawili, wakiwa na mioyo yao imejawa na uovu kinyume na mwenzake, watakaa katika meza moja na kudanganyana, lakini haitakuwa na maana yoyote. Kwa kuwa mwisho utatokea katika kipindi ambacho kimeshapangwa.
Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.
28 Kisha mfalme wa Kaskazini atarudi katika nchi yake akiwa na utajiri mkubwa, na moyo wake ukipinga vikali agano takatifu. Atatenda na kisha atarudi katika nchi yake mwenyewe.
Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.
29 Katika muda uloamriwa atarudi na kuushambulia ufalme wa Kusini. Lakini katika kipindi hiki hakitakuwa kama awali.
Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,
30 Kwa kuwa meli kutoka Kitimu zitamshambulia, naye ataogopa na kurudi nyuma. Atakuwa mwenye hasira dhidi ya agano takatifu, na atawaonyesha mema wale watakaoliacha agano takatifu.
waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.
31 Majeshi yake yatainuka na kukufuru sehemu takatifu katika ngome. Wataziondoa sadaka za kawaida za kuteketezwa, na watasimamisha chukizo la uharibifu litakalosababisha ukiwa.
Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.
32 Na kwa wale walioenenda kwa ouvu kinyume na agano, atawadanganya na kuwatia uovu. Bali watu wale wanaomjua Mungu wao watakuwa jasiri na watachukua hatua.
Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.
33 Watu wenye hekima miongobi mwa watu watawafanya watu waelewe. Lakini watajikwaa kwa upanga na kwa miali ya moto; watatiwa mateka na kunyang'anywa kwa siku.
Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.
34 Katika siku za kujikwaa kwao, watasaidiwa kwa msaada kidogo. Watu wengi watajiunga nao wenyewe katika unafiki.
Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.
35 Baadhi ya watu wenye hekima watajikwaa ili kujisafisha kutokee kwao, na kujiosha, na kujitakasa, mpaka wakati wa mwisho. Kwa kuwa wakati ulioamriwa haujaja bado.
Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.
36 Mfalme atafanya kutokana na matakwa yake. Atajiinua mwenyewe na kujifanya mkubwa kuliko kila mungu. Kinyume cha Mungu wa miungu, atasema vitu vibaya, kwa kuwa atafanikiwa mpaka pale ghadhabu itakapokuwa imekamilika. Kwa ajili kile kilichoamriwa kitakapokuwa kimefanyika.
Oo boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.
37 Hatazijali miungu ya baba zake wala mungu anayependwa na wanawake. Wala hatamjali mungu mwingine yeyote. Kwa kuwa zaidi ya mtu yeyote atajifanya mwenyewe kuwa mkuu.
Umana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta.
38 Atamheshimu mungu wa ngome badala ya haya. Ni mungu ambaye baba zake hawakumkubali ambaye atamheshimu kwa dhahabu na fedha, kwa mawe ya thamani na zawadi zenye kuthaminiwa.
Laakiinse meeshiisuu ku cisayn doonaa ilaaha qalcadaha; oo ilaah aanay awowayaashiis garanayn ayuu ku cisayn doonaa dahab iyo lacag iyo dhagaxyo qaali ah, iyo waxyaalo fiican.
39 Atazishambulia ngome imara sana kwa msaada wa mungu mgeni. Atampa heshima kubwa yeyote anayemkubali. Atawafanya kuwa watawala juu ya watu wengi, na ataigawanya nchi kama thawabu.
Oo ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa.
40 Kwa wakati wa mwisho mfalme wa Kusini atamshambulia. Mfalme wa Kaskazini atamvamia kwa ukali wa magari na wapanda farasi, na meli nyingi. Naye ataenda kinyume cha nchi, kuwagharikisha, na kupita katikati.
Wakhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.
41 Naye ataingia katika nchi ya uzuri, makumi elfu ya Waisraeli wataanguka. Lakini watu hawa watatoroka kutoka katika mkono wake: Waedomu, Wamoabu, na mabaki ya watu wa Amoni.
Wuxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon.
42 Naye ataunyosha mkono katika nchi; nchi ya Misri haitaokolewa.
Oo haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono.
43 Atakuwa na mamlaka juu ya hazina za dhahabu na za fedha, na juu ya utajiri wote wa Misri; watu wa Libya na Ethiopia watakuwa chini katika nyayo za miguu yake.
Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan.
44 Lakini taarifa kutoka mashariki na kaskazini zitamwogopesha, naye atatoka akiwa mwenye hasira nyingi kuwa ili kuwaharibu kabisa na kuwahifadhi kwa ajli ya uharibifu.
Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.
45 Naye ataisimamisha hema ya makao yake ya kifalme kati ya bahari na milima ya uzuri wa utakatifu. Ataufikia mwisho wake, na hapatakuwa na msaidizi wa kumsadia.
Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.

< Danieli 11 >