< Matendo 15 >
1 Watu fulani walishuka kutoka Uyahudi na kuwafundisha ndugu, wakisema, “msipotahiriwa kama desturi ya Musa, hamwezi kuokolewa.”
Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.
2 Wakati Paulo na Barnaba walipokuwa na mapambano na mjadala pamoja nao, ndugu waliamua kwamba Paulo, Barnaba, na wengine kadhaa waende Yerusalem kwa mitume na wazee kwa ajili ya swali hili.
Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.
3 Kwa hiyo, kwa kutumwa kwao na kanisa, walipitia Foinike na Samaria wakitangaza kugeuzwa nia kwa wamataifa. Walileta furaha kuu kwa ndugu wote,
Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.
4 Walipokuja Yerusalem, walikaribishwa na Kanisa na mitume na wazee, na waliwasilisha taarifa ya mambo yote ambayo Mungu amefanya pamoja nao.
Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.
5 Lakini watu fulani walioamini, waliokuwa katika kundi la Mafarisayo, walisimama nakusema, “ni muhimu kuwatahiri na kuwaamuru waishike sheria ya Musa.”
Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.
6 Hivyo mitume na wazee walisimama pamoja kulifikiria hili swala.
Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.
7 Baada ya majadiliano marefu, Petro alisimama na kusema kwao, “Ndugu mwatambua kwamba kitambo kizuri kilichopita Mungu alifanya chaguo kati yenu, kwamba kwa mdomo wangu Mataifa wasikie neno la injili, na kuamini.
Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.
8 Mungu, anayefahamu mioyo, anashuhudia kwao, anawapa Roho mtakatifu, kama alivyofanya kwetu;
Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;
9 na hakutengeneza utofauti kati yetu na wao, akiifanya mioyo yao safi kwa imani.
oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.
10 Kwa hiyo, kwa nini mnamjaribu Mungu kwamba muweke nira juu ya shingo za wanafunzi ambayo hata baba zetu wala sisi hatukuweza kustahimili?
Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin?
11 Lakini twaamini kwamba tutaokolewa kwa neema ya Bwana Yesu, kama walivyokuwa.”
Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
12 Kusanyiko lote lilinyamaza walipokua wakimsikiliza Barnaba na Paulo walipokuwa wakitoa taarifa ya ishara na maajabu ambayo Mungu alifanya pamoja nao kati ya watu wa mataifa.
Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.
13 Walipoacha kuongea, Yakobo alijibu akisema, “Ndugu nisikilizeni.
Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
14 Simoni ameelezea jinsi kwanza Mungu kwa neema aliwasaidia Mataifa ili kwamba ajipatie kutoka kwao watu kwa ajili ya jina lake.
Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.
15 Maneno ya manabii yanakubaliana na hili kama lilivyoandikwa.
Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,
16 'Baada ya mambo haya nitarudi na kuijenga tena hema ya Daudi, iliyoanguka chini; nitainua na kuhuisha uhararibifu wake,
Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa, Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay; Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa, Waanan taagi doonaa;
17 ili kwamba watu waliobaki wamtafute Bwana, pamoja na watu wa Mataifa walioitwa kwa jina langu.'
Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
18 Hivi ndivyo asemavyo Bwana aliyefanya mambo haya yajulikanayo tangu enzi za zamani. (aiōn )
Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida. (aiōn )
19 Hivyo basi, ushauri wangu ni, kwamba tusiwapatie shida watu wa Mataifa wamgeukiao Mungu;
Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;
20 lakini tuandike kwao kwamba wajiepushe mbali na uharibifu wa sanamu, tamaa za uasherati, na vilivyonyongwa, na damu.
laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.
21 Kutoka vizazi vya wazee kuna watu katika kila mji wahubirio na kumsoma Musa katika masinagogi kila Sabato.”
Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.
22 Kwa hiyo ikaonekana kuwa imewapendeza mitume na wazee, pamoja na kanisa lote, kumchagua Yuda aliyeitwa Barsaba, na Silas, waliokuwa viongozi wa kanisa, na kuwatuma Antiokia pamoja na Paulo na Barnaba.
Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.
23 Waliandika hivi, “Mitume, wazee na ndugu, kwa ndugu wa Mataifa walioko Antiokia, Shamu na Kilikia, salamu.
Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.
24 Tulisika kwamba watu fulani ambao hatukuwapatia amri hiyo, walitoka kwetu na wamewataabisha kwa mafundisho yaletayo shida nafsini mwenu.
Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;
25 Kwa hiyo imeonekana vyema kwetu sote kuchagua watu na kuwatuma kwenu pamoja na wapendwa wetu Barnaba na Paulo,
sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,
26 watu walio hatarisha maisha yao kwa ajili ya jina la Bwana Yesu Kristo.
kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.
27 Kwa hiyo tumemtuma Yuda na Sila, watawaambia mambo yayo hayo.
Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.
28 Kwa kuwa ilionekana vyema kwa Roho Mtakatifu na kwetu, kutoweka juu yenu mzigo mkubwa kuliko mambo haya yaliyo ya lazima:
Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.
29 kwamba mgeuke kutoka kwenye vitu vitolewavyo kwa sanamu, damu, vitu vya kunyongwa, na uasherati. Kama mtajiweka mbali na hivi, itakuwa vyema kwenu. Kwa herini.”
Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.
30 Hivyo basi, walivyotawanyishwa, waliteremkia Antiokia; baada ya kukusanya kusanyiko pamoja, waliwasilisha barua.
Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.
31 Walipokua wameisoma, walifurahi kwa sababu ya kutiwa moyo.
Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.
32 Yuda na Sila, na manabii, waliwatia moyo ndugu kwa maneno mengi na kuwatia nguvu.
Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.
33 Baada ya kukaa muda fulani huko, walitawanyishwa kwa amani kutoka kwa ndugu kwa wale waliowatuma.
Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.
34 [ Lakini ilionekana vyema Sila kubaki huko ]
Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo.
35 Lakini Paulo na wengine walikaa Antiokia pamoja na wengine wengi, ambapo walifundisha na kuhubiri neno la Bwana.
Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.
36 Baada ya siku kadhaa Paulo alisema kwa Barnaba, “Na turudi sasa na kuwatembelea ndugu katika kila mji tulipohubiri neno la Bwana, na kuwaona walivyo.
Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.
37 Barnaba alihitaji pia kumchukua pamoja nao Yohana aliyeitwa Marko.
Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.
38 Lakini Paulo alifikiria haikuwa vizuri kumchukua Marko, aliyewaacha huko Pamfilia na hakuendelea nao katika kazi.
Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.
39 Kisha hapo kukatokea mabishano makubwa kwa hiyo walitengana, na Barnaba alimchukua Marko na kusafiri kwa meli mpaka Kipro,
Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;
40 Lakini Paulo alimchagua Sila na kuondoka, baada ya kukabidhiwa na ndugu katika neema ya Bwana.
laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.
41 Na alienda kupitia Shamu na Kilikia, akiimarisha makanisa.
Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.