< 2 Samweli 13 >
1 Ikawa baada ya hayo kwamba Amnoni mwana wa Daudi, akamtamani sana Tamari dada yake wa kambo aliyekuwa mzuri, alikuwa tumbo moja na Absalome, mwana wingine wa Daudi.
Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay.
2 Amnoni akasononeka sana kiasi cha kuugua kwa ajili ya Tamari dada yake. Tamari alikuwa bikra, na hivyo ilionekana haiwezekani Amnoni kufanya neno lolote kwake.
Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo.
3 Lakini Amnoni alikuwa na rafiki jina lake Yehonadabu mwana wa Shama, nduguye Daudi.
Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa.
4 Yehonadabu alikuwa mtu mwelevu sana. Akamwambia Amnoni, “Kwa nini, mwana wa mfalme, unadhoofika kila siku? Kwa nini uniambii? Ndipo Amnoni akamjibu, “Nampenda Tamari, dada yake Absalome ndugu yangu.”
Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis.
5 Ndipo Yehonadabu akamwambia, “Lala kitandani mwako na ujifanye kuwa mgonjwa. Wakati baba yako atakapo kuja kukuona, mwambie, Tafadhari mtume dada yangu Tamari aandaye chakula mbele yangu, ili kwamba nikione na kula kutoka mkononi mwake?”
Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee.
6 Hivyo Amnoni akalala na kujifanya kuwa mgonjwa. Mfalme alipokuja kumwona, Amnoni akamwambia mfalme, “Tafadhari mtume Tamari dada yangu aandaye chakula kwa ajili ya ugonjwa wangu mbele yangu ili kwamba nikile kutoka mkononi mwake.
Sidaas daraaddeed Amnoon wuu jiifay, oo wuxuu iska dhigay sidii mid buka, oo markii boqorkii u yimid ayaa Amnoon boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo hortayda ha iigu samayso laba xabbadood oo moofa ah, oo aan gacanteeda ku cunee.
7 Ndipo Daudi katika kasri lake akatuma neno kwa Tamari, kusema, “Nenda katika nyumba ya nduguyo Amnoni na umwandalie chakula. Hivyo
Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee.
8 Tamari akaenda katika nyumba ya Amnoni nduguye alipokuwa amelala. Akachukua donge na kulifinyanga na kuandaa mkate mbele zake, kisha akauoka.
Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay.
9 Akachukua kikaangio na kumpa mkate, lakini akakataa kula. Kisha Amnoni akawambia waliokuwepo, “Kila mtu na aondoke.” Hivyo kila mmoja akaondoka.
Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen.
10 Amnoni akamwambia Tamari, “Lete chakula chumbani kwangu nikile katika mkono wako.” Tamari akachukua mkate aliokuwa ameuandaa, na kuuleta katika chumba cha Amnoni kaka yake.
Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay.
11 Alipoleta chakula kwake, Amnoni akamshikilia na kumwambia, “Njoo, ulale nami, dada yangu.”
Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
12 Yeye akamjibu, “Hapana, kaka yangu, usinilazimishe, kwani hakuna jambo kama hili linapaswa kufanyika katika Israeli. Usifanye jambo la aibu kiasi hiki!
Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.
13 Nitakwenda wapi ili nijiepushe na aibu ambayo jambo hili litaileta juu ya maisha yangu? Na tendo hili litakuonesha kuwa mpumbavu usiye na aibu katika Israeli yote. Tafadhari, ninakuomba uongee na mfalme. Yeye atakuruhusu unioe.”
Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.
14 Lakini Amnoni hakuweza kumsikiliza. Kwa kuwa alikuwa zaidi akamkamata na akalala naye.
Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.
15 Kisha Amnoni akamchukia Tamari kwa chuki kuu. Akamchukia zaidi ya jinsi alivyokuwa amemtamani. Amnoni akamwambia, “Inuka na uondoke.”
Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag.
16 Lakini yeye akamjibu, “Hapana! kwa maana uovu wa kunifanya ni uondoke ni mbaya zaidi ya kile ulichonitenda!” Lakini Amnoni hakumsikiliza.
Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan.
17 Badala yake, akamwita mtumishi wake na akasema, “Mwondoe mwanamke huyu mbele yangu, na uufunge mlango nyuma yake.”
Markaasuu u yeedhay midiidinkiisii u adeegayay, oo ku yidhi, Naagtan hadda dibadda iiga saar, oo albaabkana ka soo daba xidh.
18 Hivyo mtumishi wake akamtoa na kufunga mlango. Tamari alikuwa amevaa vazi lilinakishiwa kwani ndivyo binti za wafalme waliobikra valivyokuwa wakivaa.
Oo iyana waxay qabtay dhar midabyo kala duwan leh, waayo, dhar caynkaas ah ayay gabdhaha boqorka ee bikradaha ahu qabi jireen. Markaasaa addoonkiisii dibadda u soo saaray, oo albaabkiina ka soo daba xidhay.
19 Tamari akaweka majivu juu ya kichwa chake na akalirarua vazi lake
Markaasaa Taamaar waxay madaxa ku shubatay dambas, oo ay jeexjeexday dharkii midabyada kala duwan lahaa oo ay qabtay; madaxayna gacmaha saartay, wayna iska tagtay iyadoo aad u ooyaysa.
20 Absalome, kaka yake, akamwambia, “Amnoni, kaka yako, amekuwa nawe? Lakini sasa nyamaza, dada yangu. Yeye ni kaka yako. Usiliweke hili moyoni.” Hivyo Tamari akakaa peke yake katika nyumba ya Absalomu kaka yake.
Markaasaa walaalkeed Absaaloom wuxuu ku yidhi, Ma waxaa kula jiray walaalkaa Amnoon? Haddaba walaalay, bal iska aamus, oo waxan qalbiga ha ku qabsan, waayo, isagu waa walaalkaa. Sidaas daraaddeed Taamaar waxay ku hadhay oo ku cidlowday gurigii walaalkeed Absaaloom.
21 Mfalme Daudi aliposikia haya yote, alikasirika sana.
Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.
22 Absalome hakusema chochote kwa Amnoni, kwa maana Absalome alimchukia kwa kile alichokifanya, kumdhalilisha Tamari, dada yake.
Oo Absaaloomna Amnoon kulama hadlin xumaan iyo samaan toona, waayo, Absaaloom wuu nebcaaday Amnoon, maxaa yeelay, walaashiis Taamaar buu xoogay.
23 Ikawa baada ya miaka miwili mizima Absalomu akawa na wakatao kondoo manyoya wakifanya kazi huko Baali Hazori, ulioko karibu na Efraim, naye Absalomu akawaarika wana wote wa mfalme kufika huko.
Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan.
24 Absalomu akamwendea mfalme na kusema, “Tazama sasa, mtumishi wako anao wakatao kondoo manyoya. Tafadhari, naomba mfalme na watumishi wake waende nami, mtumishi wako.”
Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah.
25 Mfalme akamjibu Absalomu, “hapana mwanangu, tusiende sisi yote kwani tutakuwa mzigo kwako.” Absalomu akamhakikishia mfalme, lakini yeye asikubali kwenda, ila alimbariki Absalomu.
Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey.
26 Kisha Absalomu akasema, “kama sivyo, basi tafadhari mwache ndugu yangu Amnoni aende nasi.” Mfalme akamuliza, “Kwa nini Amnoni aende nanyi?”
Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?
27 Absalomu akamsihi Daudi, hivyo akamruhusu Amnoni na wana wengine wa mfalme kwenda naye.
Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan.
28 Absalomu akawaamuru watumishi wake kusema, “Sikilizeni kwa makini. Amnoni atakapokuwa amelewa mvinyo, na nitakapowambia, 'Mpigeni Amnoni,' msiogope mwueni. Je siyo mimi niliyewamru? Mwe jasiri na hodari.”
Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha.
29 Hivyo watumishi wa Absalome wakamtendea Amnoni kama walivyoamriwa. Kisha wana wote wa mfalme wakainuka na kila mmoja akapanda nyumbu wake akakimbia.
Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.
30 Hata ikawa wakati wakiwa njiani habari zikafika kwa Daudi kusema, “Absalomu ameua wana wote wa mfalme na hakuna hata mmoja aliyesalia.”
Oo intay sii socdeen ayaa war u yimid Daa'uud, oo waxaa lagu yidhi, Absaaloom wuxuu laayay wiilashii boqorka oo dhan, oo mid qudhuhuna kama hadhin.
31 Kisha mfalme akainuka na kurarua mavazi yake na kujilaza juu ya sakafu; watumishi wake wote wakasimama karibu naye mavazi yao yameraruriwa.
Markaasaa boqorkii kacay, oo dharkiisii jeexjeexay, oo dhulkuu ku jiifsaday, oo addoommadiisii oo dhammuna agtiisa soo istaageen iyagoo dharkoodii jeexjeexay.
32 Yehonadabu mwana wa Shama, nduguye Daudi, akajibu na kusema, “Bwana wangu asidhani kuwa vijana wote ambao ni wana wa mfalme wameuawa, kwa maana ni Amnoni pekee ndiye aliyeuawa. Absalomu alilipanga jambo hili tangu siku ile Amnoni alivyomwaribu Tamari, dada yake.
Markaasaa Yoonaadaab, oo ahaa ina Shime'aah Daa'uud walaalkiisii ayaa ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, ha moodin in la wada laayay wiilashii boqorka oo dhan, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya, waayo, Absaaloom taas wuu goostay, wuuna ku talo jiray tan iyo maalintii uu Amnoon xoogay walaashiis Taamaar.
33 Kwa hiyo basi, bwana wangu mfalme asiiweke taarifa hii moyoni, kudhani kwamba wana wote wa mfalme wameuawa, kwani aliyeuawa ni Amnoni peke yake.”
Haddaba, boqorow, sayidkaygiiyow, waxan qalbiga ha ku qabsan, oo ha moodin in wiilashaadii ay wada dhinteen, laakiinse waxaa dhintay Amnoon oo keliya.
34 Absalomu akakimbia. Mtumishi aliyekuwa akiangalia akainua macho yake na kuona watu wengi wakija njiani kando ya kilima upande wake wa magharibi.
Laakiinse Absaaloom wuu cararay. Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa ee gaadhka hayay indhaha kor u qaaday, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay dad badan oo ka soo socda jidka mara buurta dhinaceeda meel isaga ka dambaysa.
35 Kisha Yehonadabu akamwambia mfalme, “Tazama, wana wa mfalme wanakuja. kama mtumishi wako alivyosema.”
Markaasaa Yoonaadaab wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal eeg, boqorow, wiilashaadii waa yimaadeen, oo sidii anoo addoonkaaga ahu aan kugu idhi, way noqotay.
36 Ikawa mara alipomaliza kusema wana wa mfalme wakafika, wakainua sauti zao na kulia. Na mfalme pamoja na watumishi wake wote pia wakalia kwa uchungu.
Oo isla haddiiba markuu hadalkii dhammeeyey ayay wiilashii boqorku yimaadeen, codkoodiina kor bay u qaadeen, oo ooyeen, oo boqorkii iyo addoommadiisiina aad bay u ooyeen.
37 Lakini Absalomu akakimbia na kwenda kwa Talmai mwana wa Amihudi, mfalme wa Geshuri. Mfalme akaomboleza kila siku kwa ajili ya mwanaye.
Laakiinse Absaaloom wuu cararay, oo u tegey boqorkii Geshuur oo ahaa Talmay ina Cammiixuur. Oo maalin kastaba Daa'uud wiilkiisii ayuu u barooranayay.
38 Hivyo Absalomu akakimbia na kwenda Geshuri na akakaa huko kwa miaka mitatu.
Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.
39 Moyo wa mfalme Daudi ukatamani kwenda kumwona Absalomu, kwa maana alikuwa amefarijika kwa habari ya kifo cha Amnoni.
Boqor Daa'uudna aad buu ugu xiisooday inuu u tago Absaaloom; waayo, wuu ka samray Amnoon, maxaa yeelay, wuu dhintay.