< 2 Wafalme 20 >
1 Katika siku hizo Hezekia aliugua akawa kwenye hatari ya kufa. Hivyo Isaya mwana wa Amozi, akaja, na kumwambia, “Yahwe asema, 'Weka nyumba yako kwenye mpangilio; kwa kuwa utakufa, na hutapona.'”
Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u yimid oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
2 Kisha Ahazi akageuza uso wake kwenye ukuta na kumuomba Yahwe, akisema,
Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,
3 “Tafadhali, Yahwe, ukumbuke jinsi nilivyo mwaminifu kutembea mbele yako kwa moyo wangu wote, na jinsi nilivyofanya yaliyo mazuri usoni kwako.” Kisha Hezekia akalia kwa sauti.
Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
4 Kabla ya Isaya hajatoka nje kwenye mji wa kati, neno la Yahwe likamjia, kusema,
Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,
5 '“Rudi, na umwambie Hezekia, kiongozi wa watu wangu, 'Hivi ndivyo Yahwe, Mungu wa Daudi babu yako, asemavyo: “Nimesikia maombi yako, na nimeyaona machozi yako. Nitakuponya katika siku ya tatu, na utapanda juu kwenye nyumba ya Yahwe.
Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
6 Nitakuongeza miaka kumi na tano ya maisha yako, na nitakulinda na huu mji kwa ajili yangu na kwa ajili ya mtumishi wangu."”'
Oo cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood, oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo waxaan magaaladan u daafici doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
7 Hivyo Isaya akasema, “Chukueni mkate wa tini.” Walifanya hivyo na kuweka kwenye jipu lake, na akapona.
Markaasaa Ishacyaah yidhi, Waxaad qaaddaan fud berde ah, oo iyana way qaadeen, oo waxay saareen kasoobixii, wuuna bogsaday.
8 Hezekia akamwambia Isaya, “Je kutakuwa na alama gani ambayo Yahwe ataniponya, na kwamba nitapanda juu hadi kwenye hekalu la Yahwe katika siku ya tatu?”
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?
9 Isaya akajibu, “Hii ndiyo itakuwa ishara kwako kutoka kwa Yahwe, kwamba Yahwe atafanya kitu amacho alichokisema. Je kivuli kitaenda mbele hatua saba, au kurudi nyuma hatua saba?”
Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?
10 Hezekia akajibu, “Ni kitu chepesi kwa kivuli kwenda mbele hatua kumi. Hapana, hicho kivuli kirudi nyuma hatua kumi.”
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Waa wax fudud in hoosku toban derejo hore u socdo; hase ahaatee, hoosku dib ha u soo noqdo toban derejo,
11 Hivyo Isaya nabii akamlilia Yahwe, na akaleta kivuli hatua kumi nyuma, kutoka pale ambapo zilikuwa zimevuka kwenye ngazi za Ahazi.
Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.
12 Katika kipindi hicho Merodak Baladani mfalme wa Babeli alituma barua na zawadi kwa Hezekia, kwa kuwa alisikia kwamba Hezekia alikuwa anaumwa.
Waagaas Berodag Baladaan, oo ahaa ina Baladaan oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay in Xisqiyaah bukay.
13 Hezekia akasikiliza hizo barua, na kisha kuwaonyesha wajumbe sehemu zote na sehemu zake za thamani, fedha, dhahabu, manukato na marhamu na nyumba yenye ghala la silaha zake, na yote yaliyokutwa kwenye ghala za nyumba zake. Hapakuwa na kitu kwenye nyumba, wala kwenye ufalme wake wote, ambao Hezekia hakuwaonyesha.
Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
14 Kisha Isaya akaja kwa Hezekia na kumuuliza, “Hawa watu walikuwa wanakwambiaje? Wanatokea wapi?” Hezekia aksema, “Wamekuja kutoka nchi ya mbali ya Babeli.
Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay ka yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
15 Isaya akauliza, “Wameona nini kwenye nyumba yako?” Hezekia akajibu, “Wameona kila kitu kwenye nyumba yangu. Hakuna kitu miongoni mwa vitu vyangu vya thamani ambavyo sijawaonyesha.”
Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
16 Basi Isaya akamwambia Hezekia, “Sikiliza neno la Yahwe:
Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.
17 'Tazama siku zinakuja wakati kila kitu kwenye kwenye nyumba yako ya kifalme, vitu ambavyo babu zako walivitunza huko hadi leo, vitabebwa kwenda Babeli. Hakuna kitakachobakia, Yahwe asema.
Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
18 Watoto waliozaliwa na wewe, ambao umewazaa wewe mwenyewe-watawachukua mbali, na watakuwa matowashi kwenye nyumba ya kifalme ya mfalme wa Babeli.'”
Wiilashaada kaa soo bixi doona oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa; oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
19 Hezekia akamwambia Isaya, “neno la Yahwe uliloliongea ni jema.” Kwa kuwa alifikiri, Je sivyo ikiwapo amani na kweli katika siku zangu?”
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Mar haddii nabad iyo rumu ay jirayaan intaan noolahay, sow ma wanaagsana?
20 Kama kwa mambo mengine yanamuhusu Hezekia, na ushujaa wake wote, na jinsi alivyotengeza bwawa la maji na mfereji, na kuleta maji kwenye mji-hayakuandikwa kwenye kitabu cha ya matukio ya wafalme wa Yuda?
Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
21 Hezekia akalala na babu zake, na Manase mwanae akawa mfalme katika sehemu yake.
Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.