< 2 Wafalme 18 >

1 Ikawa katika mwaka wa tatu wa Hoshea mwana wa Ela, mfalme wa Israeli, Hezekia mwana wa Ahazi, mfalme wa Yuda akaanza kutawala.
Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.
2 Alikuwa na umri wa miaka ishirini na tano alipoanza kutawala; alitawala miaka ishirini na tisa katika Yerusalemu. Jina la mama yake alikuwa anaitwa Abija; alikuwa binti wa Zekaria.
Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.
3 Alifanya yaliyo mema usoni pa Yahwe, kufuata mfano wa yote ambayo Daudi, babu yake, aliyoyafanya.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
4 Alipaondoa mahali pa juu, akaiharibu nguzo ya jiwe, akaikata hiyo nguzo ya Ashera. Akavunja vipande vipande ile nyoka ambayo Musa aliyokuwa ameifanya, kwa sababu siku zile wana wa Israeli walikuwa wakichoma ubani katika hiyo; ilikuwa inaitwa “Nehushtani.”
Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.
5 Hezekia alimwamini Yahwe, Mungu wa Israeli, hivyo basi baada ya yeye hapakuwa kama yeye miongoni mwa wafalme wote wa Yuda, wala miongoni mwa wafalme ambao walikuwa kabla yake.
Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.
6 Aliambatana na Yahwe. Hakuacha kumfuata lakini alizifuata amri zake, ambazo Yahwe alimwamuru Musa.
Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.
7 Hivyo Yahwe alikuwa na Hezekia, kila alipokwenda alifanikiwa. Akaasi dhidi ya mfalme wa Ashuru na hakumtumikia.
Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
8 Akawashambulia Wafilisti hadi Gaza na mipaka inayoizunguka, kutoka mnara wa walinzi hadi hadi mji wenye ngome.
Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
9 Katika mwaka wa nne wa Mfalme Hezekia, ambao ulikuwa mwaka wa saba wa Hoshea mwana wa Ela mfalme wa Israeli, Shalmanesa mfalme wa Ashuru akapanda hadi Samaria na kuizunguka.
Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
10 Mwishoni mwa miaka mitatu wakaichukua, katika mwaka wa sita wa Hezekia, ambao ulikuwa mwaka wa tisa wa Hoshea mfalme wa Israeli; hivi ndivyo Samaria ilivyotekwa.
Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.
11 Basi mfalme wa Ashuru akawachukua Israeli kwenda Ashuru na kuwaweka kwenye Hala, na katika mto Habori katika Gozani, na katika mji wa Wamedi.
Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,
12 Alifanya hivi kwasababu hakutii sauti ya Yahwe Mungu wao, lakini walikiuka makubaliano ya agano lake, yote yale ambayo Musa yule mtumishi wa Yahwe aliwaamuru. Walikataa kuyasikiliza au kuyafanya.
maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
13 Kisha katika mwaka wa kumi na nne wa mfalme Hezekia, Senakerebu mfalme wa Ashuru akaishambulia miji yote yenye boma na kuwateka mateka.
Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
14 Basi Hezekia mfalme wa Yuda akatuma neno kwenda kwa mfalalme wa Yuda akatuma neno kwa mfalme wa Ashuru, ambaye alikuwa Lachishi, akisema, “Nimekuudhi. Nichukue. Popote utakaponiweka nitavumulia”. Mfalme wa Ashuru akamtaka Hezekia mfalme wa Yuda kulipa talanta mia tatu za fedha na talanta thelathini za dhahabu.
Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.
15 Hivyo Hezekia akampatia fedha zote ambazo zilikuwa zimepatikana kwenye nyumba ya Yahwe na kawenye hazina nyumba ya mfalme.
Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
16 Kisha Hezekia akaikata ile dhahabu kutoka kwenye milango ya hekalu la Yahwe na kutoka juu ya nguzo; akampatia dhahabu mfalme wa Ashuru.
Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.
17 Lakini mfalme wa Ashuru akalihamasisha jeshi lake kubwa, akawatuma Tartani na Rabsarisi na amiri jeshi mkuu kutoka Lakishi kwenda kwa Hezekia huko Yerusalemu. Wakasafiri hadi kwenye mabarabara na kufika nje ya Yerusalemu. Wakakaribia karibu na mfereji wa birika la juu, kwenye barabara kuu ya shamba la dobi, na kusimama hapo.
Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
18 Wakati walipokuwa wamemwita Mfalme Hezekia, Eliakimu mwana wa Hilkia, ambaye alikuwa kiongozi wa nyumba ya mfalme na Shebna mwandishi, na Joa mwana wa Asafu, anayeandika kumbukumbu, wakatoka nje kwenda kuwalaki
Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
19 Basi yule amiri jeshi mkuu akawaambia wamwambie Hezekia kile alichosema mfalme mkuu, mfalme wa Ashuru, amesema: “Nini chanzo cha ujasiri wako?
Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
20 Unaongea maneno yasiyo na maana, kusema lipo neno na nguvu ya vita. Sasa unamtumainia nani? Nani anakupa ujasiri wa kuasi dhidi yangu?
Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
21 Tazama, unatumainia kutembelea fimbo ya mwanzi huu uliopondeka wa Misri, lakini kama mtu akiutegemea, utamchapa kwenye mkono wake na kuutoboa. Hicho ndicho Farao mfalme wa Misri kwa ymtu yeyote ambaye anayemtumainia.
Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
22 Lakini kama ukiniambia, 'Tunamwamini Yahwe Mungu watu; je si yeye ambaye mahali pa juu na madhabahu Hezekia amezichukua, na kumwambia Yuda na kwa Yerusalemu, 'Lazima uabudu mbele ya hii madhabahu katika Yerusalemu'?
Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
23 Basi kwa hiyo, nataka kukufanyia ahadi nzuri kutoka kwa bwana wangu mfalme wa Ashuru. Nitakupatia farasi elfu mbili, kama unaweza kuwatafuta kuwaendesha kwa ajili yao.
Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
24 Wanawezaje kumpinga hata nahodha mmoja wa watumishi walio wadogo? Mmeweka tumaini lenu katika Misri kwa magari ya farasi na waendesha farasi!
Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
25 Je nimesafiri kwenda huko juu bila Yahwe kupapigania hapa mahali na kupaharibu? Yahwe ameniambia, 'Ishambulie hii nchi na uiharibu.”'
Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
26 Kisha Elikana mwana wa Hilkia, na Shebna, na Joa wakamwambia amiri jeshi mkuu, “Tafadhali ongea na watumishi wako katika lugha ya Kiaramu, kwa kuwa tunaielewa. Usiongee nasi katika lugha ya Yuda katika masikio ya watu ambao wako ukutani.”
Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
27 Lakini yule amiri jeshi mkuu akawaambia, “Je bwana wangu amenituma kwa bwana wako na kuwachukua kuongea haya maneno? Je hajanituma kwa hawa watu ambao wameketi kwenye ukuta, ambao watakula kinyesi chao na kunywa mkojo wao wenyewe?”
Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
28 Kisha yule amiri jeshi mkuu akasimama na akapiga kelele kubwa kwa lugha ya Kiyahudi, akisema, “Sikilizeni neno la mfalme mkuu, mfale wa Ashuru.
Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
29 Mfalme asema, 'Msimwache Hezekia akawadanganya, kwa kuwa hataweza kuwaokoa kwenye nguvu yangu.
Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.
30 Msimwache Hezekia akawatumainisha katika Yahwe, akisema, “Yahwe atatuokoa hakika, na huu mji hautawekwa kwenye mkono wa mfalme wa Ashuru.'”
Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
31 Msikilize Hezekia, kwa kuwa hivi ndivyo mfalme wa Ashuru asemavyo: 'Fanyeni amani pamoja nami na njooni kwangu. Kisha kila mmoja wenu atakula kutoka kwenye mzabibu wake mwenyewe na kutoka kwenye mtini wake mwenyewe, na kunywa kutoka kwenye maji kwenye maji ya birika lake mwenyewe.
Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
32 Mtafanya hivyo hadi nitakapokuja na kuwachukua kwenda kwenye nchi kama nchi yenu, nchi ya nafaka na divai, nchi ya mkate na mashamba ya mizabibu, nchi ya miti ya mizaituni na asali, ili muweze kuishi na sio kufa.' Msimsikilize Hezekia wakati atakapojaribu kuwashawishi, akisema, 'Yahwe atatuokoa.'
intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.
33 Je miungu yeyote ya watu inayewaokoa kutoka kwenye nchi ya mfalme wa Ashuru?
Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
34 Iko wapi miungu ya Hamathi na Arpadi? iko wapi miungu ya Sefarvaimu, Hena, na Iva? Je imeiokoa Samaria kutoka mkono wangu?
Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
35 Miongoni mwa miungu yote ya nchi, je kuna mungu ambaye ameiokoa nchi yake kutoka kwenye nguvu yangu? Inawezekanaje Yahwe akaiokoa Yerusalemu kutoka kwenye uwezo wangu?”
Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
36 Lakini watu wakabaki kimya na hawakujibu, kwa kuwa mfalme alikuwa ameamuru, “Msimjibu.”
Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
37 Kisha Eliakimu mwana wa Hilkia, ambaye alikuwa juu ya nyumba ya mfalme; Shebna yule mwandishi; na Joa mwana wa Asafu, mtunza kumbukumbu, akaja kwa Hezekia pamoja na nguo zao zilizoraruliwa, na kumpatia taarifa ya maneno ya yule amiri mkuu.
Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

< 2 Wafalme 18 >