< 2 Wafalme 14 >
1 Katika mwaka wa pili wa Yehoashi mwana wa Yehoazi, mfalme wa Israeli, Amazia mwana wa Yoashi, mfalme wa Yuda, alianza kutawala.
Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.
2 Alikuwa na umri wa miaka ishirini na tanao wakati alipoanza kutawala; alitawala kwa mda wa miaka ishirini na tisa katika Yerusalemu.
Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.
3 Mama yake alikuwa anaitwa Yehoyadani, wa Yerusalemu. Alifanya yale yaliyo mema usoni mwa macho ya Yahwe, sio kama baba yake Daudi. Alifanya kila kitu ambacho Yoashi, baba yake, alichukuwa amekifanya.
Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.
4 Lakini sehemu ya juu haikuondolewa. Watu wakaendelea kutoa dhabihu na kufukiza ubani katika sehemu mahala pa juu.
Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
5 Ikawa mara utawala wake ulipokuwa imara, aliwaua watumishi ambao waliokuwa wamemuua baba yake, mfalme.
Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
6 Ila hakuwaweka watoto wa wale wauaji kwenye kifo; isipokuwa, alifanya kutokana na kile kilichokuwa kimeandikwa kwenye sheria, kwenye kitabu cha Musa, kama Yahwe alivyokuwa ameamuru, akisema, “Wababa wasife kwa ajili ya watoto wao, wala watoto wasife kwa ajili ya makosa ya wazazi wao. Isipokuwa, kila mtu atakufa kwa ajili ya dhambi zake mwenyewe.”
Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
7 Aliua maaskari elfu kumi wa Edomi kwenye bonde la chumvi; pia alimchukua Sela kwenye vita na kuiita Yoktheeli, ndivyo paitwavyo hadi leo.
Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
8 Kisha Amazia akatuma wajumbe kwa Yehoashi mwana wa Yehoahazi mwana wa Yehu mfalme wa Israeli, akisema, “Njoo, tuonane kila mmoja macho kwa macho kwenye mashinadano.”
Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.
9 Lakini Yehoashi mfalme wa Israeli akawatuma wajumbe kurudi kwa Amazia mfalme wa Yuda, akisema, “Mbaruti uliokuwa Lebanoni ulituma kwa mwerezi katika Lebanuni, kusema, 'Mpatie mwanangu binti yako amuoe; lakini hayawani aliyekuwako Lebanoni akaukanyaga chini ule mbaruti.
Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.
10 Umempiga sana Edomu, na moyo wako umekuinua. Jisifu katika ushindi wako, lakini kaa nyumbani, kwa nini unataka kujisababishia mataizo na kuanguka, wote wewe na Yuda pamoja nawe?”
Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
11 Lakini Amazia hakutaka kusikia. Hivyo Yehoashi mfalme wa Israeli akakwea yeye na Amazia mfalme wa Yuda wakakutana uso kwa uso huko Beth Shemeshi, ambayo ilikuwa ya Yuda.
Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.
12 Yuda walishindwa mbele ya Israeli, na kila mtu akakimbia nyumbani.
Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
13 Yehoashi mfalme wa Israeli, akamchukua Amazia, mfalme wa Yuda mwana wa Yehoashi mwana wa Ahazia, huko Beth Shemeshi. Akaja Yerusalemu na kuuangusha chini ukuta wa Yerusalemu kutoka lango la Efraimu mpaka kwenye pembe ya lango, urefu wa mbali wa dhiraa mia nne.
Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
14 Akachukua dhahabu na fedha zote, na vitu vyote ambavyo vilipatikana katika nyumba ya Yahwe, na vitu vya thamani kwenye nyumba ya mfalme, pamoja na mateka pia, na kurudi samaria.
Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.
15 Kama ilivyo kwa mambo mengine yamhusuyo Yehoashi, yote aliyoyafanya, ushujaa wake, na jinsi alivyopigana na Amazia mfalme wa Yuda, je hayakuandikwa kwenye kitabu cha matukio ya mfalme wa Israeli?
Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
16 Kisha Yehoashi akalala na wazee wake na ailizikwa katika Samaria pamoja na wafalme wa Israeli, na Yeroboamu, mwanaye, akawa mfalme katika eneo lake.
Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
17 Amazia mwana wa Yoashi, mfalme wa Yuda, akaishi miaka kumi na tano baada ya Yehoashi mwana wa Yehoahazi, mfalme wa Israeli.
Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.
18 Kama ilivyo kwa mambo mengine yanayomhusu Amazia, je hayakuandikwa kwenye kitabu cha matukio ya mfalme wa Yuda?
Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
19 Wakafanya njama dhidi ya Amazia katika Yerusalimu, akakimbilia Lakishi. Akakimbia hadi Lakishi, lakini wakawatuma watu kumfuata hadi Lakishi na kumuua huko.
Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
20 Wakamrudisha kwa farasi, na alizikwa pamoja na wazee wake katika mji wa Saudi.
Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay Yeruusaalem oo ah magaaladii Daa'uud.
21 Watu wote wa Yuda wakamchukua Uzaria, ambaye alikuwa na umri wa miaka kumi na minne, na walimfanya kuwa mfalme katika nyumba ya kifalme wa baba yake Uzaria.
Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
22 Alikuwa Uzaria ambaye alijenga Elathi na kuirudisha kwa Yuda, baada ya mfalme Uzaria akalala pamoja na mababu zake.
Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
23 Katika mwaka wa kumi na tano wa Amazia mwana wa Yoashi mfalme wa Yuda, Yeroboamu mwana wa Yoashi mfalme wa Israeli alianza kutawala katika Samaria; alitawala kwa muda wa miaka arobaini na moja.
Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.
24 Akafanya yaliyo maovu usoni mwa Yahwe. Hakuziacha dhambi zake za Yeroboamu mwana wa Nabeti, ambaye aliisababisha Israeli kuasi.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.
25 Akairudisha mipaka ya Israeli kutoka Lebo Hamathi mpaka kwenye Bahari ya Araba, kufuata amri ya neno la Yahwe, Mungu wa Israeli, ambalo aliongea kupitia mtumishi wake Yona mwana wa Amitai, yule nabii, ambaye alitokea Gathi Heferi.
Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
26 Kwa kuwa Yahwe aliyaona mateso ya Israeli, ambayo yalikuwa makali kwa kila mmoja, wote mtumwa na asyemtumwa, na kwamba hapakuwa na ulinzi kwa ajili ya Israeli.
Waayo, Rabbigu wuxuu arkay dhibaatadii ay dadkii Israa'iil ku jireen inay aad u qadhaadhayd, waayo, ma jirin mid xidhan iyo mid furan toona, mana jirin mid dadkii Israa'iil u kaalmeeya.
27 Basi Yahwe akasema kwamba hatoweza kulifuta jina la Israeli chini ya mbingu; badala yake, aliwaokoa kwa mkono wa Yeroboamu mwana wa Yehoashi.
Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
28 Kama ilivyo kwa mambo mengine yamhusuyo Yeroboamu, yote aliyoyafanya, ushujaa wake, jinsi alivyo pigana vita na kuipata tena Damaskasi na Hamathi, ambayo ilikuwa ya Yuda, kwa Israeli, je hayakuandikwa katika kitabu cha matukio ya wafalme wa Israeli?
Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
29 Yeroboamu akalala na mababu zake, pamoja na mfalme wa Israeli, na Zekaria mtoto wake akawa mfalme katika sehemu yake.
Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.