< 2 Nyakati 30 >
1 Hzekia akatuma wajumbe kwa Israeli wote na Yuda, na pia akawaandikia barua Efraimu na Manase, kwamba waje kwenye nyumba ya Yahwe katika Yerusalemu, kusherekea Pasaka ya Yahwe, Mungu wa Israeli.
Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
2 Kwa maana mfalme, viongozi wake, na kusanyiko lote katika Yerusalemu walikuwa wameshauriana pamoja, wakakubaliana kusherekea Pasaka katika mwezi wa pili.
Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.
3 Hawakuweza kuisherekea mapema kabla ya hapo, kwa sababu hapakuwa na makuhani wa kutosha waliojitakasa wenyewe, wala watu hawakuwa wamekusanyika pamoja Yerusalemu.
Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.
4 Pendekezo hili likaonekana sahihi katika macho ya mfalme na ya kusanyiko lote.
Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.
5 Kwa hiyo wakakubaliana kufanya tangazo katika Israeli yote, kuanzia Beer-sheba hadi Dani, kwamba watu lazima waje kusherehekea Paska ya Yahwe, Mungu wa Israeli, huko Yerusalemu. Kwa maana walikuwa hawakuwa wameisherehekea kwa hesabu kubwa ya watu, kwa mujibu wa jinsi ilivyokuwa imeandikwa.
Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.
6 Hivyo matarishi wakaenda na barua kutoka kwa mfalme na viongozi wake katika Israeli na Yuda yote, kwa agizo la mfalme. wakasema, “Ninyi watu wa Israeli, rudini kwa Yahwe, Mungu wa Abrahamu, Isaka na Israeli, ili kwamba aweze kuwarudia masalia wenu ninyi mlipona kutoka kwenye mkono wa wafalme wa Ashuru.
Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur.
7 Msiwe kama babu zenu au ndugu zenu, ambao walimuasi Yahwe, Mungu wa mababu zao, hivyo akawaweka katika kuangamia, kama mnavyoona.
Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.
8 Sasa msiwe wasumbufu, kama babu zenu walivyokuwa; badala yake, jitoeni wenyewe kwa Yahwe na njoeni kwenye sehemu yake takatifu, ambayo ameitakasa milele, na mwabuduni Yahwe Mungu wenu, ili kwamba uso wake wenye hasira uwageukie mbali.
Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
9 Kwa maana ikiwa mtageuka nyuma kwa Yahwe, ndugu zenu na watoto wenu watapata huruma mbele ya hao wanaowaongoza kama wafungwa, na watarudi katika nchi hii. Kwa maana Yahwe Mungu wenu, ni mkarimu na mwenye huruma, na hatawageuzia mbali uso wake, kama mtarudi kwake.”
Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan.
10 Kwa hiyo matarishi wakapita mji kwa mji katika majimbo ya Efraimu na Manase, njia yote hadi Zabuloni, lakini watu waliwacheka na kuwazomea.
Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday.
11 Lakini, watu wengine wa Asheri na Manase na Zabuloni walijinyenyekesha wenyewe na wakaja Yerusalemu.
Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
12 Mkono wa Mungu pia ukaja juu ya Yuda, kuwapa moyo mmmoja, ili kulikubali agizo la mfalme na viongozi kwa neno la Yahwe.
Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.
13 Watu wengi, kusanyiko kubwa, likakusanyika Yerusalemu kusherehekea Sikukuu ya Mikate Isiyochacha katika mwezi wa pili.
Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.
14 Waliinuka na kuchukua madhabahu zizilizokuwa Yerusalemu, madhabahu zote kwa ajili ya sadaka za kufukiza; wakazirusha katika kijito Kidroni.
Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.
15 Kisha wakamuua mwanakondoo wa Paska katika siku ya kumi na nne ya mwezi wa pili. Makuhani na Walawi wakaona aibu, kwa hiyo wakajitakasa wenyewe na kuleta sadaka za kuteketezwa katika nyumba ya Yahwe.
Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.
16 Wakasimama katika sehemu zao katika makaundi yao, wakifuata maelekezo yaliyotolewa na sheria ya Musa, mtu wa Mungu. Makuhani wakainyunyiza damu waliyoipokea kutoka kwenye mikono ya Walawi.
Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi.
17 Kwa maana walikuwepo wengi katika kusanyikao amaabao hawakuwa wamejitakasa wenyewe. Kwa hiyo Makuhani wakamchinja mwanakondoo wa Pasaka kwa ajili ya kila mmoja ambaye hakuwa amejisafisha na hakuweza kuzitakasa sadaka zake kwa Yahwe.
Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.
18 Kwa kuwa wingi wa watu, wengi wao kutoka Efraimu na Manase, Asakari na Zabuloni, hawakuwa wamejitakasa wenyewe, bado waliula mlo wa Paska, kinyume na maelekezo yaliyoandikwa. Kwa kuwa Hezekia alikuwa amewaombea, akisema, “Mungu Yahwe amsamehe kila mmoja
Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii
19 ambaye anaulekeza moyo wake kumtafuta Mungu, Yahwe, Mungu wa babu zake, hata kama hajasafiswa kwa utakaso wa viwango vya patakatifu.”
qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.
20 Kwa hiyo Yahwe akamsikiliza Hezekia na akawaponya watu.
Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.
21 Watu wa Israeli waliokuwepo Yerusalemu wakaitunza Sikukuu ya Mikaate Isiyochachwa na furaha kubwa kwa siku saba. Walawi na makuhani wakamsifu Yahwe siku baada ya siku, wakiimwimbia Yahwe kwa vyombo vya sauti kuu.
Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.
22 Hezekia akazungumza kwa kuwatia moyo Walawi wote walioilewa ibada ya Yahwe, Kwa hiyo wakala kwa kipindi cha siku saba, wakitoa sadaka za amani, na kufanya toba kwa Yahwe, Mungu wa babu zao.
Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya.
23 Kusanyiko lote kisha likaamua kusherehekea kwa siku zingine saba, na wakafanya hivyo kwa furaha.
Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan.
24 Kwa kuwa Hezekia mfalme wa Yuda aliwapa kusanyiko ng'ombe dume elf moja, na kondoo elfu saba kama sadaka; na viongozi wakawapa kusanyiko ng'ombe dume elfu moja na kondoo na mbuzi elfu kumi. Idadi kubwa ya makuhani wakajitakasa wenyewe.
Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.
25 Kusanyiko lote la Yuda, pamoja na makuhani na Walawi na watu wote walikuja pamoja kutoka nchi ya Israeli na wale walioishi Yuda—wote wakafurahia.
Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
26 Hivyo kulikuwa na furaha kuu katika Yerusalemu, kwa kuwa tangu wakati wa Solomoni mwana wa Daudi, mfalme wa Israeli, hapakuwa na kitu kama hicho katika Yerusalemu.
Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.
27 Kisha makuhani, Walawi, wakainuka na kuwabariki watu. Sauti zao zilisikika na maombi yao yakaenda juu mbinguni, sehemu takatifu ambapo Mungu anaishi.
Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.