< 1 Samweli 7 >
1 Watu wa Kiriath Yearimu walikuja, wakalichukua sanduku la BWANA, wakalileta ndani ya nyumba ya Abinadabu mlimani iliyokuwa kilimani. Wakamteua Eleazari, mwanawe, kulitunza sanduku la BWANA.
Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.
2 Tangu siku ambayo sanduku lilikaa huko Kiiriath Yearimu, ulipita muda mrefu, miaka ishirini. Nyumba yote ya Israeli iliomboleza na ikaazimu kumrudia BWANA.
Oo ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
3 Samweli akawaambia watu wote wa Israeli, “Kama mtamrudia BWANA kwa moyo wenu wote, mkaiondoa miungu migeni na Ashtorethi kutoka katikati yenu, igeuzeni mioyo yenu kwa BWANA, na mwabuduni yeye peke yake, ndipo atawaokoa kutoka mkono wa Wafilisti.”
Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
4 Ndipo watu wa Israeli wakamuondoa Baali na Ashtorethi, na wakamwabudu BWANA peke yake.
Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
5 Ndipo Samweli akasema, “Waleteni Israeli wote hadi Mizpa, nami nitamwomba BWANA kwa ajili yenu.”
Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
6 Wakakusanyika Mispa, wakateka maji na kuyamwaga chini mbele za BWANA. Siku hiyo walifunga na kusema, “Tumemfanyia BWANA dhambi.” Hapo Mispa ndipo Samweli aliwaamu na kuwaongoza watu wa Iraeli. -8
Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
7 Basi Wafilisti waliposikiakwamba Waisraeli wamekusanyika hapo Mispa, viongozi wa Wafilisti waliwashambulia Israeli. Waisraeli waliposikia hivyo, waliwaogopa Wafilisti.
Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
8 Ndipo Waisraeli wakamwambia Samweli, “Usiache kumwomba BWANA Mungu wetu kwa ajili yetu, ili atuokoe kutoka mkono wa Wafilisti.”
Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
9 Samweli alimchukua kondoo mchanga nakumtoa sadaka ya kuteketezwa kikamilifu kwa BWANA. Ndipo Samweli akamlilia BWANA kwa ajili ya Israeli, na BWANA akamjibu.
Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
10 Hata Samweli alipokuwa akitoa sadaka ya kuteketezwa, Wafilisti wakasogea karibu kuwashambulia Israeli; lakini BWANA alipiga kwa nguromo ya sauti kubwa siku hiyo dhidi ya Wafilisti na kuwatia kiwewe, na wakashindwa mbele ya Israeli.
Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
11 Waisraeli wakaondoka Mispa, wakawafuatia Wafilisti na kuwaua hadi kufika chini ya Beth kari.
Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
12 KIsha Samweli akachukua jiwe akalisimamisha kati ya Mispa na Sheni. Akaliita hilo jiwe Ebeneza, akisema, “Hata sasa BWANA ametusaidia.”
Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
13 Kwa hiyo, Wafilisti walishindwa na hawakuingia katika mipaka ya Israeli. Mkono wa BWANA uliwalemea Wafilisti siku zote za Samweli.
Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
14 Miji ambayo Wafilisti waliitwaa kutoka kwa Israeli ilirudishwa, kutokea Ekroni hadi Gathi; Israeli ikarudisha tena sehemu za nchi zake kutoka kwa Wafilisti. Ndipo ikawa amani kati ya Israeli na Waamori.
Oo magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
15 Samweli akawa mwamuzi wa Israeli siku zote za maisha yake.
Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
16 Kila mwaka alienda Betheli kwa kuzunguka, akienda Gilgali, na huko Mispa.
Oo sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
17 Kisha angerudi Rama, kwa sababu mji wake ulikuwa huko; na huko pia aliwaamua Waisiraeli. Hata huko Rama, pia alimjengea BWANA madhabahu.
Oo wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.