< 1 Samweli 19 >

1 Sauli akamwambia Yonathani mwanawe na watumishi wake wote kwamba wanapaswa kumuua Daudi. Lakini Yonathani, mwana wa Sauli, alitamani sana akae na Daudi.
Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.
2 Hivyo Yonathani akamwambia Daudi, “Baba yangu Sauli anatafuta kukuua. Kwa hiyo uwe macho wakati wa asubuhi na jifiche mahali pa siri.
Laakiinse Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa Daa'uud aad buu ugu farxay. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud u sheegay oo ku yidhi, Aabbahay Saa'uul wuxuu doonayaa inuu ku dilo. Haddaba waan ku baryayaaye, subaxdii digtoonow, oo intaad meel qarsoon gashid dhuumo;
3 Nami nitatoka nje na kusimama kando ya baba yangu huko shambani uliko wewe, na nitazungumza na baba yangu kuhusu wewe. Kama nikijua jambo lolote nitakuambia.”
oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.
4 Yonathani alimsifia Daudi mbele ya Sauli baba yake akisema, “Mfalme asije akafanya dhambi dhidi ya mtumishi wake Daudi. Maana yeye hajakutenda dhambi, mambo aliyofanya yamekusaidia sana.
Oo Yoonaataanna wax wanaagsan ayuu aabbihiis Saa'uul uga sheegay Daa'uud, oo ku yidhi, Addoonkaaga Daa'uud ha ku dembaabin, maxaa yeelay, isagu kuguma uu dembaabin, oo shuqulladiisuna xaggaaga aad bay ugu wanaagsanaayeen,
5 Maana alijitoa maisha yake na kumuua yule Mfilisti, naye BWANA akawaletea Waisraeli wote wokovu mkuu. Tena uliuona na kufurahi. Kwa nini utende dhambi juu damu isiyo na hatia kwa kumuua Daudi bila sababu?”
waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?
6 Sauli alimsikiliza Yonathani. Sauli akaapa, “Kama BWANA aishivyo, Yonathani hatauawa.”
Markaasaa Saa'uul maqlay codkii Yoonaataan, oo wuxuu ku dhaartay nolosha Rabbiga inaan Daa'uud la dilayn.
7 Ndipo Yonathani akamwita Daudi na kumwambia mambo hayo yote. Na Yonathani akamleta Daudi kwa Sauli, naye Daudi akawa mbele zake kama zamani.
Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.
8 Baadaye kukawa na vita tena. Daudi akatoka na kupigana na Wafilisti na kuwashinda kwa mauaji makubwa mno. Nao wakakimbia mbele yake.
Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.
9 Yule roho wa ubaya kutoka kwa BWANA ikamjia Sauli alipokuwa ameketi nyumbani mwake na mkuki mkononi mwake, na Daudi akiwa anapiga chombo chake.
Oo haddana ruux xun oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul isagoo gurigiisa dhex fadhiya oo warankiisii gacanta ugu jiro; markaasaa Daa'uud gacanta ku dhuftay kataaraddii.
10 Sauli alijaribu kumpigilia Daudi ukutani kwa mkuki wake, lakini akaponyoka kutoka machoni pake, na kwamba Sauli akashindilia mkuki ndani ya ukuta. Daudi alikimbia na kutoroka usiku huo.
Oo Saa'uulna wuxuu damcay inuu Daa'uud wareemo oo uu derbiga ku qodbo; laakiinse wuu ka cararay Saa'uul hortiisii oo Saa'uul wuxuu warankii ka taagay derbigii. Daa'uudna wuu cararay, oo habeenkaasuu baxsaday.
11 Bado Sauli aliwatuma wajumbe nyumbani kwa Daudi wamvizie kusudi aweze kumuua asubuhi. Mkewe Daudi, Mikali, akamwambia, “Usipoyaokoa maisha yako usiku huu, kesho utauwawa.”
Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa.
12 Hivyo Mikali akamteremsha Daudi kupita dirishani. Naye akaenda, akakimbia na kutoroka.
Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
13 Mikali alichukua kinyago na kukilaza juu ya kitanda. Kisha akaweka mto wa singa za mbuzi kichwani pake, na akakifunika na nguo.
Markaasaa Miikaal waxay soo qaadday sanam oo sariirtay saartay, oo waxay madaxa u dhigtay barkin dhogor riyood ah, waxayna ku dedday dhar.
14 Sauli alipowatuma wajumbe kumchukua Daudi, mkewe akasema, “Daudi ni mgonjwa.”
Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa.
15 Kisha Sauli akawatuma wajumbe kumtazama; akisema, “Mleteni kwangu akiwa kitandani, ili nimuue.”
Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
16 Wale wajumbe walipoingia ndani, tazama, kile kinyago kilikuwa kitandani pamoja na mto wa singa za mbuzi kichwani.
Oo raggiina markay gurigiisii soo galeen ayay arkeen sanamkii oo sariirta saaran oo barkin dhogor riyood ahu madaxa u taal.
17 Sauli akamuuliza Mikali, “Kwa nini umenidanganya na kumwachilia adui yangu aende, na tena ametoroka?” Mikali akamjibu Sauli, “Aliniambia, 'Acha niende. Kwa nini nikuuwe?”'
Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Miikaal ku yidhi, Naa maxaad saas iigu khiyaanaysay oo cadowgayga u sii daysay inuu baxsado? Miikaalna waxay Saa'uul ugu jawaabtay, Wuxuu igu yidhi, I sii daa, yaanan ku diline.
18 Basi Daudi akakimbia na kutoroka, na akaenda kwa Samweli huko Rama na kumweleza yote ambayo Sauli amemtendea. Ndipo yeye na Samweli wakaenda na kukaa Nayothi.
Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.
19 Naye Sauli akaambiwa kwamba, “Tazama, Daudi yuko huko Nayothi iliyoko Rama.”
Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.
20 Kisha Sauli akawatuma wajumbe kumkamata Daudi. Nao walipowaona kundi la manabii wakitabiri, na Samweli akisimama kama kiongozi wao, Roho wa Mungu akawaingia wale wajumbe wa Sauli, nao pia wakatabiri.
Markaasaa Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo qabtaan; oo iyana markay arkeen guutadii nebiyada ahayd oo wax sheegaya, iyo Samuu'eel oo dhex taagan oo madax u ah ayaa ruuxii Rabbigu ku soo degay raggii Saa'uul soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
21 Sauli alipoambiwa hivyo, akawatuma wajumbe wengine, nao pia wakatabiri. Basi Sauli aliwatuma tena wajumbe kwa mara ya tatu, na hao pia wakatabiri.
Oo taas markii Saa'uul loo sheegay ayuu haddana soo diray rag kale, oo iyana wax bay sii sheegeen. Oo haddana mar saddexaad ayaa Saa'uul rag kale soo diray, oo iyana wax bay sii sheegeen.
22 Kisha naye akaenda Rama na kufika katika kisima kirefu kilichoko huko Seku. Akauliza, “Samweli na Daudi wako wapi?” Mtu mmoja akasema, “Angalia, Wako Nayothi huko Rama.”
Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.
23 Hivyo Sauli akaenda Nayothi huko Rama. Ndipo Roho wa Mungu pia akaja juu yake, naye alipokuwa akienda alitabiri, hadi alipofika Nayothi huko Rama.
Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal.
24 Na yeye pia, alirarua mavazi yake, naye pia akatabiri mbele ya Samweli siku hiyo akilala uchi mchana kutwa na usiku kucha. Kwa sababu ya jambo hili, watu husema, “Je, Sauli pia ni miongoni mwa manabii?”
Oo isna dharkii buu iska siibay, oo Samuu'eel hortiisuu wax ku sii sheegay, oo halkaasuu jiifay isagoo qaawan maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhan. Oo sidaas daraaddeed waxay yidhaahdaan, Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

< 1 Samweli 19 >