< 1 Wafalme 18 >
1 Kwa hiyo baada ya siku nyingi neno la BWANA likamjia Eliya, katika mwaka wa tatu wa ukame, likisema, “Nenda ukajionyeshe mwenyewe kwa Ahabu nami nitainyeshea ardhi mvua.”
Oo wakhti dheer dabadiis waxay noqotay in sannaddii saddexaad eraygii Rabbigu Eliiyaah u yimid oo uu ku yidhi, Tag oo Axaab istus, oo anna roob baan dhulka ku soo daynayaa.
2 Eliya akaenda kujionyesha mwenyewe kwa Ahabu; sasa njaa ilikuwa kali sana kule Samaria.
Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya.
3 Ahabu akamwita Obadia, aliyekuwa mkuu wa ikulu. Obadia alimheshimu sana BWANA,
Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,
4 kwa kuwa wakati Yezebeli alipokuwa akiwaua manabii wa BWANA, Obadia alichukua manabii mia akawaficha katika makundi ya hamsini hamsini katika pango na akawalisha kwa mikate na maji.
waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.)
5 Ahabu akamwambia Obadia, “Pita katika nchi yote na katika chemichemi zote za maji na vijito. Yamkini tunaweza kupata maji na nyasi ili tuwaokoa hawa farasi na nyumbu, ili tusiwakose wanyama wote.”
Markaasaa Axaab wuxuu Cobadyaah ku yidhi, Bal tag, oo dalka oo dhan dhex mar, ilaa ilaha biyaha oo dhan, iyo durdurrada oo dhan, waaba intaasoo aynu daaq helnaa, si aynu fardaha iyo baqlaha u noolayno, oo ayan cuudka oo dhammu nooga dhammaan.
6 Kwa hiyo wakaigawa nchi kati yao ili wapite kati yake wakitafuta maji. Ahabu akaenda njia yake mwenyewe na Obadia naye akaenda njia yake.
Sidaas daraaddeed dhulkii way qaybsadeen inay soo wada dhex maraan; Axaab keligiis dhan buu u sahamiyey, Cobadyaahna dhankii kaluu keligiis u sahamiyey.
7 Wakati Obadia akiwa njiani, akakutana na Eliya pasipo kutegemea. Obadia akamtambua na akalala kifudifudi chini. Akamwambia, “Ndiye wewe, bwana wangu Eliya?”
Oo bal eeg, Cobadyaah intuu jidkii sii socday ayaa waxaa ka hor yimid Eliiyaah; oo wuu aqooday, markaasuu wejiga dhulka saaray, oo wuxuu yidhi, Eliiyaahow sayidkaygiiyow, ma adigii baa?
8 Naye Eliya akamjibu, Ni mimi. Nenda umwambie bwana wako, 'Tazama, Eliya yuko hapa.'”
Markaasuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii; haddaba tag oo sayidkaagii waxaad ku tidhaahdaa, War Eliiyaah halkanuu joogaa.
9 Obadia akamjibu. “Nimekoseaje, kwamba umtoe mtumishi wako katika mkono wa Ahabu ili aniue?
Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?
10 Kama BWANA Mungu wako aishivyo, hakuna taifa wala ufalme ambapo bwana wangu hajatuma watu kukutafuta. Kila taifa au ufalme unaposema, “Eliya hayuko hapa,' Ahabu hufanya waape ni kweli hawajakuona.
Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.
11 Na sasa wewe unasema, 'Nenda, ukamwambie bwana wako kwamba Eliya yuko hapa.'
Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo.
12 Mara tu baada ya kukuacha Roho wa BWANA atakuchukua na kukupeleka mahali ambapo sitapajua. Kisha nikienda na kumwambia Ahabu, na asipokuona, ataniua. Bado, mimi, mtumishi wako, nimekuwa nikimwabudu BWANA kutoka ujana wangu.
Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii.
13 Je, haujaambiwa, bwana wangu, nilichokifanya wakati Yezebeli alipowaua manabii wa BWANA, jinsi nilivyowaficha wale manabii mia moja wa BWANA katika makundi ya hamsini kwenye pango na kuwalisha kwa mikate na maji?
Oo sayidkaygiiyow, miyaan laguu sheegin wixii aan sameeyey markii Yesebeel laysay nebiyadii Rabbiga, iyo sidaan u qariyey boqol nin oo Rabbiga nebiyadiisii ah, oo aan kontonba god geliyey, oo aan kibis iyo biyo ku quudiyey?
14 Na sasa unasema, 'Nenda umwambie bwana wako kwamba Eliya yuko hapa,' kwa hiyo ataniua.”
Oo hadda waxaad igu leedahay, Tag oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo; oo isna wuu i dilayaa.
15 Ndipo Eliya alipomjibu, “Kama vile BWANA wa majeshi aishivyo, ambaye mimi ninasimama, Kwa hakika nitajionyeshakwa Ahabu leo.”
Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada ee aan hor taagnahay noloshiisa inaan xaqiiqa maanta isaga isu muujinayo.
16 Kwa hiyo Obadia akaenda kukutana na Ahabu, nakumwambia kile Eliya alichokuwa amemwambia. Ndipo mfalme alipoenda kukutana na Eliya.
Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo.
17 Ahabu alipomwona Eliya, akamwambia, “Je, ni wewe? Wewe mtabishaji wa Israeli!”
Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?
18 Eliya akamwambia, “Mimi sijaitabisha Israeli, Lakiini wewe na familia ya baba yako ndio watabishaji kwa kuziacha amri za BWANA na kufuata sanamu za Baali.
Markaasuu u jawaabay, oo ku yidhi, Anigu dadkii Israa'iil ma aanan dhibin, laakiinse waxaa dhibay adiga iyo reerka aabbahaa, waayo, waxaad ka tagteen amarradii Rabbiga, oo weliba waxaad raacday Bacaliim.
19 Kwa hiyo sasa, Tuma neno na unikusanyie Israeli yote katika mlima Kameli, pamoja na manabii 450 wa Baali na wale manabii 400 wa Ashera wanaokula kwenye meza ya Yezebeli.”
Haddaba sidaas daraaddeed u cid dir, oo dadkii Israa'iil oo dhan, iyo Bacal nebiyadiisa ah afarta boqol iyo konton, iyo geedihii Asheeraah nebiyadooda ah afar boqol oo miiska Yesebeel wax ka cuna, kulli ku soo wada ururi Buur Karmel.
20 Kwa hiyo Ahabu akatuma neno kwa watu wote wa Israeli na akawakusanya manabii wote kwenye mlima Kameli.
Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.
21 Eliya akaja karibu na watu wote akasema, “Mtaendelea kubadilisha mawazo yenu mpaka lini? Kama BWANA ni Mungu, mfuateni yeye, Lakini kama Baali ni Mungu, basi mfuateni yeye,” Lakini watu hawakumjibu neno.
Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin.
22 Kisha Eliya akawaambia wale watu, “Mimi, pekee yangu, ndiye niliyebaki kuwa nabii wa BWANA, lakini manabii wa Baali wako 450.
Markaasaa Eliiyaah wuxuu haddana dadkii ku yidhi, Anigoo keliya ayaa ka hadhay nebiyadii Rabbiga, laakiinse Bacal nebiyadiisu waa afar boqol iyo konton nin.
23 Hebu tutoleeni ng'ombe wawili. Nao wajichagulie ng'ombe mmoja na wamchinje na kumkatakata katika vipnde, na wamweke kwenye kuni, na wasitie moto chini yake. Nami nitamwandaa yule wa pili na kumweke juu ya kuni nami sitatia moto chini yake.
Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo.
24 Kisha mtaliita jina la mungu wenu, nami nitaliita jina la BWANA, na Mungu atakayejibu kwa moto, huyo ndiye Mungu.” Watu wote wakajibu na kusema, “Hilo ni jambo jema.”
Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.
25 Kwa Eliya akawaambia manabii wa Baali, “Chagueni ng'ombe mmoja kwa ajili yenu na mwe wa kwanza kumwamdaa, kwa kuwa ninyi ni wengi, Kisha liiteni jina la mungu wenu, lakini msiwashe moto.”
Markaasaa Eliiyaah wuxuu nebiyadii Bacal ku yidhi, Bal idinku dibi doorta oo marka hore qala, dabse hoosta ha ka gelinina, oo idinku waad badan tihiine marka hore u yeedha magaca ilaahiinna.
26 Nao wakamchukua yule ng'ombe waliokuwa wamepewa na wakamwandaa, na ndipo walipoliita jina la Baali kuanzia asubuhi hadi adhuhuri, wakisema, “Baali, tusikie.” Lakini hapakuwepo na Sauti, na wala hakuna aliyejibu. Wakachezacheza kuizunguka madhabahu waliyotengeneza.
Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen.
27 Ilipofika adhuhuri Eliya akawakejeli akisema, “Mwiteni kwa nguvu! Huyo ni mungu! labda anawaza kitu, au amepumzika, au yuko safarini, au pengine amelala sharti aamshwe.”
Oo waxay duhurkii noqotay inuu Eliiyaah iyagii ku majaajilooday oo ku yidhi, War aad u qayliya; waayo, waa ilaah, oo mindhaa wuu isla tashanayaa, ama gees buu u leexday, ama socdaal buu ku maqan yahay, ama mindhaa wuu iska hurdaa oo waa in la toosiyaa.
28 Kwa hiyo wakamwita kwa nguvu, wakajikatakata kama kawaida yao ilivyokuwa, kwa upanga na nyembe, mpaka damu ikawachuruzika.
Markaasay aad u qayliyeen, oo sidii caadadoodu ahayd waxay isku jareen mindiyo iyo eebooyin ilamaa dhiig ka soo burqaday.
29 Ikawa wakati wa adhuhuri ulipopita, na bado walikuwa wakiendelea kutabiri mpaka wakati wa jioni wa kutoa dhabihu, lakini hapakuwepo na sauti wala mtu wa kuwajibu; wala hapakuwepo na yeyote wa kujibu wala wa kuangalia.
Oo markii hadhkii la dhaafay ayay sidii nebi wax sii sheegayeen ilaa wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, laakiinse cod iyo wax u jawaaba iyo wax ka dan leh midna ma jirin.
30 Kisha Eliya akawaambia watu wote, “Nisogeleeni,” na watu wote wakamsogelea. Naye akatengeneza ile madhabahu ya BWANA ambayo ilikuwa imeharibika.
Markaasaa Eliiyaah wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Haddaba ii soo dhowaada; kolkaasaa dadkii oo dhammu u soo dhowaadeen, dabadeedna meeshii allabariga ee Rabbiga ee la dumiyey ayuu hagaajiyey.
31 Eliya akachukua mawe kumi na mawili, kila jiwe moja liliwakilisha kabila moja la wana wa Yakobo - ni kupitia Yakobo kwamba neno la BWANA lilikuja, likisema, “Jina lako litakuwa Israel.”
Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil.
32 Kwa kutumia hayo mawe aliijenga ile madhabahu kwa jina la BWANA na akachimba mfereji kuizunguka ile madhabahu kubwa kiasi cha kubeba lita kumi na tano za maji.
Oo dhagxantii wuxuu meel allabari ugu dhisay magaca Rabbiga, oo meeshii allabariga hareeraheeda wuxuu ka qoday meel ku wareegsan oo qaadi karta laba qiyaas oo midho ah.
33 Kisha akaweka kuni kwa ajili ya moto na akamkatakata yule ng'ombe katika vipande vipande na akaweka vile vipande juu ya kuni. Na akasema, “Vijazeni maji hivyo vyombo na yamwageni kwenye hiyo sadaka ya kueketezwa na juu ya hizo kuni.”
Oo qoryihiina si hagaagsan buu u saaray, oo dibigiina intuu jarjaray ayuu qoryihii dul saaray. Markaasuu yidhi, Afar barmiil biyo ka soo buuxiya oo ku dul shuba qurbaanka la gubo iyo qoryahaba.
34 Akasema tena fanyeni hivyo mara ya pili,” nao wakafanya kwa mara ya pili. kisha akasema, “Fanyeni mara ya tatu,” nao wakafanya kwa mara ya tatu.
Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar labaad yeela, iyana way yeeleen mar labaad. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar saddexaad yeela, oo iyana way yeeleen mar saddexaad.
35 Maji yakaizunguka ile madhabahu na kuujaza ule mfereji.
Oo biyihii waxay qulquleen meeshii allabariga hareeraheeda, oo xataa meeshii la qodayna wuxuu ka buuxshay biyo.
36 Ikawa wakati wa kutoa dhabihu ya jioni, nabii Eliya akasogea na akasema, “BWANA, Mungu wa Abrahamu, na wa Isaka, na wa Israeli, na ijulikane leo kwamba wewe ndiye Mungu wa Israeli, na kwamba mimi ni mtumishi wako, na kwamba nimeyafanya mambo haya yote kwa jina lako.
Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey.
37 Nisikie, BWANA, nisike, ili hawa watu wajue kuwa wewe, BWANA, ndiye Mungu, na kwamba umeirudisha mioyo yao kwako tena.”
Rabbiyow, i maqal oo i maqal, inay dadkanu ogaadaan inaad adigu Ilaah tahay Rabbiyow, iyo inaad qalbigooda soo celisay.
38 Ndipo moto wa BWANA ukashuka ukairamba ile sadaka, pamoja na zile kuni, mawe na mavumbi, na kuyaramba yale maji yaliyokuwa kwenye ule mfereji.
Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.
39 watu wote walipoona haya, wakalala kifudifudi chini wakasema, “BWANA, ndiye Mungu! BWANA ndiye Mungu!
Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.
40 Kwa hiyo Eliya akawaambia, “Wakamateni manabii wa Baali. Msimwache hata mmoja wao atoroke.” Kwa hiyo wakawakamata, na Eliya akawaleta manabii wa Baali chini kwenye kijito cha Kishoni na akawaua huko.
Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi iyagii, Nebiyada Bacal qabta oo midna yuusan ka baxsan. Oo iyana way soo qabteen; markaasaa Eliiyaah wuxuu iyagii keenay durdurka Qiishoon agtiisa, oo halkaasuu iyagii ku laayay.
41 Eliya akamwambia Ahabu, “Inuka, ule na kunywa, kwa kuwa kuna sauti ya mvua kubwa.”
Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!
42 Kwa hiyo Ahabu akaenda akala na knywa. Kisha Eliya akaenda juu ya mlima Kameli, akasudu chini na akaweka uso wake katikati ya magoti.
Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda.
43 Akamwambia mtumishi wake, “Nenda sasa, utazame upande wa bahari.” mtumishi wake akaenda na akasema, “Hakuna kitu,” Eliya akamwambia, “Nenda tena, mpaka mara saba.”
Markaasuu midiidinkiisii ku yidhi, Bal tag oo badda xaggeeda fiiri. Kolkaasuu tegey oo wax fiiriyey, oo wuxuu yidhi, Waxba lama arko. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Ku noqo toddoba jeer.
44 Ile mara ya saba mtumishi wake akasema, “Tazama, kuna wingu linapanda kutoka baharini, ni dogo kama mkono wa mtu.” Eliya akamjibu, Nenda ukamwambie Ahabu, 'Andaa gari lako na ushuke kabla mvua haijakuzuia.'”
Oo waxaa dhacday inuu markii toddobaad yidhi, Waxaa badda ka kacday daruur yar oo nin gacantiis le'eg. Isna wuxuu yidhi, Orod oo waxaad Axaab ku tidhaahdaa, War, gaadhifaraskaaga diyaarso oo dhaadhac, yaan roobku ku joojine.
45 Ikatokea baada ya muda mfupi mbingu zikawa nyeusi kwa mawingu na upepo, na kulikuwa na mvua kubwa. Ahabu akapanda gari akaenda zake Yezreeli,
Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel.
46 lakini mkono wa BWANA ulikuwa juu ya Eliya. Akalikaza vazi lake kwa mshipi wake na akakimbia mbele ya Ahabu kwenye lango la Yezreeli.
Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.