< 1 Wafalme 15 >
1 Katika mwaka wa kumi na tano wa mfame Yeroboamu mwana wa Nebati, Abiya alianza kutawala juu yaYuda.
Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.
2 Alitawala kwa miaka mitata kule Yerusalemu. Jina la mama yake allikuwa Maaka. Alikuwa binti wa Absalomu.
Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah ina Abiishaaloom.
3 Naye alitembea katika dhambi zote ambazo baba yake alizifanya kabla yake; moyo wake haukuwa mkalifu kwa BWANA, Mungu wake kama moyo wa Daudi, babu yake ulivyokuwa.
Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.
4 Hata hivyo, kwa ajili ya Daudi, BWANA, Mungu wake alimpa taa Yerusalemu kwa kumwinua mwanae baada yake ili kuiimarisha Yerusalemu.
Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed,
5 Mungu alifanya haya kwa sababu Daudi alifanya yaliyo mema machoni pake; wakati wote wa uhai wake, hakugeuka wala hakukosa katika yote aliyomwamuru, isipokuwa tu swala la Uria Mhiti.
maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.
6 Sasa kulikuwa na vita kati ya Rehoboamu na Jeroboamu katika siku zote za maisha ya Abiya.
Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey cimrigiisii oo dhanba.
7 Kwa mambo mengine ya Abiya, yote aliyofanya, je, hayajaandikwa katika kitabu cha matukio ya wafalme wa Yuda? Sasa kulikuwa na vita kati ya Abiya na Yeroboamu.
Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.
8 Abiya akalala na mababu zake, nao wakamzika katika mji wa Daudi. Asa mwanae akawa mfalme mahali pake.
Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.
9 Katika mwaka wa ishirini wa Yeroboamu mfalme wa Israeli, Asa akaanza kutawala Yuda.
Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.
10 Alitawala kwa miaka arobaini na moja kule Yerusalemu. Bibi yake alikuwa Maaka, binti wa Absalomu.
Oo wuxuu Yeruusaalem boqor ka ahaa kow iyo afartan sannadood; oo hooyadiisna magaceedu wuxuu ahaa Macakaah ina Abiishaaloom.
11 Asa akafanya yaliyo mema machono mwa BWANA, kama alivyofanya Daudi, babu yake.
Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.
12 Yeye aliwafukuza kutoka katika nchi wale makahaba wa kipagani na akaziondoa sanamu zote ambazo babu zake walikuwa wametengeneza.
Oo makhnuudyadiina dalka wuu ka eryay, sanamyadii aabbihiis sameeyey oo dhanna wuu wada fogeeyey.
13 Pia alimwondoa bibi yake asiwe Malkia, kwa sababu alikuwa amefanya sanamu ya kuchukiza kwa Ashera. Asa aliikata sanamu ya kuchukiza na kuiteketeza katika Bonde la Kidroni.
Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.
14 Lakini pale mahali pa juu hapakuchukuliwa. Hata hivyo. Moyo wa Asa ulikuwa mkamilifu mbele ya BWANA katika siku zake zote.
Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba.
15 Alivirerjesha katika nyumba ya BWANA vitu vile vilivyokuwa vimetengwa kwa ajili ya BWANA, na vile vitu vyake vilivyokuwa vimetengezwa kwa fedha, na dhahabu na vyombo.
Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.
16 Basi kulikuwa na vita kati ya Asa na Baasha mfalme wa Israeli, kwa miaka yao yote.
Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
17 Baasha mfalme wa Israeli, akaivamia na kuijenga Rama, kiasi kwamba hakumruhusu yeyote kuondoka au kuingia katika nchi ya Asa mfalme wa Yuda.
Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
18 Kisha Asa akazichukua zile fedha na dhahabu zilizokuwa zimebaki kwenye hazina kwenye nyumba ya BWANA, na katika hazina ya ikulu ya mfalme. Akaziweka katika mikono ya watumishi wake na kuzituma kwa Beni Hadadi mwana wa Tabrimoni mwana wa Hezioni, mfalme wa Shamu ambaye alikuwa akishi Dameski. Akamwambia,
Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,
19 “Naomba tufanye patano kati yangu na wewe, kama ilivyokuwa kati ya baba yangu na baba yako. Tazama, Nimekutumia zawadi ya fedha na dhahabu. Ili uvunje agano lako na Baasha mfalme wa Israeli, ili kwamba aniache.”
Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.
20 Beni Hadadi akamsikiliza mfalme Asa na kutuma wakuu wa majeshi yake, nao wakaishambulia miji ya Israeli. Wakaishambulia Ijoni, Dani, Abeliya Bethi Maaka, na Kinerothi yote, pamoja na nchi yote ya Naftali.
Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan.
21 Ikawa Baasha aliposikia haya, akaacha kuijenga Rama akarudi Tirza.
Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah.
22 Kisha mfalme Asa akaitangazia Yuda yote. Hakuna aliyeachwa. Wakayabeba mawe na miti ya Rama ambayo Baasha alikuwa akijengea mji. Kisha mfalme Asa akavitumia hivyo vitu kuijenga Geba ya Benjamini na Mispa.
Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.
23 Mambo mengine yanyohusu utawala wa Asa, uwezo wake wote, yote aliyofanya, na miji aliyoijenga, je, hayakuandikwa katika kitabu cha matukio ya wafalme wa Yuda? Lakini wakati wa uzee wake alipata ugonjwa wa miguu.
Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.
24 Kisha Asa akalala na mababu zake na akazikwa pamoja nao katika mji wa Daudi baba yake. Yehoshafati mwanae akawa mfalme mahali pake.
Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad
25 Nadabu mwana wa Yerobiamu alianza kutawala huko Israeli wakati wa mwaka wa pili wa Asa mfalme wa Yuda; Aliitawala Israeli kwa miaka miwili.
Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood.
26 Akafanya yaliyo maovu mbele y a macho ya BWANA naye akatembea katika njia ya baba yake, na katika dhambi yake, aliisababisha Israeli kufanya dhambi.
Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.
27 Baasha mwana wa Ahiya, wa familia ya Isakari, akafanya hila dhidi ya Nadabu; Baasha akamwua huko Gibethoni, ambao ulikuwa mji wa Wafilisti, kwa kuwa Nadabu na Israeli walikuwa wakiuhusuru Gibethoni.
Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon.
28 Katika mwaka wa tatu wa Asa mfalme wa Yuda, Baasha alimwua Nadabu naye akawa mfalme mahali pake.
Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
29 Mara tu baad ya kuwa mfalme, Baasha aliwaua watu wote wa familia ya Yeroboamu. Hakumwacha hata mmoja wa uzao wa Yeroboamu awe hai; Kwa njia hii akawa ameuharibu ukoo wote wa kifalme, kama vile BWANA alivyokuwa amesema kupitia mtumishi wake Ahiya Mshilo,
Oo haddiiba markuu boqor noqday ayuu wada laayay reerkii Yaaraabcaam oo dhan, oo Yaaraabcaam uma uu dayn qof keliya oo neefsada, laakiinse wuu wada baabbi'iyey, sidii uu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay addoonkiisii Axiiyaah kii reer Shiiloh;
30 kwa sababu ya dhambi za Yeroboamu ambazo alifanya na akaisababishia Israeli kufanya dhambi, kwa kuwa alimkasirisha BWANA, Mungu wa Israeli.
waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil.
31 Mambo mengine yanayomhusu Nadabu, na yote aliyofanya, je, hayakuandikwa katika kitabu cha matukio ya wafalme wa Israeli?
Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?
32 Kisha kulikuwa na vita kati ya Asa na Baasha mfalme wa Israeli katika siku zao zote.
Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.
33 Katika mwaka wa tatu wa Asa mfalme wa Yuda, Baasha mwana wa Ahiya alianza kuitawala Israeli yote huko Tirza naye alitawala kwa miaka ishirini na nne.
Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.
34 Naye akafanya yaliyo mabaya katika macho ya BWANA na akatembea katika njia ya Yeroboamu na katika dhambi yake ambayo kwa hiyo aliifanya Israeli kufanya dhambi.
Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Yaaraabcaam, iyo dembigiisii uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.