< 1 Wakorintho 14 >
1 Utafuteni upendo na kutamani sana karama za rohoni, zaidi sana mpate kutoa unabii.
Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.
2 Maana yeye anenaye kwa lugha hasemi na watu bali husema na Mungu. Maana hakuna aelewaye kwa sababu anena mambo yaliyofichika katika Roho.
Waayo, kii af uusan aqoon ku hadlaa, lama hadlo dadka, wuxuuse la hadlaa Ilaah, waayo, ninna ma garto; laakiin Ruuxa ayaa waxyaalaha qarsoon kaga dhex hadliya.
3 Lakini yeye atoaye unabii, asema na watu na kuwajenga, kuwatia moyo, na kuwafariji.
Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.
4 Yeye anenaye kwa lugha hujijenga mwenyewe, lakini yeye atoaye unabii hulijenga kanisa.
Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda.
5 Sasa natamani kwamba ninyi nyote mnene kwa lugha. Lakini zaidi ya hayo, natamani ya kwamba mtoe unabii. Yeye atoaye unabii ni mkuu kuliko yeye anenaye kwa lugha (labda awepo wa kutafasiri), ili kwamba kanisa lipate kujengwa.
Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.
6 Lakini sasa, kaka na dada zangu, nikija kwenu na kunena kwa lugha, nitawafaidia nini ninyi? Siwezi, isipokuwa nasema nanyi kwa njia ya ufunuo, au kwa njia ya maarifa, au unabii, au kwa njia ya fundisho.
Laakiin hadda, walaalayaalow, haddaan idiin imaado, anigoo afaf ku hadlaya, maxaan idiin tari doonaa, haddaanan idinkula hadlin muujin ama aqoon ama wax sii sheegid ama waxbarid?
7 Ikiwa vitu visivyo na uhai kama filimbi au kinubi visipotoa sauti zilizo na tofauti, itatambulikanaje ni chombo gani kinachezwa?
Xataa waxyaalo aan naf lahayni markay dhawaaqaan, ha ahaadeen ama biibiile ama kataarad, haddaanay dhawaaqa kala soocin, sidee baa loo kala garanayaa waxa la yeedhiyo ama waxa kataaradda laga dhawaajiyo?
8 Kwa maana ikiwa baragumu itatoa sauti isiyojulikana, ni jinsi gani mtu atatambua ya kuwa ni muda wa kujiandaa kwa vita?
Hadduu buunku ku dhawaaqo cod aan la kala garan, yaa dagaal isu diyaargarayn doona?
9 Vivyo hivyo na ninyi. Mkitoa kwa ulimi neno lisilo dhahiri, ni jinsi gani mtu ataelewa mnachosema? Mtakuwa mkiongea, na hakuna atakayewaelewa.
Sidaasoo kalena idinku markaad af ku hadashaan haddaydnan ku hadlin hadal la garto, sidee baa loo garanayaa waxa lagu hadlayo? Waayo, dabayshaad la hadlaysaan.
10 Hakuna shaka kwamba kuna lugha nyingi mbalimbali duniani, na hakuna hata moja isiyo na maana.
Mindhaa waxaa dunida jira codad badan oo kala cayn ah, oo mid aan micne lahayni ma jiro.
11 Lakini ikiwa sijui maana ya lugha, nitakuwa mgeni kwake yeye anenaye, naye anenaye atakuwa mgeni kwangu.
Haddaba haddaanan garanaynin micnaha codka, waxaan kii hadlaya u ahaan doonaa nin qalaad, kan hadlayaana nin qalaad ayuu ii ahaan doonaa.
12 Vivyo hivyo na ninyi. Kwa kuwa mnatamani sana kuona uthihirisho wa Roho, takeni kwamba mzidi sana kulijenga kanisa.
Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.
13 Hivyo, yeye anenaye kwa lugha na aombe apewe kutafasiri.
Sidaa daraaddeed kii af ku hadlaa, Ilaah ha ka baryo si uu u fasiro.
14 Kwa maana nikiomba kwa lugha, roho yangu huomba, lakini akili zangu hazina matunda.
Waayo, haddaan Ilaah af aanan oqoon ku baryo, ruuxayga ayaa barya, laakiin garashadaydu faa'iido ma leh.
15 Nifanye nini? Nitaomba kwa roho yangu, lakini pia nitaomba kwa akili zangu. Nitaimba kwa roho yangu, na nitaimba kwa akili zangu pia.
Maxaa jira haddaba? Ruuxa ayaan Ilaah ku baryi doonaa, laakiin waxaan kaloo isaga ku baryi doonaa garashada. Ruuxa ayaan ku heesi doonaa, oo garashadana waan ku heesi doonaa.
16 Vinginevyo, ukimsifu Mungu kwa roho, yeye aliye mgeni ataitikaje “Amina” utoapo shukurani, akiwa hayajui usemayo?
Haddii kale haddaad ruuxa ku ducaysid, kii meesha jooga oo aan garanaynin, sidee buu u odhan doonaa, Aamiin, markaad mahadnaqaysid, hadduusan garanaynin waxaad leedahay?
17 Maana ni kweli wewe washukuru vema, lakini yule mwingine hajengwi.
Si wanaagsan baad u mahadnaqdaa, laakiin kan kale ma dhisna.
18 Namshukuru Mungu kwa kuwa nanena kwa lugha zaidi ya ninyi nyote.
Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaan afaf ku hadlo intaad dhammaantiin ku hadashaan in ka badan,
19 Lakini katika kanisa ni heri ninene maneno matano kwa ufahamu wangu ili nipate kuwafundisha wengine, zaidi ya kunena maneno kumi elfu kwa lugha.
laakiin kiniisadda dhexdeeda, meeshii aan toban kun oo eray af kaga hadli lahaa, waxaan ka jeclaan lahaa inaan shan eray garashadayda ku hadlo inaan kuwa kalena wax baro.
20 Kaka na dada zangu, msiwe watoto katika kufikiri kwenu. Badala yake, kuhusiana na uovu, iweni kama watoto wachanga. Lakini katika kufikiri kwenu mkawe watu wazima.
Walaalayaalow, carruur ha ka noqonina xagga maanka, xagga xumaantase dhallaan ka ahaada, laakiin xagga maanka dad waaweyn ka ahaada.
21 Imeandikwa katika sheria, “Kwa watu wa lugha nyingine na kwa midomo ya wageni nitasema na watu hawa. Wala hata hivyo hawatanisikia,” asema Bwana.
Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.
22 Hivyo, ndimi ni ishara, sio kwa walioamini, bali kwa wasioamini. Lakini kutoa unabii ni ishara, sio kwa wasioamini, bali kwa ajili yao waaminio.
Haddaba afafku calaamo uma aha kuwa rumaysta ee waxay calaamo u yihiin kuwa aan rumaysan, wax sii sheegidduse calaamo uma aha kuwa aan rumaysan, laakiin waxay calaamo u tahay kuwa rumaysta.
23 Haya, ikiwa kanisa lote limekusanyika pamoja na wote wanene kwa lugha, na wageni na wasioamini wameingia, je hawawezi kusema kwamba mna wazimu?
Haddaba haddii kiniisadda oo dhammu isu timaado, oo ay ku wada hadlaan afaf, oo haddii dad aan garanaynin ama aan rumaysanayni soo galaan, miyaanay odhanaynin, Waad waalan tihiin?
24 Lakini ikiwa wote mnatoa unabii na asiyeamini au mgeni akaingia, atashawishiwa na yote asikiayo. Atahukumiwa na yote yasemwayo.
Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.
25 Siri za moyo wake zingefunuliwa. Matokeo yake, angeanguka kifudifudi na kumwabudu Mungu. Angekiri ya kwamba Mungu yu kati yenu.
Waxyaalaha qarsoon ee qalbigiisa waa la muujiyaa, oo taa aawadeed wejigiisuu u dhici doonaa oo Ilaah ayuu caabudi doonaa isagoo odhanaya, Runtii Ilaah waa idin dhex joogaa.
26 Nini kifuatacho basi, kaka na dada zangu? Mnapokutana pamoja, kila mmoja ana Zaburi, mafundisho, mafunuo, lugha au tafsiri. Fanyeni kila kitu ili kwamba mlijenge kanisa.
Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.
27 Kama yeyote ananena kwa lugha, wawepo wawili au watatu, na kila mmoja katika zamu. Na mtu lazima atafasiri kilichosemwa.
Haddii nin uun af ku hadlo, ha ahaadeen laba, ama hadday u bataan, saddex, oo midba markiisa ha hadlo, midna ha fasiro,
28 Lakini kama hakuna mtu wa kutafasiri, basi kila mmoja wao akae kimya ndani ya kanisa. Basi kila mmoja aongee peke yake na kwa Mungu.
laakiin haddaan mid fasiraa jirin, kiniisadda ha ka aamusnaado, oo isagu ha la hadlo qudhiisa iyo Ilaah.
29 Na manabii wawili au watatu wanene, na wengine wasikilize kwa kupambanua kilichosemwa.
Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin.
30 Lakini aliyeketi akifunuliwa jambo katika huduma, yule ambaye alikuwa ananena na anyamaze.
Laakiin haddii wax loo muujiyo mid ag fadhiya, kii hore ha aamuso.
31 Kwa kuwa kila mmoja wenu anaweza kutoa unabii mmoja baada ya mwingine ili kwamba kila mmoja aweze kujifunza na wote waweze kutiwa moyo.
Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.
32 Kwa kuwa roho za manabii ziko chini ya uangalizi wa manabii.
Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.
33 Kwa kuwa Mungu si Mungu wa machafuko, bali wa amani. Kama ilivyo katika makanisa yote ya waumini,
Waayo, Ilaah ma aha Ilaaha iskuqasnaanta, laakiin waa kan nabadda. Kiniisadaha quduusiinta oo dhan dhexdoodana waa sidaas oo kale.
34 imewapasa wanawake wakae kimya katika kanisa. Kwa kuwa hawaruhusiwi kuzungumza. Badala yake, wanapaswa kuwa katika unyenyekevu, kama pia sheria inavyosema.
Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
35 Kama kuna chochote wanatamani kujifunza, basi wawaulize waume zao nyumbani. Kwa kuwa ni aibu kwa mwanamke kuongea katika kanisa.
Hadday doonayaan inay wax bartaan, nimankooda ha ku weyddiiyeen guriga, maxaa yeelay, waa ku ceeb naag inay kiniisadda dhexdeeda ku hadasho.
36 Je neno la Mungu lilitoka kwenu? Je limewafikia ninyi tu?
Maxaa jira! Ma idinkay ahaayeen kuwii uu ereyga Ilaah ka soo baxay, mise keligiin buu idiin yimid?
37 Kama mtu akijiona kuwa ni nabii au wa rohoni, inampasa ayatambue mambo ninayowaandikia ya kwamba ni maagizo ya Bwana.
Nin uun hadduu isu maleeyo inuu nebi yahay, ama mid Ruuxa raaca, ha garto waxyaalahaan idiin soo qorayo inay yihiin qaynuunka Rabbiga.
38 Lakini asipotambua haya, mwacheni asitambuliwe.
Nin uuni hadduusan ogayn tan, isagana lama yaqaan.
39 Hivyo basi, kaka na dada zangu, takeni sana kutoa unabii, na msimzuie mtu yeyote kunena kwa lugha.
Taa aawadeed, walaalahayow, ku dadaala inaad wax sii sheegtaan, hana diidina in afaf lagu hadlo,
40 Lakini mambo yote yatendeke kwa uzuri na kwa utaratibu.
laakiin wax walba ha loo sameeyo si habboon oo hagaagsan.