< 1 Nyakati 7 >

1 Isiakari alikuwa na wana wanne Tola, Pua, Yashubi, na Shimironi.
Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.
2 Wana wa Tola walikuwa Uzi, Refaia, Yerie, Yamai, Ibisami, Shemueli. Walikua vichwa katika nyumba za baba yao, toka uzao wa Tola na waliorodheshwa kama mashujaa hodari miongoni mwa kizazi chao. Katika siku za Daudi walikua na idadi ya 22, 600.
Wiilashii Toolacna waxay ahaayeen Cusii, iyo Refaayaah, iyo Yerii'eel, iyo Yahmay, iyo Yibsaam, iyo Shemuu'eel, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahoodii oo ahaa reer Toolac, oo qarnigoodiina rag xoog badan bay ku ahaayeen. Wakhtigii Daa'uud joogayna tiradoodu waxay ahayd laba iyo labaatan kun iyo lix boqol.
3 Mwana wa Uzi alikua Izrahia. Mwana wake alikua Michaeli, Obadia, Yoeli, na Ishia, wote watano walikua viongozi wa ukoo
Farcankii Cusiina waxay ahaayeen Yisraxyaah, iyo wiilashii Yisraxyaah oo ahaa Miikaa'eel, iyo Cobadyaah, iyo Yoo'eel, iyo Yishiyaah, oo waxay isku ahaayeen shan, dhammaantoodna waxay ahaayeen rag madax ah.
4 Pamoja nao walikua na jeshi la watu elfu thelathini na sita kwa mapambano, Kwa mujibu wa orodha zilizomilikiwa na koo za mababu zao, kwa kuwa walikuwa na wake wengi pamoja na wana.
Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.
5 Kaka zao, kabila la Isakari, walikua na wanaume wa vita themanini na saba, kwa mujibu wa orodha zilizomilikiwa na koo za mababu zao.
Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.
6 Wana watatu wa Benjamini walikuwa Bela, Beka, na Yediaeli.
Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.
7 Wana watano wa Bela walikuwa Ezibono, Uzi, Uzieli, Yerimoti, na Iri. Walikua ni wanajeshi na waanzilishi wa koo. Watu wao walikuwa na idadi ya wanaume wa vita 22, 034, kwa mujibu wa orodha zilizomilikiwa na koo za mababu zao.
Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.
8 Wana wa Beka walikuwa Zemira, Yoashi, Elieza, Elionai, Omri, Yeremoti, Abiya, Anatoti, na Alemeti. Wote hawa walikuwa wana wake.
Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.
9 Orodha ya koo zao ilikua na idadi ya 20, 200 viongozi wa familia na wanaume wa vita.
Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
10 Mwana wa Yediaeli alikuwa Bilhani. Wana wa Bilhani walikuwa Yeushi, Benjamini, Ehudi, Kenaana, Zetani, Tarishishi, na Ahishahari.
Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.
11 Wote hawa waikuwa wana wa Yediaeli. Waliorodheshwa katika ukoo orodha ilikuwa 17, 200 viongozi na wanaume wa vita imara kwa kazi ya jeshi.
Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,
12 (Shupimu na Hupimu walikuwa wana wa Iri, na Hushimu alikuwa mwana wa Aheri.)
iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.
13 Wana wa Naftali walikuwa Yazieli, Guni, Yezeri, na Shalumu. Hawa walikuwa wajukuu wa Bilhahi.
Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.
14 Manasse alikua na mtoto wa kiume aliitwa Asrieli, Ambaye suria wake wa Kiaramia alimzalia. Pia alimzaa na Makiri, baba wa Gileadi.
Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,
15 Makiri alimchukua mke wake kutoka Hupite na Shupite. Jina la dada yake lilikuwa Maaka. Mwingine wa uzao wa Manasse alikuwa Zalofehadi, ambaye alikuwa na mabinti pekee.
Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.
16 Maaka mke wa Makiri, alimzaa mwana na alimuita Pereshi. Kaka yake aliitwa Shereshi, na wana wake walikuwa Ulamu na Rakemu.
Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.
17 Mwana wa Ulami alikuwa Bedani. Hawa walikuwa uzao wa Gileadi mwana wa Makiri mwana wa Manase.
Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.
18 Dada wa Gileadi Hamoleketi alimzaa Ishihodi, Abi Ezeri, na Mahila.
Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.
19 Wana wa Shemida walikuwa Ahiana, Shekemu, Liki, na Aniamu.
Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.
20 Uzao wa Efraimu ulikuwa kama ifuatavyo: Efraimu mwana wa Shutela. Shutela mwana wa Beredi. Beredi mwana wa Tahati.
Farcankii Efrayimna waxay ahaayeen Shuutelax oo dhalay Bered, oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Elcaadaah, oo isna dhalay Taxad,
21 Tahati mwana wa Eleada. Eleada mwana wa Shutela. (Eza na Eleadi waliuawa na wanaume wa Gati, wenyeji wa nchi, walipoenda kuiba mifugo yao.
oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
22 Efraimu baba yao aliomboleza kwa siku nyingi, na kaka zake walikuja kumfariji.
Oo aabbahood Efrayimna maalmo badan ayuu aawadood u barooranayay, laakiinse waxaa isaga u yimid walaalihiis inay tacsiyeeyaan.
23 Alilala na mkewe. Akapata mimba akamzaa mwana. Efraimu akamuita Beria, kwa sababu maafa yalishakuja nyumbani mwake.
Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.
24 Binti yake alikuwa Sheera, ambaye alijenga miji juu na chini Beth Horon na Uzzen Sheerah.)
Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
25 Mwana wake alikuwa Rafa. Mwana wa Rafa alikuwa Reshefi. Mwana wa Reshafi alikuwa Tela. Mwana wa Tela alikuwa Tahani.
Oo wuxuu dhalay Refax, oo isna dhalay Reshef, iyo wiilkiisii Telax, oo isna dhalay Tahan,
26 Mwana wa Tahani alikuwa Ladani. Mwana wa Ladani alikuwa Amihudi. Mwana wa Amihudi alikuwa Elishama.
oo isna dhalay Lacdaan, oo isna dhalay Cammiihuud, oo isna dhalay Eliishaamaa,
27 Mwana wa Elishama alikuwa Nuni. Mwana wa Nuni alikuwa Joshua.
oo isna dhalay Nuun, oo isna dhalay Yashuuca.
28 Mali zao na makazi yao yalikuwa Betheli na yalizungukwa na vijiji. Waliongeza upande wa mashariki hadi Naarani na upande wa magharibi hadi Gezeri na vijiji vyake, na Shekemu na vijiji vyake hadi Aya na vijiji vyake.
Oo hantidoodii iyo hoygoodiiba waxay ahaayeen Beytel iyo magaalooyinkeeda, iyo xagga bari Nacaraan, iyo xagga galbeed Geser, iyo magaalooyinkeeda, iyo weliba Shekem iyo magaalooyinkeedii, iyo Casaah iyo magaalooyinkeedii,
29 Katika mipaka pamoja na Manasse kulikuwa na Beti shani na vijiji vyake, Taanaki na vijiji vyake, Megido na vijiji vyake, na Dori na vijiji vyake. Katika huu mji waliishi uzao wa Josefu mwana wa Israeli.
iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.
30 Wana wa Asha walikuwa Imna, Ishiva, Ishivi, na Beria. Sera alikuwa dada yao.
Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.
31 Wana wa Beria walikuwa Heberi na Malchieli, Ambaye alikuwa baba wa Birzaiti.
Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.
32 Wana wa Heberi walikuwa Yafeti, Shomer, na Hotamu. dada yao alikuwa Shua.
Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.
33 Wana wa Yafeti walikuwa Pasach, Bimhali, na Ashivati. hawa walikuwa watoto wa yafeti.
Wiilashii Yafleedna waxay ahaayeen Faasag, iyo Bimhaal, iyo Cashwaad. Intaasu waa ilma Yafleed.
34 shoma, kaka wa Yafeti alikuwa na wana hawa: Roga, Yehuba, Aram.
Wiilashii Shemerna waxay ahaayeen Axii, iyo Raahgaah, iyo Yehubbaah, iyo Araam.
35 Kaka yake Shema, Helemu, alikuwa na wana hawa: Zofa, Imna, Sheleshi na Amali.
Oo walaalkiisii Xeelem wiilashiisiina waxay ahaayeen Soofax, iyo Yimnaac, iyo Sheelesh iyo Caamaal.
36 Wana wa Zofa walikuwa Sua, Harinefa, Shua, Beri, IMra,
Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,
37 Beza, Hodi, Shamma, Shilsha, Ithrani, na Beera.
iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.
38 Wana wa Yeta walikuwa Jefune, Pispa, na Ara.
Wiilashii Yeterna waxay ahaayeen Yefunneh, iyo Fisfaah, iyo Araa.
39 Wana wa Ulla walikwa Ara, Hannieli, na Rizia.
Wiilashii Cullaana waxay ahaayeen Aarax, iyo Xannii'eel, iyo Risyaa.
40 Hawa wote walikuwa uzao wa Asha. Walikua mababu wa ukoo, viongozi wa familia, wananume wa kipekee, wanaume wa vita, na machifu kati ya viongozi. Kulikuwa na wanaume elfu ishirini na sita walioorodheshwa waliokuwa imara kwa kazi ya jeshi, kwa mujibu wa idadi iliyo orodheshwa.
Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

< 1 Nyakati 7 >