< 1 Nyakati 18 >
1 Baada ya haya Daudi akawashambulia Wafilisti na kuwashinda. Alichukuwa Gathi na vijiji vyake katika utawala wa Wafilisti.
Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay oo jebiyey, oo Gad iyo magaalooyinkeediiba gacantii reer Falastiin wuu ka qaaday.
2 Kisha akamshinda Moabu, na Wamoabu wakawa watumishi wa Daudi na wakamlipa ushuru maalumu.
Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
3 Daudi kisha akamshinda Hadadezeri, mfalme wa Zoba huko Hamathi, wakati Hadadezeri alipo kuwa akisafiri kuimarisha utawala wake kwa Mto wa Frati.
Oo ilaa Xamaad Daa'uud wuxuu dilayay boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, intuu ku socday inuu dowladnimadiisa ku ag dhiso Webi Yufraad.
4 Daudi akateka magari ya farasi elfu, wanaume wa farasi elfu saba, na wanajeshi wa miguu elfu ishirini. Daudi aliwajeruhi farasi wote wagari, lakini akahifadhi baadhi kwa ajili ya magari ya farasi mia moja.
Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun gaadhifaras, iyo toddoba kun oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah, oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse boqol gaadhifaras buu uga reebay.
5 Waaramia wa Damasko walipo kuja kumsaidia Hadadezeri mfalme wa Zoba, Daudi aliua wanaume elfu ishirini na mbili wa Kiaramia.
Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, Daa'uud wuxuu iyagii ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.
6 Kisha Daudi akaweka vikosi huko Aramu ya Damasko, na Waaramia wakawa watumishi wake na wakamletea ushuru maalaumu. Yahweh alimpatia Daudi ushindi popote alipoenda.
Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
7 Daudi alichukua ngao za dhahabu zilizo kuwa kwa watumishi wa Hadadezeri na kuleta Yerusalemu.
Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
8 Kutoka Tibhathi na Kuni, miji ya Hadadezeri, Daudi alichukuwa shaba nyingi sana. Ilikuwa shaba hii ambayo baadae Sulemani alifanya saani ya shaba, nguzo, na vifaa vya shaba.
Oo magaalooyinkii Hadarceser oo ahaa Tibxad iyo Kuun Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad u badan, taasoo uu Sulaymaan ka sameeyey berkeddii naxaasta ahayd iyo tiirarkii iyo weelashii naxaasta ahaa.
9 Wakati Toi, mfalme wa Hamathi, alipo sikia kuwa Daudi ameshinda majeshi yote ya Hadadezeri mfalme wa Zoba,
Oo Tocuu oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay Hadarceser oo ahaa boqorkii Soobaah ciidankiisii oo dhan
10 Toi akamtuma Hadoramu mwanae kwa Mfalme Daudi kumsalimia na kumbariki, kwasababu Daudi amepigana na Hadadezeri na kumshinda, na kwasababu Hadadezeri alifanya vita na Toi. Hadoramu alipeleka vifaa vya fedha, dhahabu, na shaba.
ayuu Daa'uud wiilkiisii Hadooraam u soo diray inuu soo salaamo oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadarceser, waayo, Hadarceser wuxuu la diriri jiray Tocuu, oo wuxuu keenay weelal cayn kasta ah oo ah dahab iyo lacag iyo naxaasba.
11 Mfalme Daudi alivitenga hivi vitu kwa ajili ya Yahweh, pamoja na fedha na dhahabu aliyo ibeba kutoka kwa mataifa yote: Edomu, Moabu, watu wa Amoni, Wafilisti, na Waamaleki.
Oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu ka soo dhacay quruumihii oo dhan, kuwaasoo ahaa reer Edom, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq.
12 Abishai mwana wa Zeruia akawaua Waedomi elfu kumi na nane katika Bonde la Chumvi.
Oo weliba Abiishay oo ay Seruuyaah dhashayna wuxuu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo toban kun oo nin.
13 Alieka vikosi huko Edomu, na Waedomi wote wakawa watumishi wa Daudi. Yahweh alimpa Daudi ushindi pote alipoenda.
Oo isna wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
14 Daudi alitawala Israeli yote, na alitenda haki na utaua kwa watu wote.
Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey, oo wuxuu dadkiisa oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
15 Yoabu mwana wa Zeruia walikuwa mkuu wa jeshi, na Yehoshafati mwana wa Ahiludi alikuwa mtunza kumbukumbu.
Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
16 Zadoki mwana wa Ahitubi na Ahimeleki mwana wa Abiathari walikuwa makuhani, na Shavisha alikuwa mwandishi.
oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.
17 Benaia mwana wa Yehoiada alikuwa mwangalizi wa Wakerethi na Wapelethi, na wana wa Daudi walikuwa washauri wakuu wa mfalme.
Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.