< 1 Nyakati 10 >

1 Wafilisti wakapigana dhidi ya Israeli. Kila mwanaume wa Israeli alikimbia Wafilisti na kuanguka na kufa katika Mlima Giliboa.
Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.
2 Wafilisti waliwakimbiza Sauli na mwanae. Waflisti walimuua Yonathani, Abinadabu, na Malichishua, wana wake.
Oo reer Falastiin aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Malkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.
3 Pambano lilikuwa zito kwa Sauli, na wapiga mishale wakamshambulia. Alipatwa na maumivu makali sababu ya wapiga mishale.
Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.
4 Kisha Sauli akasema kwa mbeba ngao wake, “Vuta upanga wako na unichome nao. Lasihivyo, hawa wasio tahiriwa watukuja na kunitesa”. Lakini mbeba ngao wake hakutaka, kwa kuwa aliogopa sana. Kwa hiyo Sauli akachukuwa upanga wake na kuuangukia.
Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
5 Mbeba ngao alivyoona kuwa Sauli amekufa, naye akaangukia upanga wake na kufa.
Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna dhintay.
6 Kwaiyo Sauli akafa, na wana wake watatu, wote wa nyumba yake wakafa pamoja.
Sidaas daraaddeed waxaa wada dhintay Saa'uul iyo saddexdiisii wiil, oo reerkiisii oo dhammu way wada dhinteen.
7 Kila mwanaume wa Israeli katika bonde alivyoona kuwa wamekimbia, na Sauli na wana wake wamekufa, walitelekeza miji yao na kukimbia. Kisha Wafilisti wakaja na kuishi humo.
Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxada joogay oo dhammu markay arkeen inay iyagu carareen, oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkoodii ka tageen, oo carareen, markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.
8 Ikawa siku inayofuata, Wafilisti walipo kuja kukagua wafu, walimkuta Sauli na wana wake wameanguka katika Mlima Giliboa.
Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay.
9 Wakamvua nguo zote na kuchukuwa kichwa chake na ngao yake. Wakatuma wajumbe wapeleke habari Filistia yote kwa miungu yao na watu wote.
Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba.
10 Ngao yake wakaeka ndani ya hekalu la miungu yao, na kichwa chake waka kining'iniza katika hekalu la Dagoni.
Oo hubkiisiina gurigii ilaahyadooda ayay dhigeen, oo madaxiisiina waxay ku dhejiyeen gurigii Daagoon.
11 Yabeshi Gileadi yote ilipo sikia Wafilisti waliyo mtendea Sauli,
Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad oo dhammu markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen oo dhan,
12 wanaume wote wa vita wakaenda na kuchukuwa mwili wa Sauli na hiyo ya wanae, na kuirejesha Yabeshi. Walizika mifupa yao chini ya mti huko Yabeshi na wakafunga siku saba.
waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo waxay soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay keeneen Yaabeesh, oo lafahoodii waxay ku aaseen geedkii Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.
13 Kwaiyo Sauli akafa kwa kuwa hakuwa mwaminifu kwa Yahweh. Hakutii maelekezo ya Yahweh, lakini akauliza ushauri kwa mtu anaye ongea na wafu.
Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto,
14 Hakutafuta mwongozo kwa Yahweh, hivyo Yahweh akamua na kupindua ufalme kwa Daudi mwana wa Yese.
oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.

< 1 Nyakati 10 >