< Zekaria 3 >

1 Kisha akanionyesha Yoshua, kuhani mkuu, akiwa amesimama mbele ya malaika wa Bwana, naye Shetani amesimama upande wake wa kuume ili amshtaki.
Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.
2 Bwana akamwambia Shetani, “Bwana akukemee Shetani! Bwana, ambaye ameichagua Yerusalemu, akukemee! Je, mtu huyu siyo kijinga kinachowaka kilichonyakuliwa kwenye moto?”
Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay?
3 Wakati huu, Yoshua alikuwa amevaa nguo chafu alipokuwa amesimama mbele ya malaika.
Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii.
4 Malaika akawaambia wale waliokuwa wamesimama mbele yake, “Mvueni hizo nguo zake chafu.” Kisha akamwambia Yoshua, “Tazama, nimeiondoa dhambi yako, nami nitakuvika mavazi ya kitajiri.”
Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan.
5 Kisha nikasema, “Mvike kilemba kilicho safi kichwani mwake.” Kwa hiyo wakamvika kilemba safi kichwani na kumvika yale mavazi mengine, wakati malaika wa Bwana akiwa amesimama karibu.
Oo anna markaasaan idhi, Duub daahirsan madaxa ha loo saaro. Markaasaa duub daahirsan madaxa loo saaray, oo dhar baa loo xidhay, oo malaggii Rabbiga ayaa ag istaagay.
6 Malaika wa Bwana akamwamuru Yoshua:
Markaasaa malaggii Rabbigu u caddeeyey Yashuuca, oo wuxuu ku yidhi,
7 “Hivi ndivyo asemavyo Bwana Mwenye Nguvu Zote: ‘Ikiwa utakwenda katika njia zangu na kushika masharti yangu, basi utaitawala nyumba yangu na kuwa na amri juu ya nyua zangu, nami nitakupa nafasi miongoni mwa hawa wasimamao hapa.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid.
8 “‘Sikiliza, ee Yoshua kuhani mkuu, pamoja na wenzako walioketi mbele yako, ambao ni watu walio ishara ya mambo yatakayokuja: Ninakwenda kumleta mtumishi wangu, Tawi.
Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.
9 Tazama, jiwe nililoliweka mbele ya Yoshua! Kuna macho saba juu ya jiwe lile moja, nami nitachora maandishi juu yake,’ asema Bwana Mwenye Nguvu Zote, ‘nami nitaiondoa dhambi ya nchi hii kwa siku moja.
Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa.
10 “‘Katika siku hiyo kila mmoja wenu atamwalika jirani yake akae chini ya mzabibu wake na mtini wake,’ asema Bwana Mwenye Nguvu Zote.”
Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

< Zekaria 3 >