< Zekaria 1 >

1 Katika mwezi wa nane wa mwaka wa pili wa utawala wa Mfalme Dario, neno la Bwana lilimjia nabii Zekaria mwana wa Berekia, mwana wa Ido, kusema:
Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii siddeedaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
2 “Bwana aliwakasirikia sana baba zako wa zamani.
Rabbigu aad buu awowayaashiin ugu cadhooday.
3 Kwa hiyo waambie watu: Hivi ndivyo Bwana Mwenye Nguvu Zote asemavyo: ‘Nirudieni mimi,’ asema Bwana Mwenye Nguvu Zote, ‘nami nitawarudia ninyi,’ asema Bwana Mwenye Nguvu Zote.
Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
4 Msiwe kama baba zenu, ambao manabii waliotangulia waliwatangazia: Hivi ndivyo Bwana Mwenye Nguvu Zote asemavyo: ‘Geukeni, mziache njia zenu mbaya na matendo yenu maovu.’ Lakini hawakunisikiliza wala kufuata maelekezo yangu, asema Bwana.
Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
5 Wako wapi baba zako sasa? Nao manabii, je, wanaishi milele?
Bal meeye awowayaashiin? Nebiyaduse miyey weligood iska noolaadaan?
6 Je, maneno yangu na amri zangu nilizowaagiza manabii watumishi wangu, hayakuwapata baba zenu?” “Kisha walitubu na kusema, ‘Bwana Mwenye Nguvu Zote ametutenda sawasawa na njia zetu na matendo yetu yalivyostahili, kama alivyokusudia kufanya.’”
Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
7 Katika siku ya ishirini na nne ya mwezi wa kumi na moja, yaani mwezi uitwao Shebati, katika mwaka wa pili wa utawala wa Mfalme Dario, neno la Bwana lilimjia nabii Zekaria mwana wa Berekia mwana wa Ido.
Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
8 Wakati wa usiku nilipata maono, mbele yangu alikuwepo mtu akiendesha farasi mwekundu! Alikuwa amesimama katikati ya miti ya mihadasi kwenye bonde. Nyuma yake walikuwepo farasi wekundu, wa kikahawia na weupe.
Habeenkii waxaan arkay oo ii muuqday nin faras xamar ah fuushan, oo wuxuu dhex istaagay geedaha hadaaska la yidhaahdo oo meel hoos leh ku yiil, oo gadaashiisana waxaa joogay fardo kale oo midabkoodu yahay xamar iyo midab dibicyo leh iyo caddaan.
9 Nikauliza, “Hivi ni vitu gani bwana wangu?” Malaika aliyekuwa akizungumza na mimi akanijibu, “Nitakuonyesha kuwa ni nini.”
Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.
10 Kisha yule mtu aliyesimama katikati ya miti ya mihadasi akaeleza, “Ni wale ambao Bwana amewatuma waende duniani kote.”
Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan.
11 Nao wakatoa taarifa kwa yule malaika wa Bwana, aliyekuwa amesimama katikati ya miti ya mihadasi, “Tumepita duniani kote na kukuta ulimwengu wote umepumzika kwa amani.”
Oo iyana waxay u jawaabeen malaggii Rabbiga oo geedaha hadaaska ah dhex taagnaa oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulkii hore iyo dibba waannu u dhex marnay, oo bal eeg, dhulkii oo dhammu wuu deggan yahay oo wuu xasilloon yahay.
12 Kisha malaika wa Bwana akasema, “Bwana Mwenye Nguvu Zote, utazuia mpaka lini rehema kutoka Yerusalemu na miji ya Yuda, ambayo umeikasirikia kwa miaka hii sabini?”
Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?
13 Kwa hiyo Bwana akazungumza maneno ya upole na ya kufariji kwa malaika aliyezungumza nami.
Markaasaa Rabbigu malaggii ila hadlay ugu jawaabay erayo wanaagsan oo qabow.
14 Kisha malaika yule aliyekuwa akizungumza nami akasema, “Tangaza neno hili: Hili ndilo Bwana Mwenye Nguvu Zote asemalo: ‘Nina wivu sana kwa ajili ya Yerusalemu na Sayuni,
Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.
15 lakini nimeyakasirikia sana mataifa yanayojisikia kuwa yako salama. Nilikuwa nimewakasirikia Israeli kidogo tu, lakini mataifa hayo yaliwazidishia maafa.’
Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.
16 “Kwa hiyo, hivi ndivyo asemavyo Bwana: ‘Nitairudia Yerusalemu kwa rehema na huko nyumba yangu itajengwa tena. Nayo kamba ya kupimia itanyooshwa Yerusalemu,’ asema Bwana Mwenye Nguvu Zote.
Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
17 “Endelea kutangaza zaidi kwamba: Hivi ndivyo asemavyo Bwana Mwenye Nguvu Zote: ‘Miji yangu itafurika tena ustawi na Bwana atamfariji tena Sayuni na kumchagua Yerusalemu.’”
Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.
18 Kisha nikatazama juu, na pale mbele yangu nikaona pembe nne!
Oo indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay afar gees.
19 Nikamuuliza yule malaika aliyekuwa akizungumza nami, “Ni nini hivi?” Akanijibu, “Hizi ni zile pembe zilizowatawanya Yuda, Israeli na Yerusalemu.”
Oo anna waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Waa maxay kuwanu? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemba.
20 Kisha Bwana akanionyesha mafundi wanne.
Markaasaa Rabbigu wuxuu i tusay afar tumaal.
21 Nikauliza, “Hawa wanakuja kufanya nini?” Akanijibu, “Hizi ndizo pembe zilizowatawanya Yuda ili asiwepo atakayeweza kuinua kichwa chake, lakini mafundi wamekuja kuzitia hofu na kuzitupa chini hizi pembe za mataifa ambayo yaliinua pembe zao dhidi ya nchi ya Yuda na kuwatawanya watu wake.”
Kolkaasaan idhi, Kuwanu maxay u yimaadeen inay sameeyaan? Oo isna wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah si aan ninna madaxiisa ugu qaadin aawadeed. Laakiinse kuwanu waxay haatan u yimaadeen inay ka argaggixiyaan, oo ay hoos u tuuraan quruumaha geesahooda kor ugu qaaday dalka Yahuudah inay kala firdhiyaan.

< Zekaria 1 >