< Zaburi 48 >

1 Wimbo. Zaburi ya wana wa Kora. Bwana ni mkuu, anayestahili kusifiwa sana, katika mji wa Mungu wetu, mlima wake mtakatifu.
Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2 Ni mzuri katika kuinuka kwake juu sana, furaha ya dunia yote. Kama vilele vya juu sana vya Safoni ni Mlima Sayuni, mji wa Mfalme Mkuu.
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3 Mungu yuko katika ngome zake; amejionyesha mwenyewe kuwa ngome yake.
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4 Wakati wafalme walipounganisha nguvu, waliposonga mbele pamoja,
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
5 walimwona nao wakashangaa, wakakimbia kwa hofu.
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6 Kutetemeka kuliwashika huko, maumivu kama ya mwanamke mwenye utungu wa kuzaa.
Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7 Uliwaangamiza kama meli za Tarshishi zilizovunjwa na upepo wa mashariki.
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
8 Kama tulivyokuwa tumesikia, ndivyo tulivyoona katika mji wa Bwana Mwenye Nguvu Zote, katika mji wa Mungu wetu: Mungu ataufanya uwe salama milele.
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9 Ee Mungu, hekaluni mwako tunatafakari upendo wako usiokoma.
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ee Mungu, kama jina lako lilivyo, sifa zako zinafika hadi miisho ya dunia, mkono wako wa kuume umejazwa na haki.
Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Mlima Sayuni unashangilia, vijiji vya Yuda vinafurahi kwa sababu ya hukumu zako.
Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Tembeeni katika Sayuni, uzungukeni mji, hesabuni minara yake;
Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
13 yatafakarini vyema maboma yake, angalieni ngome zake, ili mpate kusimulia habari zake kwa kizazi kijacho.
Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Kwa kuwa huyu Mungu ni Mungu wetu milele na milele; atakuwa kiongozi wetu hata mwisho.
Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

< Zaburi 48 >