< Zaburi 30 >

1 Utenzi wa kuweka wakfu hekalu. Zaburi ya Daudi. Nitakutukuza wewe, Ee Bwana, kwa kuwa umeniinua kutoka vilindi, na hukuacha adui zangu washangilie juu yangu.
Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Ee Bwana, Mungu wangu, nilikuita unisaidie na wewe umeniponya.
Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Ee Bwana, umenitoa Kuzimu, umeniokoa nisishuke kwenye shimo la mauti. (Sheol h7585)
Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin. (Sheol h7585)
4 Mwimbieni Bwana, enyi watakatifu wake; lisifuni jina lake takatifu.
Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Kwa maana hasira yake ni ya muda mfupi, bali upendo wake hudumu siku zote. Inawezekana kilio kiwepo usiku kucha, lakini asubuhi kukawa na furaha.
Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Nilipofanikiwa nilisema, “Sitatikiswa kamwe.”
Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Ee Bwana, uliponijalia, uliuimarisha mlima wangu, lakini ulipouficha uso wako nilifadhaika.
Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Kwako wewe, Ee Bwana, niliita, kwa Bwana niliomba rehema:
Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 “Kuna faida gani katika kuangamia kwangu? Katika kushuka kwangu shimoni? Je, mavumbi yatakusifu? Je, yatatangaza uaminifu wako?
Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Ee Bwana, unisikie na kunihurumia, Ee Bwana, uwe msaada wangu.”
Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Uligeuza maombolezo yangu kuwa kucheza, ulinivua nguo za gunia ukanivika shangwe,
Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 ili moyo wangu uweze kukusifu na usikae kimya. Ee Bwana Mungu wangu, nitakushukuru milele.
Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.

< Zaburi 30 >