< Nehemia 2 >

1 Katika mwezi wa Nisani mwaka wa ishirini wa utawala wa Mfalme Artashasta, wakati divai ilipoletwa kwake, niliichukua na kumpa mfalme. Sikuwahi kuonekana mwenye huzuni mbele yake kabla ya hapo.
Bishii Niisaan oo ahayd sannaddii labaatanaad oo boqor Artaxshasta, iyadoo khamri hor yaal isaga ayaan khamrigii qaaday oo boqorkii siiyey. Hadda ka hor anigu boqorka hortiisa caloolxumo kuma joogi jirin.
2 Basi mfalme akaniuliza, “Kwa nini uso wako unaonekana una huzuni wakati wewe si mgonjwa? Jambo hili si kitu kingine bali ni huzuni ya moyo.” Niliogopa sana,
Oo boqorkii wuxuu igu yidhi, War maxaa wejigaagu u murugaysan yahay adigoo aan bukayn? Tanu wax kale ma aha waase tiiraanyo qalbiga ku jirta. Markaasaan aad u baqay,
3 lakini nikamwambia mfalme, “Mfalme na aishi milele! Kwa nini uso wangu usiwe na huzuni wakati mji walipozikwa baba zangu umebaki magofu, na malango yake yameteketezwa kwa moto?”
oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, weligaaba noolow. Bal maxaa wejigaygu la murugaysnaan waayay, iyadoo magaalada ah meeshii awowayaashay xabaalahoodu ahaayeen ay baabba' tahay, oo irdaheediina dab lagu gubay?
4 Mfalme akaniambia, “Je, haja yako ni gani?” Ndipo nikaomba kwa Mungu wa mbinguni,
Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay.
5 na nikamjibu mfalme, “Kama ikimpendeza mfalme, na kama mtumishi wako amepata kibali machoni pake, anitume kule mji wa Yuda, mahali baba zangu walipozikwa, ili niweze kuujenga upya.”
Oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, hadday ku farxiso, oo haddaad raalli iga tahay anoo addoonkaaga ah, waxaan doonayaa inaad ii dirtid dalka Yahuudah oo ay ku taal magaalada awowayaashay xabaalahoodu yihiin, inaan dhiso.
6 Kisha mfalme, na malkia akiwa ameketi karibu naye, akaniuliza, “Safari yako itachukua muda gani, nawe utarudi lini?” Ilimpendeza mfalme kunituma, kwa hiyo nikapanga muda.
Kolkaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, (iyadoo boqoraddiina agtiisa fadhido) Sodcaalkaagu tan iyo goormuu ahaanayaa? Goormaadse soo noqonaysaa? Markaasuu boqorku ku farxay inuu i diro; oo waxaan u qabtay wakhti.
7 Pia nikamwambia, “Kama ikimpendeza mfalme, naomba nipewe barua kwa watawala wa Ngʼambo ya Frati, ili wanipe ulinzi mpaka nifike Yuda.
Oo weliba waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, haddaad raalli ka tahay, ha lay siiyo warqado aan u geeyo taliyayaasha webiga ka shisheeya, si ay igu oggolaadaan inaan dhex maro dalkooda ilaa aan gaadho dalka Yahuudah;
8 Naomba nipewe barua nipeleke kwa Asafu, mtunzaji wa msitu wa mfalme, ili anipe miti ya kutengeneza boriti kwa ajili ya malango ya ngome ya Hekalu, na ukuta wa mji, na makao yangu nitakapoishi.” Kwa kuwa mkono wenye neema wa Mungu wangu ulikuwa juu yangu, mfalme akanijalia ombi langu.
iyo warqad kaloo aan siiyo Aasaaf oo ah kan dhawra dhirta boqorka, si uu ii siiyo alwaax aan ku sameeyo waxa haya saqafka irdaha qalcadda ee guriga u dhow, iyo derbiga magaalada iyo guriga aan geli doono. Oo boqorkiina wuu ii wada oggolaaday sidii ay gacantii wanaagsanayd ee Ilaahay ii saarnayd.
9 Basi nilienda kwa watawala wa Ngʼambo ya Frati na kuwapa barua za mfalme. Pia mfalme alikuwa ametuma maafisa wa jeshi na askari wapanda farasi pamoja nami.
Markaasaan u imid taliyayaashii webiga ka shisheeyey, oo iyagii siiyey warqadihii boqorka. Oo weliba waxaa boqorku igu daray saraakiil ciidanka ka tirsan iyo fardooley.
10 Sanbalati Mhoroni na Tobia afisa Mwamoni waliposikia juu ya jambo hili, waliudhika sana kwamba amekuja mtu kuinua ustawi wa Waisraeli.
Oo Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon markay maqleen inuu yimid nin doonaya wanaagga reer binu Israa'iil ayay aad iyo aad u murugoodeen.
11 Nilienda Yerusalemu, na baada ya kukaa huko siku tatu,
Markaasaan Yeruusaalem imid, oo halkaasaan saddex maalmood iska joogay.
12 nikaondoka wakati wa usiku pamoja na watu wachache. Sikuwa nimemwambia mtu yeyote kile ambacho Mungu wangu alikuwa ameweka moyoni mwangu kufanya kwa ajili ya Yerusalemu. Hapakuwepo na mnyama yeyote pamoja nami isipokuwa yule niliyekuwa nimempanda.
Oo habeennimadii ayaan kacay, anigoo ay dhawr nin ila socdaan, oo ninna uma aan sheegin waxa Ilaahay qalbigayga geliyey inaan Yeruusaalem u sameeyo. Oo neefna ilama jirin neefkii aan fuushanaa mooyaane.
13 Nikatoka nje usiku kupitia Lango la Bondeni, kuelekea Kisima cha Joka na Lango la Samadi, nikikagua kuta za Yerusalemu zilizokuwa zimebomolewa, na malango yake yaliyokuwa yameteketezwa kwa moto.
Oo habeennimo ayaan ka baxay Iriddii Dooxada, oo ku tiil xagga Ceelkii Maska, oo waxaan maray xagga Iriddii Digada, waanan fiiriyey derbiyadii Yeruusaalem oo wada dunsanaa, iyo irdaheedii dabka lagu gubay.
14 Kisha nikaelekea mpaka Lango la Chemchemi na Bwawa la Mfalme, lakini hapakuwepo nafasi ya kutosha kwa ajili ya mnyama wangu kupita,
Oo haddana waxaan tegey Iriddii Isha biyaha iyo xaggii Balligii Boqorka; laakiinse neefkii aan fuushanaa meeluu maro ma jirin.
15 kwa hiyo nikapandia bondeni usiku nikikagua ukuta. Mwishoni nikarudi na kuingia tena kupitia Lango la Bondeni.
Oo haddana waxaan habeennimo tegey xaggii durdurka, oo derbigii baan fiiriyey, kolkaasaan dib u noqday, oo magaaladii ka soo galay xaggii Iriddii Dooxada, oo saasaan u soo noqday.
16 Maafisa hawakujua nilikokwenda wala nilichokuwa nikifanya, kwa sababu mpaka sasa nilikuwa bado sijasema lolote kwa Wayahudi, wala makuhani, wala wakuu, wala maafisa, wala mtu yeyote ambaye angefanya kazi.
Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.
17 Ndipo nilipowaambia, “Mnaona taabu tuliyo nayo: Yerusalemu imebaki magofu na malango yake yameteketezwa kwa moto. Njooni tujenge upya ukuta wa Yerusalemu, nasi hatutakuwa tena katika aibu hii.”
Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.
18 Pia niliwaambia kuhusu mkono wenye neema wa Mungu wangu uliokuwa juu yangu, na kile mfalme alichokuwa ameniambia. Wakajibu, “Haya! Tuanze kujenga tena.” Kwa hiyo wakaanza kazi hii njema.
Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.
19 Lakini Sanbalati Mhoroni, Tobia afisa Mwamoni, na Geshemu Mwarabu waliposikia kuhusu jambo hili, walitudhihaki na kutucheka. Wakauliza, “Ni nini hiki mnachokifanya? Je, mnaasi dhidi ya mfalme?”
Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan?
20 Nikawajibu kwa kusema, “Mungu wa mbinguni atatufanikisha. Sisi watumishi wake tutaanza kujenga upya, lakini kwenu ninyi, hamna sehemu wala dai lolote wala kumbukumbu la haki katika Yerusalemu.”
Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.

< Nehemia 2 >