< Mika 4 >

1 Katika siku za mwisho mlima wa Hekalu la Bwana utaimarishwa kama mlima mkuu miongoni mwa milima yote; utainuliwa juu ya vilima, na watu wa mataifa watamiminika humo.
Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.
2 Mataifa mengi yatakuja na kusema, “Njooni, twendeni mlimani mwa Bwana, kwenye nyumba ya Mungu wa Yakobo. Atatufundisha njia zake, ili tuweze kuenenda katika mapito yake.” Sheria itatoka Sayuni, neno la Bwana litatoka Yerusalemu.
Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
3 Atahukumu kati ya mataifa mengi, na ataamua migogoro ya mataifa yenye nguvu na yaliyo mbali. Watafua panga zao ziwe majembe, na mikuki yao kuwa miundu ya kukata matawi. Taifa halitainua upanga dhidi ya taifa jingine, wala hawatajifunza vita tena.
Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
4 Kila mtu ataketi chini ya mzabibu wake na chini ya mtini wake, wala hakuna mtu atakayewaogopesha, kwa kuwa Bwana Mwenye Nguvu Zote amesema.
Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.
5 Mataifa yote yanaweza kutembea katika jina la miungu yao; sisi tutatembea katika jina la Bwana Mungu wetu milele na milele.
Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.
6 “Katika siku hiyo,” asema Bwana, “nitawakusanya walemavu; nitawakusanya walio uhamishoni na wale niliowahuzunisha.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.
7 Nitawafanya walemavu kuwa mabaki, wale waliofukuzwa kuwa taifa lenye nguvu. Bwana atatawala juu yao katika Mlima Sayuni kuanzia siku hiyo na hata milele.
Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.
8 Lakini kuhusu wewe, ee mnara wa ulinzi wa kundi, ee ngome ya Binti Sayuni, milki ya awali itarudishwa kwako, ufalme utakuja kwa Binti Yerusalemu.”
Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.
9 Kwa nini sasa unalia kwa nguvu: kwani huna mfalme? Je, mshauri wako amekufa, hata maumivu yakukamate kama ya mwanamke aliye na utungu wa kuzaa?
Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?
10 Gaagaa kwa utungu, ee Binti Sayuni, kama mwanamke mwenye utungu wa kuzaa, kwa kuwa sasa ni lazima uuache mji ukapige kambi uwanjani. Utakwenda Babeli; huko utaokolewa. Huko Bwana atakukomboa kutoka mikononi mwa adui zako.
Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.
11 Lakini sasa mataifa mengi yamekusanyika dhidi yako. Wanasema, “Mwache anajisiwe, macho yetu na yatazame Sayuni kwa furaha!”
Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
12 Lakini hawayajui mawazo ya Bwana; hawauelewi mpango wake, yeye awakusanyaye kama miganda kwenye sakafu ya kupuria.
Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.
13 “Inuka upure, ee Binti Sayuni, kwa kuwa nitakupa pembe za chuma; nitakupa kwato za shaba na utavunja vipande vipande mataifa mengi.” Utatoa mapato yao waliopata kwa udanganyifu kwa Bwana, utajiri wao kwa Bwana wa dunia yote.
Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

< Mika 4 >