< Waamuzi 5 >

1 Ndipo Debora na Baraka mwana wa Abinoamu wakaimba wimbo huu:
Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,
2 “Wakuu katika Israeli wanapoongoza, wakati watu wanapojitoa kwa hiari yao wenyewe: mhimidini Bwana!
Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay, Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen, Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
3 “Sikieni hili, enyi wafalme! Sikilizeni, enyi watawala! Nitamwimbia Bwana, nitaimba; kwa wimbo nitamhimidi Bwana, Mungu wa Israeli.
Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
4 “Ee Bwana, ulipotoka katika Seiri, ulipopita katika mashamba ya Edomu, nchi ilitetemeka, mbingu nazo zikamwaga, naam, mawingu yakamwaga maji.
Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.
5 Milima ilitetemeka mbele za Bwana, hata ule wa Sinai, mbele za Bwana, Mungu wa Israeli.
Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
6 “Katika siku za Shamgari mwana wa Anathi, katika siku za Yaeli, barabara kuu hazikuwa na watu; wasafiri walipita njia za kando.
Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
7 Mashujaa walikoma katika Israeli, walikoma mpaka mimi, Debora, nilipoinuka, nilipoinuka kama mama katika Israeli.
Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
8 Walipochagua miungu migeni, vita vilikuja katika malango ya mji, hapakuonekana ngao wala mkuki miongoni mwa mashujaa 40,000 katika Israeli.
Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
9 Moyo wangu u pamoja na wakuu wa Israeli, pamoja na wale wanaojitoa wenyewe kwa hiari yao miongoni mwa watu. Mhimidini Bwana!
Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.
10 “Nanyi mpandao punda weupe, mkiketi juu ya matandiko ya thamani, nanyi mtembeao barabarani, fikirini
Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.
11 juu ya sauti za waimbaji mahali pa kunyweshea maji. Wanasimulia matendo ya haki ya Bwana, matendo ya haki ya mashujaa wake katika Israeli. “Ndipo watu wa Bwana walipoteremka malangoni pa mji.
Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
12 ‘Amka, amka! Debora! Amka, amka, uimbe! Ee Baraka! Inuka, chukua mateka wako uliowateka, ee mwana wa Abinoamu.’
Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
13 “Ndipo mabaki ya watu wakashuka dhidi ya wenye nguvu, watu wa Bwana, wakashuka dhidi ya mashujaa wenye nguvu.
Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
14 Kutoka Efraimu wakaja watu, ambao chimbuko lao ni Amaleki; Benyamini akiwa miongoni mwa watu waliokufuata. Kutoka Makiri wakashuka viongozi, na kutoka Zabuloni wale washikao fimbo ya jemadari.
Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
15 Wakuu wa Isakari walikuwa pamoja na Debora; naam, Isakari alikuwa pamoja na Baraka, wakija nyuma yake kwa mbio wakielekea bondeni. Katika jamaa za Reubeni, palikuwa na kujihoji kukubwa moyoni.
Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.
16 Kwa nini ulikaa katikati ya mazizi ya kondoo kusikiliza sauti ya filimbi zinazoita makundi? Kwa jamaa za Reubeni, palikuwa na kujihoji kukubwa moyoni.
Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
17 Gileadi alikaa ngʼambo ya Yordani. Naye Dani, kwa nini alikaa kwenye merikebu siku nyingi? Asheri alikaa kwa utulivu ufuoni mwa bahari, akikaa kwenye ghuba zake ndogo.
Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
18 Watu wa Zabuloni walihatarisha maisha yao, vilevile nao watu wa Naftali.
Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
19 “Wafalme walikuja na kufanya vita; wafalme wa Kanaani walipigana huko Taanaki karibu na maji ya Megido, lakini hawakuchukua fedha wala nyara.
Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
20 Kutoka mbinguni nyota zilipigana, nyota kutoka njia zake zilipigana na Sisera.
Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
21 Mto wa Kishoni uliwasomba, ule mto wa zamani, mto wa Kishoni. Songa mbele, ee nafsi yangu, kwa ujasiri!
Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
22 Ndipo kwato za farasi zikafanya mshindo: farasi wake wenye nguvu huenda mbio kwa kurukaruka.
Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
23 Malaika wa Bwana akasema, ‘Merozi alaaniwe. Walaaniwe watu wake kwa uchungu, kwa kuwa hawakuja kumsaidia Bwana, kumsaidia Bwana dhidi ya hao wenye nguvu.’
Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
24 “Yaeli abarikiwe kuliko wanawake wote, mkewe Heberi, Mkeni, abarikiwe kuliko wanawake wote waishio kwenye mahema.
Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.
25 Aliomba maji, naye akampa maziwa; kwenye bakuli la heshima akamletea maziwa mgando.
Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.
26 Akanyoosha mkono wake akashika kigingi cha hema, mkono wake wa kuume ukashika nyundo ya fundi. Akampiga Sisera kwa nyundo, akamponda kichwa chake, akamvunjavunja na kumtoboa paji lake la uso.
Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.
27 Aliinama miguuni pa Yaeli, akaanguka; akalala hapo. Pale alipoinama miguuni pake, alianguka; pale alipoinamia, ndipo alipoanguka, akiwa amekufa.
Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
28 “Kupitia dirishani mamaye Sisera alichungulia; nyuma ya dirisha alilia, akasema, ‘Mbona gari lake linachelewa kufika? Mbona vishindo vya magari yake vimechelewa?’
Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?
29 Wanawake wenye busara kuliko wengine wote wakamjibu; naam, husema moyoni mwake,
Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay.
30 ‘Je, hawapati na kugawanya nyara: msichana mmoja au wawili kwa kila mtu, mavazi ya rangi mbalimbali kwa Sisera kuwa nyara, mavazi ya rangi mbalimbali yaliyotariziwa, mavazi yaliyotariziwa vizuri kwa ajili ya shingo yangu: yote haya yakiwa nyara?’
Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?
31 “Adui zako wote na waangamie, Ee Bwana! Bali wote wakupendao na wawe kama jua lichomozavyo kwa nguvu zake.” Hivyo nchi ikawa na amani kwa miaka arobaini.
Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.

< Waamuzi 5 >