< Waamuzi 16 >

1 Siku moja Samsoni alienda Gaza, akamwona mwanamke kahaba, naye akaingia kwake.
Markaasuu Samsoon tegey Gaasa, oo halkaas wuxuu ku arkay dhillo, wuuna u galay.
2 Watu wa Gaza wakaambiwa, “Samsoni amekuja huku!” Hivyo wakapazingira mahali pale nao wakamvizia usiku kucha, penye lango la mji. Wakanyamaza kimya usiku kucha, wakisema, “Tumvizie hadi mapambazuko, ndipo tutamuua.”
Oo waxaa dadkii reer Gaasa lagu yidhi, Samsoon halkanuu yimid. Oo intay hareereeyeen ayay habeenkii oo dhan magaalada iriddeeda ku gaadayeen, oo habeenkaas oo dhanna way aamusnaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Markuu waagu beryo ayaynu dili doonnaa.
3 Samsoni akalala mpaka usiku wa manane. Akaondoka katikati ya usiku, akashika milango ya lango la mji pamoja na miimo yake miwili, akaingʼoa, makomeo yake na vyote. Akaviweka mabegani mwake na kuvipeleka mpaka kwenye kilele cha mlima ule unaokabili Hebroni.
Oo Samsoonna ilaa habeenbadhkii ayuu jiifay, oo wuxuu kacay habeenbadhkii, oo gacanta ku qabsaday albaabbadii magaalada iriddeeda iyo labadii tiir, markaasuu fujiyey dhammaantood iyo qataarkiiba, oo garbahuu saaray, oo wuxuu la tegey buurta Xebroon ku hor taal dusheeda.
4 Baada ya hayo akampenda mwanamke mmoja katika Bonde la Soreki aliyeitwa Delila.
Dabadeedna wuxuu jeclaaday naag joogta dooxadii Soreq, oo magaceedana la odhan jiray Deliilaah.
5 Viongozi wa Wafilisti wakamwendea yule mwanamke na kumwambia, “Umbembeleze ili upate kujua siri za nguvu zake zilizo nyingi na jinsi tutakavyoweza kumshinda ili tuweze kumfunga na kumtiisha. Nasi kila mmoja wetu tutakupa shekeli 1,100 za fedha.”
Oo amiirradii reer Falastiin ayaa u yimid iyadii, oo waxay ku yidhaahdeen, Bal sasab isaga oo soo ogow meesha xooggiisa weynu kaga jiro, iyo sida aannu kaga adkaan karno, oo aannu intaannu xidhno u saxariirin karno; oo midkayo kastaaba wuxuu ku siin doonaa kun iyo boqol xabbadood oo lacag ah.
6 Hivyo Delila akamwambia Samsoni, “Naomba niambie siri ya hizi nguvu zako nyingi na jinsi utakavyoweza kufungwa ili kukutiisha.”
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Waan ku baryayaaye ii sheeg meesha xooggaaga weynu kaaga jiro, oo maxaa lagugu xidhi karaa si laguu saxariiriyo.
7 Samsoni akamjibu, “Kama wakinifunga kwa kamba saba za upinde ambazo hazijakauka bado, hapo ndipo nitakapokuwa dhaifu kama mtu mwingine yeyote.”
Oo Samsoonna wuxuu iyadii ku yidhi, Haddii laygu xidho toddoba xadhig oo qoyan oo aan weligood engegin, markaasaan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
8 Viongozi wa Wafilisti wakamletea yule mwanamke kamba saba za upinde ambazo hazijakauka bado, akamfunga nazo Samsoni.
Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u keeneen toddoba xadhig oo qoyan oo aan engegin, oo iyana isagii bay ku xidhay xadhkihii.
9 Wakati watu wakiwa wanamvizia katika chumba cha ndani, yule mwanamke akamwambia, “Samsoni, Wafilisti wanakujia!” Lakini yeye akazikata zile kamba za upinde, kama vile uzi wa pamba unapoguswa na moto. Hivyo siri ya nguvu zake haikujulikana.
Haddaba waxay haysatay niman gaadmo ah oo joogay qolka hoose. Oo waxay isagii ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Oo xadhkihiina wuxuu u jaray sidii shootali dab la saaray u go'o oo kale. Taas darteed xooggiisii meeluu ku jiro lama ogaan.
10 Ndipo Delila akamwambia Samsoni, “Umenifanyia mzaha na kuniambia uongo. Tafadhali niambie waweza kufungwa kwa kitu gani?”
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Bal eeg, waad igu majaajilootaye. Oo been baad ii sheegtay, haddaba waan ku baryayaaye, ii sheeg waxa lagugu xidhi karo.
11 Akamwambia, “Wakinifunga kwa uthabiti kwa kamba mpya ambazo hazijatumika, basi nitakuwa dhaifu kama mtu mwingine yeyote.”
Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddii laygu xidho xadhko cuscusub oo aan lagu shaqayn, markaas waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
12 Hivyo Delila akachukua kamba mpya na kumfunga nazo. Kisha akamwambia, “Samsoni, Wafilisti wanakujia!” Wale watu waliokuwa wanamvizia walikuwa katika chumba cha ndani. Lakini akazikata zile kamba zilizokuwa zimefunga mikono yake kama akatavyo uzi.
Markaasay Deliilaah qaadday xadhko cuscusub oo ku xidhay isagii, oo waxay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin way ku hayaan. Nimankii gaadmadii ahaana waxay ku jireen qolka hoose. Markaasuu xadhkihii gacmihiisa uga jaray sida dunta oo kale.
13 Ndipo Delila akamwambia Samsoni, “Mpaka sasa, umenifanyia mzaha na kuniambia uongo. Nieleze ni jinsi gani utakavyoweza kufungwa.” Samsoni akamwambia, “Kama ukivisuka hivi vishungi saba vya nywele za kichwa changu katika mtande wa nguo na kukaza kwa msumari, ndipo nitakuwa dhaifu kama mtu mwingine yeyote.” Hivyo Samsoni alipokuwa amelala, Delila akachukua vile vishungi saba vya nywele za kichwa chake na kuvifunga kwenye mtande wa nguo,
Markaasay Deliilaah Samsoon ku tidhi, Haddaba tan iyo markii hore waad igu majaajilootay, oo been baad ii sheegtay. Ii sheeg waxa lagugu xidhi karo. Kolkaasuu ku yidhi, Toddobada raamood ee madaxayga haddaad dharsameeye duntiis kula tidicdid waan taag yaraanayaa.
14 na kuvikaza kwa msumari. Kisha akamwambia, “Samsoni, Wafilisti wanakujia!” Lakini akaamka kutoka usingizini na kuungʼoa ule msumari na ule mtande.
Markaasay qodob ku qodobtay oo ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Oo intuu hurdadii ka soo toosay ayuu rujiyey qodobkii iyo looxii dunta, iyo duntii dharsameeyaha.
15 Ndipo Delila akamwambia, “Wawezaje kusema, ‘Nakupenda,’ wakati moyo wako haupo pamoja nami? Umenifanyia mzaha mara hizi tatu na hujaniambia siri ya hizi nguvu zako nyingi.”
Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro.
16 Hatimaye, baada ya kuwa anamsumbua kwa maneno siku kwa siku na kumuudhi, roho yake ikataabika hata kufa.
Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.
17 Hivyo akamwambia yule mwanamke siri yake yote, akamwambia, “Wembe haujapita kamwe kichwani mwangu, kwa kuwa mimi ni Mnadhiri wa Mungu tangu tumboni mwa mama yangu. Kama nywele za kichwa changu zikinyolewa, nguvu zangu zitanitoka, na nitakuwa dhaifu kama mtu mwingine yeyote!”
Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
18 Delila alipoona kuwa amemweleza siri yake yote, akatuma ujumbe kwa viongozi wa Wafilisti na kusema, “Njooni tena mara nyingine, maana amenieleza siri yake yote.” Basi viongozi wa Wafilisti wakaja kwa Delila, wakiwa na fedha mikononi mwao.
Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen.
19 Delila akamfanya alale usingizi magotini pake, akamwita mtu akamnyoa vile vishungi saba vya nywele za kichwa chake. Akaanza kumsumbua ili aamke nazo nguvu zake zikamtoka.
Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey.
20 Yule mwanamke akamwita, “Samsoni, hao Wafilisti wanakujia!” Akaamka toka usingizini akasema, “Nitatoka nje kama hapo awali, nitawakungʼutia mbali na kuwa huru.” Lakini hakujua kuwa Bwana amemwacha.
Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga.
21 Basi Wafilisti wakamkamata, wakamngʼoa macho yake, wakamchukua wakamteremsha mpaka Gaza. Wakiwa wamemfunga kwa pingu za shaba, wakamweka ili asage ngano huko gerezani.
Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.
22 Wakati huo nywele za kichwa chake zikaanza kukua tena baada ya kunyolewa.
Habase yeeshee timihii madaxiisu waxay bilaabeen inay soo baxaan kolkii la xiiray dabadeed.
23 Basi viongozi wa Wafilisti wakakusanyika pamoja ili kutoa kafara kwa mungu wao Dagoni na kufanya karamu, wakisema, “Mungu wetu amemtia adui yetu Samsoni mikononi mwetu.”
Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen.
24 Watu walipomwona Samsoni wakamsifu mungu wao, wakisema: “Sasa mungu wetu amemtia adui yetu mikononi mwetu, yule aliyeharibu nchi yetu na kuwaua watu wengi miongoni mwetu.”
Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.
25 Mioyo yao ilipokuwa imefurahishwa wakasema, “Mleteni Samsoni aje acheze ili tufurahi.” Basi wakamleta Samsoni kutoka mle gerezani naye akacheza mbele yao. Wakamweka kati ya nguzo mbili.
Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.
26 Samsoni akamwambia mtumishi aliyeshika mkono wake, “Niweke mahali ambapo ninaweza kuzigusa nguzo ambazo zinategemeza jengo ili nipate kuziegemea.”
Markaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee.
27 Basi lile jengo lilikuwa na wingi wa watu waume kwa wake; viongozi wote wa Wafilisti walikuwamo humo, na kwenye sakafu ya juu walikuwepo watu 3,000 waume kwa wake, waliokuwa wakimtazama Samsoni wakati anacheza.
Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay.
28 Ndipo Samsoni akamwomba Bwana, akasema, “Ee Bwana Mwenyezi, unikumbuke. Ee Mungu, nakusihi ukanitie nguvu mara hii moja tena, ili kwa tendo hili nipate kulipiza kisasi juu ya Wafilisti kwa ajili ya macho yangu mawili.”
Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.
29 Ndipo Samsoni akazikaribia zile nguzo mbili za katikati ambazo lile jengo lilikuwa linazitegemea. Akazishika moja kwa mkono wa kuume na nyingine mkono wa kushoto.
Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii.
30 Samsoni akasema, “Nife pamoja na Wafilisti!” Ndipo akazisukuma zile nguzo kwa nguvu zake zote, lile jengo likaanguka juu ya viongozi na watu wote waliokuwamo mle ndani yake. Hivyo akawaua watu wengi wakati wa kufa kwake kuliko siku za uhai wake.
Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa.
31 Basi ndugu zake na jamaa yote ya baba yake wakateremka kwenda kumchukua. Wakampandisha na kumzika kati ya Sora na Eshtaoli kwenye kaburi la Manoa baba yake. Naye Samsoni alikuwa mwamuzi wa Israeli kwa miaka ishirini.
Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

< Waamuzi 16 >